Musharaxa Eng: Abdulrahman M. Macalin (Sharaf) oo u taagan xilka Madaxtinimo ee Soomaliya

Warsaxaafadeed:

Musharaxa Eng: Abdulrahman M. Macalin (Sharaf) oo u taagan xilka Madaxtinimo ee Soomaliya, ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Mogdishu waxaa uu kusheegay.

Waqtiyada kala guurka , iyo xaalada murugeysan ee dalkeena maraya waxaa looga bixi karaa iyadoo Cadaalada lagu dhaqmo,wada shaqeyn iyo wadaninimo la muujiyo.
Waxaa hubaal ah hadii hogaanka dalka  uusan la iman karti, hufnaan, iyo maareynta tubta -geedi socdaka nabada( road map) ka in uu dalka ka baxeyn dowlad ku meel gaar .Hadaba si taa looga hor tago waxaan soo jeedinayaa qodobadan soo socdo.

1) In wax kasto lagu dhameeyo wada hadal iyadoo la muujinaya ilbaxnimo dheeraad
ah.

2) In odayaasha dhaqanka loo soo xula si caadil ah, lana soo xulo oday dhaqameedka dhabta ah ee beel walbo leedahay. Isla mar ahaantaasne odayaasha la siiyo madax banaani dhab ah si arimihii loo idmaday eey ugu mira dhaliyaan.

3) In la sameeyo golo guurto, laguna soo xulo hab ka duwan 4.5. Sida sideedii gobal ee  Soomalia ahaan

4) In Dowlada ku meel gaarka ah lagu taageero tubta-geedi socodka nabada, iyo sidiidoorasho xalaal ah lo qaban lahaa sanadkan gudahiisa.

5) In odeyaasha dhaqanka ay soo xulaan xildhibaano aqoon leh,  wadaniyiina ah,matalina kara xildhibaan Soomaaliyeed
Wabilahi towfiiq

Madax warfaafinta

Sayid Cali Abdi Sheik Aaden (Qoobey).

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 14, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.