Qaybtii 5 qisadii Ila Ooy. Waa sheeko cusub oo aad u xiiso badan

Qaybtii 5aad ee qisadii:”Ila OOY!!!” W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka)

Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisaa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?

Gabadhii dhidid badan ayaa ka baxaaya, indhaheeda ayaa sii gaduudanaya, neeftuna way dhibaysaa  sixuna u guuraysaa, waxaan uun arkay gabadhii oo sii dhacaysa, oo miirbeeshay…. waxaa lagula orday dhaqaatiirta, ayadiina waa la jiifiyay isbitaalka. Waaba naxsanahay ee aniga qofkii ila hadlaba ma inuu dhintaa, ama la dhaawaco ama suuxaa? Yaab badanaa! Aamina Yareey waa gabar runtii taariiq wayn oo cajaaibkeeda leh gurigayga iyo noloshayda shaqsiga ah ku soo gashay. Waxaa dhacay sanadii  2007 in gabadhii ii aheeyd adeegtada ay xanuunsatay uur ay yeelatay dartiis, anna aan aad u rabay in aan dib ugu laabto shaqadaydii isbitaalka, si aan ugu dib dhicin taariiqda isbitaalka ka socoto sababta dagaalka weeyn ee Soomaliya guud ahaan ka jiray. Qaas ahaan magaalda aan degeneen xiligaan sidaas dareteedna gabar shaqaale ah si degdeg ah ugu bahnaa. Aamina Yareey dhawr jeer oo aan wacay xaaska ninkayga ina adeerkiis ayeey iga qabatay telefanka, kana codsaday in ay ii keento gabar ilmaha iila hayn karta ayeeyadood, gurigana si fiican ugu adeegi karto, waana iga balan qaaday, inkastoo aan bil ku dhawaad markaan ka sugaayo jawaab. Ninkayga ina adeerkiis ayaa na martiqaaday maalin jimco ah, maadaama oo isku arkaayay inuu yahay qofka kaliya ee ninkayga dadka ugu xigo markii dhiiga soomaalida xisaabsatooda la fiirsho. Sidii caadada noo aheeyd ayaan anagoo labisan u nimid, ninkayga , wiilasheena iyo aniga oo is leh iska meeleey dumaashigaa, tusna sida aad iskugu haboontihiin ninkaaga, maadaama warar badan oo aan ka helin oo aniga si qaas ah igula abaaray meelo badan ka sheegay. Laakiin warkiisa ninkayga laga qarinaayo, maadaama qofkasta rabin inuu sabab u noqdo kala go’odooda, xataa aniga oo og ceebta uu sameeyay in aan faafiyo ma rabo ama aan ka dacwoodo oo nolosheena si toos ah uu uga baxo. Maxaayeelay ayagaa dan u kala go’i doona oo shar iyo khayr ma heshiiyaan, taas ayaan isku qancinaa, uguna qoslaa si leh farxad markasta oo ninkayga meelaha ka dhawyahay. Hadiise la waayo aragiisa oo aan hubsano inuusan dhaweeyn waa is ognahay in aan khayr isku heeynin, oo waxba iskuma reebano. Maalinkaan raashin macaan, sheeko waayo waayo ah, wada qosol iyo qaraaxo tiro badan ayaan ka dheregnay, si lama filaan ah ayaan ugu iri ninkayga iyo walaalkiisa ag fadhiyay: ” Maan banaanka fadhiisano? waa u xiisay beerta reer Axmad, aad baa loo qurxiyay ayaan maqlee…!” Dumashigay Axmad si degdeg ah ayuu u istaagay, oo ugu yeeray xaaskiisa oo ku maqneed kushiinka, ayadane waa nagu raacday. Ninkayga inta istaagtay ayuu iga qaaday wiilkeena yar ee igu kor hurday, oo seexiyay. Wiilashii kale iyo labadii cunug ee reerka aan u nahay martidana waa isa sii raaceen, oo naga hormareen. Waxaan soo baxnay anagoo gacmaha is heeysano, oo isku qosleeyno, oo sidii caada u aheeyd igu foorjeeynaayo in aan necbahay in aan guri ku dhex jiro, oo aan shinbirta camal hawo nadiif ah jeclahay. Waxaa ka daba tagay caruurta oo banooni loo soo baxshay ciyaaraaya, fiirsi ayaan u galay, hami weeyn ayaana iga galay in aan hooyo u noqdo gabar quruxleey ah, oo farxad iyo firfircooni