Doodda Dastuurka iyo Dabinnada dahsoon

Doodda Dastuurka iyo Dabinnada dahsoon!

Daneyste aan darajo lahayn, damaciisa gaar ahaaneed ma ahine aan damqasho iyo dareen wadaniyadeed u dhalanin, dooddiisu tahay maxaa iga dega? Aan dad, dal iyodiin dan iyo heello midna ka lahayn, ninka u dhiibay DASTUUR QARAN yaa dambiga hore iyo gadaalba qaadaya, inta u daba yuurarta iyo kuwa u arka dedaalna waa dad ma gudbayaal ah oo damiirkoodu siiyey inay xumaha diLlaal ka noqdaan.
Doodda Dastuurka maanta ma billaaban, laba sana ka hor ayaa IN DHEERGARADKA iyo AQOON YAHANKA SOOMAALIYEED, ee Mahiga iyo xulafadiisu u baxsheen QASWADEYAASHA, kaga sii digeen ismaandhaafka iyo is mari waaga maanta taagan, Dastuurka oon waliba qabyo qoraal ahayn, sida caadada ahaydna dhag jaqal looma siin, waana  la iska dhaga tiray, in la dhugto qoraalkoodana waa lagamaagay.

Dastuurka qabyo qoraalka ah

Waxan ay Dastuurka ku sheegayaan, waxaa ku jiro qodobbo aysan qorin Soomaali,sida ka muuqatana ay qorteen dalalka dariska ah, qodobbada qaarna waxaaba qortay qabiillada qaarkood, oo aadba mooddo inay ku fillaa waysay, sadbursiga ay maanta ku hayaan beelaha intooda kale, awal ayaanba qaati ka taagnayn afar iyo bare, ma waxay noo soo wadaan goosgoos aan aan meel lagu gaareyn?.
Balaan ku hormaro qodobka la yaabka leh ee ah: “DHALASHADA/JINSIAYADDA”Dastuurka qabyo qoraalka ah waxaa ku qoran sidan: CUTUBKA 2AAD-JINSIYADDA
Qodobka 11aad-U-dhalashada Jinsiyadda
(1) Qof kasta oo ku dhasha gudaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya,dhalasho ahaan waa Soomaali.
Qodobka 12aad-Muwaaddinnimada lagu heli Soomaaliyeynta

(3) Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u degganaa,
buuxiyeyna shurrdaha sharciga Jinsiyadda, xaq ayuu u leeyahay inuu dalbadoSoomaaliyeyn.

(4) Shardiga shanta sano ee uu qofku xaq u yeelanayo in lagu Soomaaliyeeyo guur ama deggnaansho kuma xirna in uu buuxiyey ka hor ama ka dibtaariikhda dhaqangalka Dastuurka.

Ugu horrayn, mid waa inaan isla qirnaa, inaan nahay dal xitaa aan SABOOL la dhihi karin, ayna noo sii dheer tahay inaan dhan walba ku fashilannay, haba ugu darnaadaan dhanka ammaanka, maamulka iyo garsoorka, waaba haddii raadkood la hayee.

Sidaa waxaan u leeyahay, qofka marka uu mudnaado JINSIAYAD/DHALASHO, wuxuuyeelan xuquuq, maya, wuxuuba la mid noqon Muuwaadinka Soomaaliyeed, ee aan la SOOMAALIYEYN. Haddaba, miyeysan habboonayn inaan arrinta si fudud loo
gudagalin? Waa midda koowaade, DHAQAALO uma haynno, in qof walba oo shan sano na dhexjooga aan dhalasho dhab ku siino. Anagii ayaa NAF LA CAARI ah, eesideen dad kale ku xammili karnaa? Aniga iima dhadhamin.

