Mogadishu (QOL)-Wariye Mohamed Abdullahi Dhaaley oo katirsan Bahda Shabakadda Qaranimo Online, sidoo kalena ah Wariye Sports-ka wax ka qora oo Warbaahin Caalami ah la shaqeeya ayaa la gudoonsiiyay Shahaaddo Caalami ah oo lagu sharfayo dhaqdhaqaaq yada uu Wariyuhu uga qayb-qaato tabinta Wararka Sports-ka Soomaaliya.
Xaflad ka dhacday xarunta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed maanta oo Sabti ah ayaa Wariye Mohamed Dhaaley waxaa lagu gudoonsiiyay Shahaaddo ka soo baxday Guddiga Olombikada Aduunka ayna si wadajir ah ugu saxiixan yihiin gudoomiyayaasha Guddiyada Olombikada Aduunka iyo midka Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghayaha guud ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta ee dalka Mudane Maxamed Xuurshe Eenow ayaa gudoonsiiyay Wariyaha Shahaadada, waxaana sigaar ah loogu amaanay isaga iyo Warbaahinta uu wax kuqoraba sida ay uga qaybqaataan baahinta Wararka ku saabsan Sports-ka dalka gaar ahaanna dhaq-dhaqaaqyadii loogu dabaal dagayay Maalinta Olombikada Aduunka oo Muqdisho kadhacay 23-kii June ee lasoo dhaafay.
Munaasabadan oo si heersare ah oo aan iyagoo kale kadhicin Soomaaliya muddo Labaatan Sano ah ayaa lagu soo dhaweeyay Maalinta Olombikada Aduunka.
Waxaana Wariye Dhaaley uu ka mid ahaa Saxafiyiintii kaqayb qaadatay soo tabinta Warbixinada munaasabadaas isagoo Warbaahinta Goal.com ee Caalamiga ah qaybteeda Afka Carabiga wax kuqorta oo uu la shaqeeyo kuqoray wararka munaasabadaas kusaabsan.
Waxaa hoos kuxusan mid ka mid ah Warar kii uu Wariye Dhaaley maalinta Olombikada Aduunka kadiyaariyay ee uu kagaqayb qaadanayay dhaq-dhaqaaqyadaas horumarka Sports-ka dalka katarjumayo iyo in dadka aduunka lala socodsiiyo isbedelada uu Sports-keenu ku tallaabsanayo
sikastaba ha ahaatee wuxuu Guddiga GOS ee Olombikada dalku ku amaanay Wariyaha sida aadka u wanaagsan ee uu ulashaqaynayo Olombikada iyo Sports-ka Soomaaliyeed isagoo illaa 2009-ka siqota-dheer ula socday dhaq-dhaqaaqyada Sports-ka oo uu danayn gaar ah siinayay inuu Warbixinada kusaabsan u gudbiyo warbaahinada uu isagu Wakiilka uga yahay Somalia.
Shahaaddo Sharaf ayaa iyana Wariye Dhaaley loogu dhiibay Warbaahinta www.goal.com ee uu la shaqeeyo iyadoo looga mahadceliyay Goal sida ay u danayso Wararka Soomaaliya iyadoo ah Warbaahin baaxad waynleh oo Luuqado badan wax kuqorta si waynna Sports-ka horumaray ee Caalamka diiradda u saarto balse Soomaaliya oosookoreysa u ogolaatayinayqaybka mid ah WararkaCaalamiga ah ee ay Warbaahintaas u tabiso ku darto.
Wariye Mohamed Abdullahi Dhaaley wuxuu xubin kayahay Ururka Saxafiyiinta Sports-ka ee Soomaaliya (SSPA), waxaana uu marka laga tago Wararka Sports-kayahay Qoraa Maqaalada iyo Warbixinada Siyaasadda iyo arrimaha Bulshada kusaabsan aad u qoro isagoo Shabakado badan oo Wararka faafiya oo Soomaali iyo Shisheeyaba ah in muddo ah wax kuqorayay.
Share on Facebook
![]() |
Socialize