badan ee sida gabadha reerkaan oo kale, wiilasha waa ka orod badantahay, waana ka ciyaari ogtahay banooniga, laakiin waa ka da’a weeyntahay, aabaheedna waa ciyaaryahan hore, oo in ay dhaxashay ayaa laga yaabaa. Cunugtii banooniga ka daba ordaysay ayaa igu tiri: ” Habaryar gurigeena hoos markasta maalmahaan dhan qaylo ayaa ka yeerto habaryar! Ma maqleeysaa? Haa, waa taas hadane waa qaylineeysaa, i caawi wax camal beey dhaheeysaa marna si xun ayeey u ooysaa qofkaas habaryar, hooyo waa iga rumeeysan weeysay!” Waa isku naxay, oo inta iska fiirshay ninkayga, iyo asaxaabti u sheekeeynaayay ayaan aaday meesha ay cunugta iiga sheegtay qaylada. Markasta oo aan sii dhawaadaba qaylada codka dumar leh waa sii badaneeysay, cabsi ayaa isii gashay, waana socod boobsiiyay ilaa aan orday anigoo is ogeen, oo aan ganjeel weeyn ku imid, oo u eg baqaar guriga hoostiisa ku yaalo, sida aan filaayo ay u yaaliin raashinka, alaabaha la nacay, kuraasta iyo miisaska loo baahdo markii marti badan imaadaan iwm. Waa furanyahay albaabka qayladiina aad baan ugu soo dhawaaday, waxaa i soo oray dhiig dadeed, waa sii shakiyay, ooyinta qofka si toos ah ayeey i soo gaartay. Ma dheero ayaan is iri oo qololkii fiirfiirshay, anigoo neeftuursan kana cabsi qabo waxa aan la kulmi doono. Waxaan soo dhexgalay qol ay u wareegsanyahay silig, oo albaab yar oo qof uun deeqo ka furanyahy, waxaan ka naxay aragtida foolxumada badan ee qofta qaylineyso iyo ninka jaydalka iyo qorayga baadkiisa ku garaacaayo. Ninkii ayaan kala tuuray, oo ku iri: ” Miyaad waalantahay? Maxaad u dileeysaa oo aad u silcinee qofta nool?” Waa iga aamusay, ana amar la’aan gabadhii ka furay silsiladihii ku xirnaa, kuna caawi maagay in ay istaagto, anigoo isku leh: ” Waxa aad haleeysay tiro badnaa gabaryahay oo sidaan laguugu silcinaa? Maxaa haleeysay? Ma ogyihiin reerka gurigaan degen in aad halkaan ku jirtid masa ninkaan ayaa ku soo afduubtay?” Waan kici waayay kaligay, in aan baxo oo ninkayga ku keeno si qarsoodi ah ayaa igu soo dhacday, hadane waa shakiyay, oo ku iri ninkii: ” Doqon ayaa tahay, gabar aan danbi kaa gelinin ayaad dileeysaa. Igu caawi in aan ka baxsho ninkaan dhaqso!” Labada garab ayaan ka galnay oo ayadoo aad moodid in lafba ku oolin oo iska dhaceeyso ayaan soo bixinay, qayladiina joojisay, oo tabarbeeshay. Dhinacii beerta ayaan la soo aadnay oo dadkii kale fadhiyeen, ninkayga oo u muuqdo inuu i tabay ina soo raadshay ayuu ahaa qofkii koowaad ee arkay silica aan ka soo dhex helay gurigaan quruxda badan ee aad moodid in boqoro naxariis badan oo kaliya ku noolyihiin. Aad ayuu iskugu naxay oo iskugu qasmay, waa dadka aadka u neceb dhiiga, gabadha daqarada ku yaalo, iyo gabasaarkii cadaanka ahaa oo aan ku labisnaa inuu noqday gaduud ayuu la wareeray, gabadhii markii aan dhigay ayuu ku qaylashay asigoo ii taataabanaa: ” Maxaa waaye dhiiga Fartuun? Maxaa kugu dhacay macaanto? Ila hadal! Yaa sidaan u galay gabadhaan? Inaa Lilaahi waa inaa Illeeyhi raajicuun! Waa maxay muusibadaan???…………….………………………………………………………..

Aqriste la soco qaybta shanaad ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!”. Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji emailkaan: samsam_1989@hotmail.com 13/07/2012 W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 14, 2012. Filed under Dhacdooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.