Midda naxdinta leh ayaa ah, in qodobkan ay qorteen dawladaha ay ciidanka ka joogaan wadanka, si gaara XABASHIDA, oo danteedu tahay inay ku yeelato Soomaalida dhexdeeda, dad badan oo la SOOMAALIYEEYEY, micnaha dad asal ahaan ka soo jeedo wadankeeda, balse, xaq buuxa ku leh Soomaaliya. Haddaba, maxaa ka horjoogsanaya in ay berri madax noqdaan?.
Berri waxaa soo socda kuwa madaw iyo caddaan isugu jira, oo aan Soomaali

ahayn, lase la leeyahay waa Soomaali, oo xukunka qaban doona. Hadda ayeyba billaabatay, dad la siiyey dhalashada, sida ay sheegayaan xog hoose oo laga helay Waaxda Jinsiyadda ee Xamar, aanse ka wardhawrno maalmaha! Wallee inay wax rimman yihiine.
Run ahaan, qodobkan wuxuu keeni doonaa in dad badan oo iminka Soomaaliya jooga, ayna ugu horreeyaan ciidan AMISOM, ujeedna loo geeyey, ay berri ku doodi doonaan, inay Soomaali yihiin, maxaa yeelay, waxay Soomaaliya deganaayeen in ka badan shan sano, oo uu Dastuurkani xaddidayo, Qoraa sare: C/qaadir Cusmaan Max’ud (Aroma), ayaa Naynaas ahaan ula baxay (Oromo) isagoo ku muujinayaAfrikaannimadiisa, kana cararaya Carabnimo ama Carabayn.

Markuu burburkii dhacay, ayuu ku baraarugay kuwa la leeyahay waa Oromo masaakiin ah, oo dadkii qaarijin ku dhammeeyey, ka dibna, Naynaastiiku badshay (Aromo) oo ah geed udgoon.

Malaha meeshii C/qaadir Cusmaan Max’ud (Aromo) uu ka dagaallamayey ayaan maanta maraynaa? Maxaa yeelay, qodobkan waxaa ka dhalanaya in Ajaanib badan ay xaq u yeeshaan dhalashada Soomaali. Hubaal in dad badan kugula doodayaan,in ay jiraan Soomaali badan oo qurbaha ku haysta dhalasho kale.

Aanse caddeeyee, sidee bay dhalashooyinka iyo deganaanshiyaha ay haystaan ku heleen? Waxaa jira sharci caalamiya oo dowladaha adduunku aysan wada saxeexin oo la yidhaahdo (Geneve Convition- Xeerkii Geneve) sharcigan oo sheegaya dadka siyaasad ahaan, nolol ahaan isugu dhiiba oo nabadgeliyo weydiisata dowladaha saxeexay iyo dadka ay ku dhacaan aafooyinka, sida: daadka, duufaannada iyo dhulgariirrada, ee dowladdoodu maareyn kari weydo in la caawiyo oo dowladaha qaarkood deegaameeyaan.

Haddaba waa su’aale Soomaaliya ma saxeexday 1951 inay qaxoonti qaabisho oo dad barakacayaala deegaamayso, ka dibna siiso dhalashooyin iyo deganaanshiiyo?
Hadday haa tahay, maxaa reer Senjabaar dorraad la raray, oo loo siin waayey?
Halkaa waxaa ka baxaysa inaysan na khusayn arrinkaasi, dhinac sharci ahaaneed iyo
dhinac awood ahaaneedba.

tan iyo kuwaas kala duwan, markaan yeelano dhaqaalaha dawladahaa oo kale, ee aan dal dhisan iyo dad deggan yeelanno ha la gaaro, ee maanta miyey mudan tahay in sheeko caynkaa ah Dastuur na loogu qoro?
Waxaa jira dalal badan oo naga hodonsan, oo aan qodobkani u qornayn, sida S.Afrika, Jappan, S.korea, Malesia, UAE IWM, kuwaaba kuma degdegine, waa maxay kadlayntan nagu jirtaa? Wallee inaan shaki ku jirin, in Xabashi qoratay qodobka JINSIAYADDA/DHALASHADA, ee Soomaaliyeey, armay maanta ku habboontahay, inaan raggan iska qabanno?.

Dhanka kale, dawlado reer Yurub ah, ayaanba ku bixin dhalashada shan sano, ama kuba baxsha shantaa oo shuruudo lehe, sidey ku dhici kartaa dal G8 [Dawldaha warshadaha ku hormaray] ku jira, sida Italy, Switzerland, Germany IQB, in dhalashada lagu helo toban sano oo degaansho ah, annagu aan shan sano oo daganaashao ah ku bixinno? Aniga iima cuntamin, aqriste, adna? Waxaan gudcur ku
jirin oo aan u baahnayn hillaabasho, in guddigan iyo kuwa la mid ah, ay dalka ka
dhigayaan mid aan la kala xigin.

