Xaflad lagu taageerayo musharaxnimadda Dr. C/raxmaan Baadiyow oo lagu qabtay Holland (SAWIRRO)
Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Liedschenden ee waddanka Holland munaasabad lagu taageerayey musharaxnimadda madaxweynenimo ee Dr. Cabduraxmaan M. C/llaaahi (C/raxmaan Baadiyow) oo ka mid ah ragga u taagan tartanka doorashadda madaxweynenimada Soomaaliya oo loo balansan yahay 20-ka Ogoosto, waxaana xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Holland soo qabanqaabiyey dhalinyaro Soomaaliyeed oo intooda badan ahaa arday uu wax soo baray Dr. C/raxmaan baadiyow, shaqsiyaad macalimiin ka soo noqday Jaamacadda Muqdisho & aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku dhaqan Holland.
Munaasabaddan ayaa ugu horreyn dadkii ka soo qeybgalay ay daawadeen filim ka hadlaya taariikhda Dr. C/raxmaan baadiyow, waxaana filimku uu ku saabsanaa halkii uu waxbarashadda ku soo qaatay Dr. Baadiyow, shaqooyinkii uu soo qabtay & sidoo kale markii uu siyaasadda soo galay doorarkii kala duwana ee uu ka soo qaatay isku soo dhoweynta ummadda Soomaaliyeed & shirar dhowr ah oo dib u heshiisiineed oo uu ka qeybgalay, uuna ku jiray shirkii Carta oo xubin ka soo noqday guddigii dastuurka.
Ugu horreyn dadkii madasha ka hadlay oo u badnaa arday uu wax soo baray Dr. C/raxmaan baadiyow xilligii uu wax ka dhigayey Jaamacadda Muqdisho ayaa u sharaxay ka soo qeybgalayaasha shaqada uu xambaarsan yahay Dr. baadiyow, waxeyna sheegeen in ay yihiin mirihii uu bulshadda ku soo kordhiyey baadiyow marka loo eego heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen & halgankii uu la soo galay ilaa intii ugu dambeyntii ay waxbarashadooda ku aflaxaan.
Dr Cumar oo ka mid ahaa macalimiinta Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa siddatan:-
Jaamacadda Muqdisho waxey ka mid tahay burburkii Soomaaliya gaar ahaan Koofurta waxyaabihii laga hirgeliyey ee tusaalaha wanaagsan ahaa, ummaddu 2 weji ayey ku kala socotay xilligaa, qolo waxaad moodaa in ay hormuud u aheyd qaabka burburinta & baabi’inta oo in ay wax sii baabi’iyaan mooyiye wax kale kuma toor-neyn, qaar kalena waxey ka shaqeynayeen war ummaddaan dib u dhiskeeda in mu’asasaadkii dib loo soo nooleeyo, rag baa isku xilqaamay, iskuulaadkii ka soo billaabay oo ay ugu horreyso Jaamacadda Mquqdisho oo macalimiinteedii aan ka mid ahaa Dr. baadiyow & rag kale oo qiima badanna waxey ka mid ahaayeen raggii hogaanka u hayey ee halganka adag ku jiray.
Waxaa jiray macalimiin PHD wata oo Jaamacadda ka soo baxay ilaa haddana wax ka dhiga, dedaalkii ay wadeen uu mira dhalay wax badan oo natiijo ahna laga gaaray, raggii dedaalkii ay sameyeen mirihiisii aan u jeedno, haddii hogaankii dalka ay qabtaan maxaan ka filan karnaa.? meeshii wanaag looga bartay wanaag baa laga filayaa, taas ayaa u baahan kalsooni badan & dareen badan inuu saaro qof kasta. Qadar baa ka horreeyee waa haddii qadartu soo marto.
Hebel ninkii ahaa baa mucjiso ah ninkii yiraa waa qiyaali, Soomaaliya ilaa waqtigii ay dowladdii dhexe ka baxday ilaa hadda waxey noqotay meel dalalka adduunka laga maamulo, qolo si muuqata u shaqeysa & qolo si qarsoon u shaqeysa intaba Soomaaliya ay faraha kula jiraan, xaaladeeduna waxey la mid noqotay nin buka boqol u talisay.
