Wafdiga ka socdo xisbiga Dadka ee uu hogaamiyay Musharaxa Prof, Saciid Ciise Maxamud oo dhawanahaan kusugnaa goboladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa lugtooda ugu danbeysay ee booqashada waxa ay ku tageen deegano dhowr ah.
Deeganadda ay tageen waxa ka mid ahaa degmadda Matabaan Garoore ee gobolka Hiiraan halkaasi uu kula kulmeen maamulka degmada oo uga warbixiyey xaaladda guud ee ku sugan tahay deeganadda ay maamulan oo ay sheegeen iney amaan tahay.
Taliyaha Amniga Yacquub Maxamed Cali ayaa sheegay iney taagersan yihiin musharaxa Prof, Saciid Ciise Maxamud iyagoona ka codsaday hadii uu guuleysto iyo hadii kaleba inuu wax ka qabto xaaladda deeganaddan u kasoo jeedo.
Wiilo Maxamud Colow oo ku hadlaysay magaca haweynka Matabaan ayaa sheegtey iney soo dhaweynayaan Musharaxa waxaana ay ka codsatey in uun u raadiyo gobolka sidii loo heli hormarin lahaa xaga arimaha guud ee bulshada.
Prof, Saciid Ciise Maxamud oo ah gudoomiyaha xisbiga Dadka oo la hadlayay dad faro badan oo iskugu soo baxay in magalada Fagaare ku yaal Matabaan ayna tahay magalooyinka ugu faca wayn balse aysen waxba u qaban dowladihii jirey, Sidaas daradeedna ay tahay in shacabka reer Matabaan isku tashtaan ayna dhistaan degmada.
Sidoo kale Xaflad si wayn loo soo agaasimey, aheedna tii ugu balaraaneed ee ebid ka dhacdo deegaanka Geedi Jir ayaa waxa lagu soo dhaweyay musharaxa Prof, Saciid Ciise Maxamud iyadoona ay boqolaal dadweyne ah iskugu soo baxayn.
Gudoomiyaha Xigeenka Degaanka Geedi Jir Macalin Maxamud Xaashi ugu horeyntii xafladda ka hadlay ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin in musharaxa uu soo booqday isla markaane ay ka codsadeen in waxyaabaha muhiim-ka ah eesan haysan una baahan yihiin in laga caawiyo sidi ay u heli lahayeen.
Afhayeenka guddiga deegaanka Cali Isxaaq Tarabi oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay iney aad u farax galisay inoo soo booqday shaqsi u sharaxan xilka madaxtinimada Soomaaliya uuna indhihiisa kusoo arko xaaladda Geedi Jir oo sheegay iney u baahan yahay in wax laga qabto lagana dhigo Degmo.
Musharaxa Madaxtinimada Prof, Saciid Ciise Maxamud oo la hadlayay dadweynaha faraha badan ee isku soo baxa sameyay ayaa sheegay in Geeri Jir u qalantey in laga dhigo degmo maadama ay aad u baraalan tahay, isagoona u balan qaaday in degmo uu u magabi doono hadii uu ku guuleysto xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Prof, Saciid Ciise Maxamud ayaa booqadashiisa goboladda dhexe ayaa is badal wayn waxa ku sameyneesa muuqaalka siyaasadeed ee gobolkan muddo badan ka jireen dagaalo, wax muuqaal siyaasadeedna uusan laheen.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login