Xuduudaha dadlka

Qodobka kale ee Dastuurkan qabyo qoraalka ah ku jira, ee u baahan in la iftiimiyo ayaa ah Xuduudaha dalka. Dastuurkan qabyo qoraalka ah, laguma qeexin soohdimaha dalka, halka lagu caddeeyey Dastuurkii Dawladdii 1960-kii, ee la qoray maalmihii xorriyadda, Dastuurkii Dalwaddii Carta ee 2000-dii ee laguu soo dhisay

Jabuuti, ee C/qaasim Salaad Xasan madaxweyne ka haa iyo Dastuurkii 2004-tii ee DKMG ee lagu soo dhisay wadanka Kenya, ee C/laahi Yuusuf madaxweyne ka ahaa.

Arrintan waxaa xoog u yeelaya, in Soomaaliya aysan ku qanacsanayn xuduudihii uu gumeysigu ka tagay, doodna ay ka qabto, wixii dalka dawlado soo marayna marna aysan aqbalin. Haddaba, jihooyinka soohdimaha Jamhiiriyadda Soomaaliya waxaa
lagu qeexaa sidan:

-Waqooyi, waxaa kaga beegan: Gacanka Cadmeed
-Waqooyi Galbeed, waxaa ka xiga: Jabuuti
-Galbeed, Waxaa kaga aaddan: Itoobiya
-Koofur iyo Kuufur Galbeed, waxaa ka jira: Kenya
-Bari, Waxaa kaga dayran: Badweynta Hindiya

Caasimadda Muqdisha

Weydiinta ugu horraysa ayaa ah, maxaa mar walba muran loo galshaa, maqaamka Muqdisha? Magaalooyinka wadanka ugu waaweyn hadal lagama keenee, maxaaMuqdisha kaliya dooddeedu u dhalataa? Kismaayo, Hargaysa, Garoowe iyo magaalooyinka la midka ah, marna ma maqalno muran ku aaddane, maxaa  Caasimadda Muqdisha mar walba looga murmaa?

Hubaal in ujeed ka dambeeyo.

Mid waan filaa inaan muran ka jirin, in deegaan walba dad leeyahay, xitaa kuwooda bannaan, ee aan markaa la daganayn, aan bal tusaalo ku muujiyo,gobollada dalka, dhammaan lama wada degana, bal Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada “Lama dagaanka ah” ma ahan in dhulkeennu Saxare yahaye, ee maadaama dad ahaan aan aad u yarnahay, dhulkuna aad nooga weyn yahay ayaa
sidaa loo yiri.

Haddaba, haddii dhulku naga soo harayo, mayee, aanba ka deggan nahay wax aan dhammayn 13%, maxaa keenay in deeganno la isku qabqabsado? Kumaba sii jirto,haddii is qabqabsigu keenay, in dhul dad leeyihiin la dhaafinayo, sidaa awgeed,Muqdisha dhul ahaan, hubaal in dad leeyahay, Caasimad ay noqotana, dadkii dhulkalahaa kuma weyn karaan.

Maxaa yeelay, sida Dhuusamareeb dad u leeyihiin, ayaa Muqdishana dad u leeyihiin haddii la yiraa: Muqdisha lama kala xigo, oo waa caasimaddii dalka, saw ma noqonayso: “Kayga anaa iska leh, Kaaga kula ihi” Micnaha sida Baydhabo dad u leeyihiin, ee aan lala wadaagin, saw ma ahan in Xamarna sidaa noqoto? Taa kama dhalanayso inaysan ahayn caasimaddii dalka.

Dhanka kale, waaba su’aale: Miyeysan dhici karin, in Xamar Caasimad ahaato,maamulna ay yeelato, dadna yeeshaan? Weydiinta aan si kala u dhigo: Miyey is diidayaan caasimadnimada Muqdisha iyo Maamul cidi leedahay inay isla noqoto?
Wallee Soomaali looga maara waa; sadbirsi iyo xerataraar!