Soomaaliya meesha ay taal maanta waa meel adag, in laga soo qaadaana aad ayey u adag tahay, balse waxey u baahan tahay Soomaali aan u fikireyn sida ay hadda u fikireyso, Soomaalidu waxey ku dhaqmaan qowda maqashii waxna ha u qaban. Bal yaa adiga wax kuu qabanaya.? ku ye, hebelka caalamiga ah, war ninkii awalba godka kula raadinayey markaad wax ka sugto waa doqonimo.
C/qaadir Nuune oo ah aqoonyahan ganacsade ah, kana mid ah aqoonyahanadda ugu caansan ee Holland oo dadkii madasha ka hadlay ka mid ahaa ayaa sheegay in jidka cusub ee loo jeexay Soomaaliya oo ah in ay tartamaan dad wax bartay in ay tahay mid ay muhiim tahay in ummaddu iska kaashaato sidii looga miradhalin lahaa.
“Inkastoo ay dhibaatadda & colaaduhu nagu raageen haddana isma dhiibi doono Insha ALLAAH, waxaan u dhabar adeygi doonaa inaan geed-dheer & mid gaaban u fuulno siddii uu hogaanka dalka u qaban lahaa aqoonyahan si daacad ah dalka & dadka uga samatabixiya marxaladda adag
“Qofka Soomaaliga ah waxaa ku filan oo deeqi kara nabad uu ku shaqeysto, ku cibaadeysto, howlihiisana ku qabsado, annaga oo dhan hogaan ma wada noqon karno shaqsigii ay doortaan 275-ta xildhibaan ee la soo xuli doono ayaa dalka hogaamin doona, cid kasta oo waxgarad ahna talo & tusaale ayey ku leedahay dalka, ma jiri doonto kelitalisnimo qof kasta oo dalka hogaankiisa loo doorto waxaan xaq u yeelan doonaa in aan soo hor fadhiisano, la doodno qof kastana waxa uu qabtay wanaag & xumaan lagu abaalmariyo, dowladduna ku shaqeyso hanaan transprency ah”
“Haddaan nahay Soomaalida Holland degan waxaan diyaar u nahay inaa siino talo-ku saabsan xagga maamul wanaaga aan siino tartamayaasha oo aan banaanka ka hogaamino”
“Waxaan ka soo qeybgalay xafladii 5-aad ee ay qabsadaan dad madaxtinimadii isku sharaxay Dr. Baadiyow aqoon uma lihi, haddana waxaan ku kalsoon yahay inuu yahay shaqsi hadduu tartanka hogaanka dalka ku guuleysto wax wey qaban kara”
“21 sano ka hor ayaa dalka iigu dambeysay dagaalna ma arag, yaa tahay-na weligeey la ima dhihin. Markaan arkay Dr baadiyow & Prof. Samatar waxaan leeyahay guuleysta, laakiin ogaada anigana waxaan soo geli doonaa jiirooniga dambe”
Xildhibaan Axmed Max’ed Samatar oo isna madasha ka hadlay wuxuu faahfaahiyey marxaladihii kala duwanaa ee dowladdu soo martay, wuxuuna xusay in musharax Baadiyow ay soo wada shaqeeyeen.
“Shirka C/raxmaan baadiyow inaan ka soo qeybgalo waa arrin farxadeed, intii aan siyaasadda ku jiray waa isla shaqeyneynay waa dadka ceebta yar ee fara ku tariska ah ayuu ka mid yahay, xilligii waddanku burburay dadkii wax badbaadiyey ayuu ka mid yahay”
“Waa nin furfuran oo aan dadka iska weyneysiin, wuxuu na la shaqeeyey, aad buu noola shaqeyn jiray wuxuu jeclaa waddanku oo ay dowlad ka dhalato, oo ummadda Soomaaliyeed ay dhibaatadu ka baxbo”
Col. Ibraahim Cali (Canjeex) oo saraakiishii ciidamadda xoogga dalka Soomaaliya wuxuu sheegay in Dr. C/raxmaan Baadiyow ay soo wada-shaqeeyeen xilligii dowladdii Kacaanka.
“Dr. C/raxmaan waxaan hubaa inmuu yahay nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah oo dadka uu la nool yahay si fiican ula nool, saraakiishu waa is taqaan, waa nin dadka uu la nool yahay farxad kula nool” ayuu yiri Col. Canjeex, wuxuuna intaa ku daray in Soomaaliya ay ceel ku dhacday dadkii ka soo bixin lahaana uu ka mid yahay Baadiyow.
