Kulan lagu taageerayo musharaxnimada C/raxmaan baadiyow oo Holland ka dhici doona Axadda
Maalinta berri ah waxaa lagu wadaa in dalka Holland, gaar ahaan magaalada Leidschendam uu ka dhaco kulan taageero loogu muujinayo musharaxa madaxweynenimada Soomaaliya Dr. C/raxmaan Baadiyow. Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa ah mid ka tarjumaya taageerada qurba-joogtu la garab taagan yihiin in hogaanka dalka ay isu soo sharaxaan aqoonyahanadda sumcadda ku leh bulshadda dhexdeeda sida C/raxmaan Baadiyow. Kulankan taageerada ah ayaa ka dhici doona Greenpark Hotel. Adress:Weigelia 22, 2262 AB Leidschendam
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login