Haddaba, miyeysan habboonayn, inaan dadka la sii kala dilin? Illeen bar ka tiridda Caasimadda Muqdisho dadaa ku sii durgayee, waa haddii la tixgalinayo muwaaddinnimo, walaaltinimo, wadanoolaasho, darisnimo iyo xigaalnimo, haddii kale, colaadda meeshii laga damin lahaa, ha la sii huriyo, wixii laga dhaxlo, yaanba wax la iska siin!
Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahana duqa magaalada Muqdisho Mudane
Maxamuud Axmed Nuur Tarzan wuxuu aamusnaadaba mar qura ayuu afka furtay, hadalkuu dhadhay xigmad buu lahaa : raggii Muqdisha aan ku qorin Dastuurka waa in loo higgaadshaa sida loo dhigo! Kuna gooddiyey inay bannaan bax dhigi doonaan,
malaayiinta hadalkiisa ka maqsuuddayse , dub uguma soo laaban, malaha wuxuu ku

maqan yahay xeerin? Fiicnaa lahaydaa!
Dhanka kale, waxaa hadalka uga daba maray Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo yiri : waxa caasimadda Muqdisha looga reebay Dastuurka cillad farsamo! Waaba yabe, Dastuurku ma makiinadbaa? Mise waa aalad cilladi gali
karto? Cilladdan uu shaagayaase ma tii ahayd baa: Waraaqihiina engege/qallale,
qalinkiina la rafac {la qaad} oo ah inaan caasimad la isagu soo laaban? Ani ma
garan.

Dunida waddan aan caasimad lahayni ma jiro, maya maamul, hannaan iyo koox aan xero u go’nayni ma jiro, ee maxaa Soomaali iyo dawladdeeda xarun la’aan loo dhigayaa ? iska eeg hadde ma oran maxaa dhigay ? illeen iyadu [waa xaruntee] isma
dhigin la’aane, mana iska dhigine, oo waa laga dhigee ! Sidaa awgeed, weydiintu waxay ku socotaa : ragga dhigay dhigaalkan dhiillada dhalinaya!
Haddii dooddu ka dhammaa waysay Muqdisha iyo maqaamkeeda, aan bal dhan kale haddana ka joogsado, in kasta oo aanaan Muqdisha ku dhalan una dhalan, aanse ka sii afeeftee, erayada caynkan ah, dad badan oo Soomaliyeed yaa ka xajiimoodee, waxaan u adeegsanayaa inaan la i oran waa reer Muqdishoo Muqsdisho difaacaya, in kasta oo mudan tahay in la daafaco.

Haddii xukun adduun, xeer Soomali iyo mid xigaalaba la eegi waayey, aan soo jeedsho talo aan filayo in horey loo soo jeedshay, oo ah in si dhibka Muqdisha uga yaraado; bal Caasimaddan jaan meel kale loo wareejiyo, si aan u ogaanno beesha oggolaa doonto in deegaankeeda lala wadaago, illeen doodda iminka taal yaa ah Xamar waa caasimad oo lama kala xigee, sidaana noqday federalkii lala hillaabnaa.

Maamullada dalka ka jira waxay ka siman yihiin in ay il gaar ah ku eegaan dadkan
koofur ka soo barakacay, reer koofurku waxay wada aaminsan yihiin in Xamar
caasimad u tahay, haddaba ninka adoo socoto ah aadan ka nabadgalin, marka uu
maamul eexeed kuu helo, muxuu kugu samayn?.
Dhanka kale, degmooyinka noqon kara caasimad, qaar cimilo ahaan yeysan u noqon
karin, kulayl awgiis, qaar istiraatiiji ahaan yeysan u noqon karin, inay xad dalal kale
saaran yihiin awgeed, qaar ciid ahaan yeysan u noqon karin, inaysan daaqsin wacan
iyo carro san ahayn, Muqdisha intaba ma ahan, oo waa dhul xeebeed, dhan walbana
beero ka saaran yihiin, labo wabi yaa jaanka ka mara, magaalo intaa isku leh bal
keena?