“Soomaaliya meel laga faaleyn karo waa ay dhaaftay xaaladeeda, waxaan qabaa ummadda Soomaaliyeed in aysan ummadaha adduunka aysan ugu caqli xumeyn, haddana waxaan mareynaa in dhulkeena na looga taliyo” ayuu yiri Col. Canjeex, wuxuuna intaa ku daray in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya masiirkeeda lagu aamino shaqsiyaad sida Mahiga oo kale ah, oo buu yiri ay aheyd in laga ilaaliyo.
“Dagaalkii u dhexeeyey Soomaaliya & Itoobiya Mahiga isaga safiir ka ah dalka Tanzania ayuu la shaqeynayey dowladdii Mingiste, ninka ceynkaas ah oo weligii ku haminayey in Soomaaliya uu meel cidlo ka helo haddii loo garba-duubay ciddii wax ka sugtaa waxey la mid tahay cid dhurwaa inta ari raacisay inuu soo nabad celiyo sugeysa” ayuu yiri Col. Canjeex
Dr. Cali Waare oo ka mid ahaa madaxda xisbiga Hiil-Qaran, laguna casuumay munaasabadda inuu kelmadiisa ka jeediyo waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:-
“isbedelka maanta ku dhacay waddankeenii wanaagsanaa ee aan ka soo wada cararnay ee aan ognahay meesha uu adduunka kaga yaalo wuxuu na gelinayaa dhiig cusub oo dadka indheergaradka ah ku dhiiragelinaya in ay dib u fiiriyaan dalkooda”
“Dadka Soomaalideena waa inaan ku fikirno ILLAAHEY wuxuu na dejiyey oo uu adduunka naga siiyey dal hodan ah, haddana nasiib darro dhibaato aan gacanteena ku sameynay ayaa na keentay qurbaha, haddii halkan la yimid waa inaan isku baraarujinaa maxaan ku kordhin karnaa dalkii.? waa arrin aad looga farxo in la arko maanta dad doonaya in ay siyaasad ka qeybqaataan oo aan dalkii dambi ka gelin”
“Sidaad la socotaan waxaa maanta shabakadaha internet-ka la soo dhigay xog ay soo uruuriyeen guddi UN-ka ay u xilsaartay la socoshada habka loo maamulay dhaqaalaha dowladda Soomaaliya soo galay waxey warbixintooda ku sheegeen in hantidii madaxda dowladda umadda loogu soo dhiibay inay kala qeybsadeen oo nin kasta jeebka ugu ritay”
Cidda loo dooranayo hogaanka dalka in si quman looga fiirsado oo la is weydiiyo qofkan waa qof ceynyee ah.? ma yahay qof lagu aamini karo masiirka ummadda.?
Macalin Sanka oo ka mid ah aqoonyanadii munaasabadda soo qabanqaabiyey hadaladiisa waxaa ka mid ahaa:-
“Waxbarashadu waa hubka ugu weyn ee loo isticmaali karo in lagu bedelo dalkeena, waa inaan dhisnaa tayadda waxbarashadda, C/raxmaan waa qof mudan in la taageero
Ustaad Yuusuf oo ka mid ah ardaydii uu macalinka u ahaa Dr. baadiyow oo madasha ka hadlay waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:-
“Nin xer ah ayaa la weydiiyey macalinkii adiga wax ku soo baray & sheekh kale oo aan ka liidan ayaa la weydiiyey labadooda ninka sarreeya, wuxuu yiri aqoonta sheekha kale ma ahan mid sahlan, aqoonta shiikheyguse waa subag sixin ah”
Gabagabadii Dr. C/raxmaan baadiyow ayaa qadka taleefanka uga mahadceliyey dadkii munaasabada ka soo qeybgalay, wuxuuna sheegay in sababaha ku xambaaray inuu isu soo taago tartanka doorashadda in ay tahay markii uu arkay marxaladda dalku ku sugan yahay, ayna ula muuqatay in waqtigan la joogo waqtigii uu aqoontiisa & waaya-aragnimadiisa uga faa’ideyn lahaa dalkiisa, maadaama uu goob joog u ahaa dowlado badan oo dalka loo soo dhisay haddana fashil ku dhamaaday.
W/Q Sayid Cali Max’ed
E-mail. casir620@hotmail.com
De Heeg Nederlands.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login