Sir lahelay… Gudigii Arimaha Dastuurka oo soo bandhigay..

Dastuurka cusub ee lagu muran sanyahay ansixntiisa ayaa la sheegay in Odayaahsa dhaqanka lagu maal galiyay in ay hor istaagaan ansixintiisa , iyadoo la sheegay mas,uuliyiinta ugu sareeysa dowlada KMG ay ku lug leeyihiin hor u soocd la,aanta howlaha Dastuurka  lagu meel marinaaya oo lagu eedeeyay in ay lacago ku bixiyeen carqaladeeynta howlaha Dastuurka.

Guddiga  madaxa banaan ee dowlada KMG u xilsaaray howlaha Dastuurka ayaa sheegay sirta dhabta ah ee ka danbeeysa  in Dastuurka xilligi loo qabtay lagu ansxin waayo ay tahay in madaxda ugu sareeysa dowlada KMG ay lacago ku bixiyeen si dib loogu dhigo , Odayaasha qaar ayaa la sheegay in ay siiyeen lacago si arrintaan ay u hirgaliyaan , waxaana Madaxweynaha dowlada KMG Shariif Sheekh Axmed  iyo Ra,isul wasaare Gaas lagu eedeeyay in ay arrintaan si aad ah ugu lug leeyihiin , iyagoo doonaya in doorashada dib u dhacdo si ay u tabaabusheestaan oo ay ugu hortagaan siyaasiyiinta la sharaxan oo bilooyinki danbe dar dar culus la soo baxay.

Odayaasha dhaqanka ayaa lagu eedeeyay in ay yihiin caada qaatayaal oo howlaha Dastuurka ay u xayireen ay tahay iyagoo afka loo buuxiyay si ay u carqaladeeyaan ansixinta Dastuurka oo ay dib u dhigeen soo xulida Ergadi ansixin laheed.

Ugu danbeeynti Dastuurka ayaa haatan xaaladiisa meel xun mareeysa , iyadoo la isku mari la yahay qodabada qaar ee Dastuurka xilli uu dhamaaday mudadii loogu tala galay in lagu ansixiyo.

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 14, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login