Warbixinta Monitoring Group ee ku aadan lunsashada hanti fara badan

Iyadoo saacadihii u dambeeyay saaxada siyaasada ay hareysay warbixin ka soo baxday Gudiga daba galka Qaramada Midoobey u qaabilsan cunaqabateynta dalalka Soomaaliya iyo Eritrea oo ay ka soo saareen in madaxda dowladda ay musuq maasuqeen hanti fara badan oo deeq ahaan uga helaan dalalka Caalamka ayaa waxaa soo baxaya culeyska iyo saameynta xilligan ay ku yeelan karto.

Hadal heynta Magaalada Muqdisho ayaa aheyd warbixinta oo muujineysay in madaxda dowladda ku takri faleen hanti malaayiin doolar gaareysa, waxaana ay ku soo aaday xilli madaxda dowladda ay geli rabaan olole doorasho.
Inkastoo aanay jirin war si rasmi uga soo baxday madaxda dowladda ee warbixinta eedeyneysa, hase ahaatee madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa horay si isku mid ah uga jawaabay.

Warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxda dowladda ay lunsadeen lacago, xilliyadii 2009-kii ilaa iyo xilligan, waxaana ku jira liiska Madaxweyne Shariif, Gudoomiye Shariif Xasan, Ra’iisul Wasaare Gaas iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Gaas ayaa lagu eedeeyay inuu fara gelin ku sameeyay maamulka canshuuraha, isagoo shiradko iyo shaqiyaad gaar ah u amray in laga dhaafo cashuuraha, waxaana uu xujo uga dhigay inay dowladda la shaqeeyaan, waxaana warbixintan lagu cadeeyay in la haayo warqado iyo taleefano la xiiriira arrintan.

Sidoo kale eedeynta kale ee faraqa loo geliyay Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa waxaa ka mid ah inuu si qaldan u maareeyay lacagihii soo galay xukuumada, kuwaasoo kala ah kan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana lagu cadeeyay inay ku baxday lacag dhan $12.6 Milyan oo doolar, halka dhamaan wasaaradaha iyo Xafiisyada kale ay ku baxeen lacag dhan 15.4milyan oo doolar.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu eedeeyay inuu ku takri falay lacag dhan 3-milayn Doolar oo ka timid dalka Cumaan, hase ahaatee waxaa lacagtaas lagu sheegay inuu u gacan geliyay nin ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Cabaas Sheekh Maxamed Jimcaale oo heysta dhalashada Kenya, waxaa lagu eedeeyay inuu malaayiin doolar ku bixiyo safara Madaxweynaha ee dibada.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa ku jira Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la sheegay in lacag ka timid Imaaraadka oo gaareysa 10-milyan aheyd, ay 6.5-milyan kaliya ku soo dhacday qasnada dowladda, sidoo kale lacagtaas aan la heyn halka ay ka baxday.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa si qoto dheer Warbixintan uga hadashay qandaraasyadiisa gaar ahaaneed, waxaana la sheegay in lacag dhan $1milyan ka qaatay shirkada SKA, sidoo kalena isaga iyo Madaxa Laanta Socdaalka Jen. Gaafow iyo Qunsulka u fadhiya Soomaaliya Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey ay qandaraas la galeen shirkad sameysa Baasaboorada oo ay saami ku leeyihiin.

Madaxda ugu sareysa dowladda ayaa hada u wada taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya, gaar ahaan doorashada dhaceysa bisha Agosto 20-keeda, laakiin warkan ka soo yeeray Gudiga daba galka Qaramada Midoobey ayaa halis weyn gelin kara loolankooda siyaasadeed iyo ololaha doorashada.

Laakiin waxaa uu warkan farxad gelinayaa Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada oo maalmahan olole ballaaran ka waday Magaalada Muqdisho, waxaana laga yaabaa inay sii dhiira geliso hamigooda ku aadan madaxtinimada Soomaaliyed.

Source: Jowhar.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 16, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Responses to Warbixinta Monitoring Group ee ku aadan lunsashada hanti fara badan

  1. waxa aduun qasaayo waa Shiikh Shriif iyo Faroole iyo cabdiwali gaas iyo Shariif Xasan intaas waa is og yihiin.
    waxayna qaldaayiin shacabka Soomaali,
    ayakaa wax dhacooyo ayakaa dadka kale magaca ka halaynaayo.
    waxay rabaan inay doorashada ku soo baxaan.
    nimanka ay is dhahayiin magac ay ku dhexleeyihin Shacabka soomaaliyeed ay wax been ah ka sheegaayiin say magaca uga haleeyaan.
    war soomaali waa ogtahay shanta tuug oo wadanka qasaayo.
    waxaa dadka soomaali u sheega inaysan warkooda beenta ay maqlin .
    kuwaas oo beenta farsameeeyo oo dad kale adeegsado waa FAROOLE < GAAS < SHARIIF SHIIKH AHMED IYO SHARIIF SAKIIN.
    intaas waa beenlooyaal waxayna adeegsadaan dad ayaka ka baxsan si dadka ay u qaldaan.
    waxa qaraxa maleegaayo waa nimankaas dawlada madaxda ka ah.

  2. kuwii wershadaha iyo taalooyinka gatay monitoring group maxay ka sheegeen .

You must be logged in to post a comment Login