Dastuurro is diiddan

Marka laga soo tago qaab qoraalka Dastuurkan qabyo qoraalka ah, ee la doonayo
in dadka lagu siro ama lagu socodsiiyo, waxaa jira Dastuurro kale, oo wadanka ka
jira, oo aan aad uga duwanayn midkan hadda la soo wado iyo kuwii horay u jirayba,
dabcan waxaa kaw ka ah kan Somaliland, haddana, ma qodobaynayo, illeen iyagu
waxayba sheegteen inay dalka ka go’een, una dhaqmayaan sidii dawlad madax
bannaan oo kale.
Midse aan caddeeya, in Dastuurka Somaliland yahay Dastuurka qura ee xalaal lagu
tilmaami karo, ee looga dhaqmo gudaha Soomaaliya, xalaal waxaan u iri, waa
Dastuurka qura, ee afti dadweyne lagu meelmariyay, waxaan wada xusuusannaa
kumannaankii Suulka qadda ku wada lahaa, ee Waayeel iyo Dhallinyaro, Rag iyo
Haween, Masuul iyo Muwaadinba ka sinnaa, kaliya ma ahan, ee waa Dastuurka
qura ee aan qol mugdi ah lagu madiidin, ama toboneeyo aan cidna matelin loo
xilsaarin meelmarintiisa, waa tii la yiri: “Xalaal iftin baa la qashaa” iyo “Hillaac
biyihiisuu caddaystaa”.
Balse, layaabka ayaa ah marka aad akhriso Dastuurka Maamulka Puntland ansixiyey,

waxaad arkaysaa wax marna kaa qosliya, marna kaa yaabiya, mudane Faroole inuu
sanad kordhistay ka sokow, waxaa Dasturka ku qoran qodobbo la yaab leh, haddaba
aan tusaaleeyo.
Magac bixinta:Waxaa wax lagu qoslo ah, waa magaca ay baxsadeen, bal waa
kane aqriste ila eeg: “Dawladda Puntland ee Soomaaliya” Waaba weydiine, ma
dawlad goboleed baa mise waa dawlad? Dunida lagama sheegin dawlad dawlad
kale ku dhextaal, marka laga reebo Dawladda yar ee “Vatican & Fürstentum
Liechtenstein”ka, ee ku kala dhexyaal wadamada Italy iyo Switzerland, iyana
iskama bixine sooyaal iyo saab weyn ayey ku samaysan yihiin.

Gunaanad:

Sida kale, Odoyaasha Dhaqanka waxay ku taliyeen in aan Dastuurka sidan lagu ansixin, ayna habboon tahay in ilaa 11 qodob oo kuwan aan sheganay ay ugu muhimsan yihiin wax laga badalo, balse, ayaan darro, halka warkooda laga dhagaysan lahaa, cabsiin iyo caga juglayn yaa loogu badalay, mase ahan rag waxaa qaadanaya, haddaan la hurayn iyagoo qaylinaya ha la garab maro, waaba haddii
qasab wax ku meel maraane.

Ugu dambayn, qodobbadaa iyo qaar kale oo Dastuurka ku jira qofkii dood ka qaba, haddii Mahiga iyo xertiisa QASWADE u qoreen, aniga ha iga billaabaan, illeen QASWADE waxaa noqday, qofkii ka gilgishay qaladkan qodobbaysan ee qabyo qoraalka ku jiree. Bal badi goob qormadii ahayd: Yaa Qaswade ah?!.

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 14, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Doodda Dastuurka iyo Dabinnada dahsoon

  1. Soomaaliyey qabiil wax ma taraayo soo qabta 4ta tuug oo isku sheegaa madaxda dawlada,SHIIKH SHARIIF ,SHARIIF SAKIIN . CABDIWALI GAAS IYO FAROOLE.,
    Waxay lunsheen soomaali , waxay sameeyaan wax isdaba marin ,
    waxay adeegsadaan dadkale say u haleeyaan qofkii fiicnaay maciisa iyo sharaftiisa. waxay sameeyaan ama ku shaqaystaan been la abuuray.waxaas dhan waxay u suubnaayin inay ku soo naqdaan madaxtinimada ,kuwaas ha ugu eexan qabiil aa isla nahay ,u eexo kan soomaalinimada iyo cadaal wado wadankana horomar u keenaaayo.