2 Fanaan ee Kooxdii Iftin Codkoodii isma Badalin ( Khaliif Cismaan Cabdi vs Bashiir Cali Xuseen )….

2 Fanaan ee soo Wada Maray Kooxdii Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Iftin Bashiir Cali Xuseen iyo Khaliif Cismaan Cabdi’ Sayid Khaliifa wali codkoodii hibada ay u lahaayeen isma badalin waxaana Hubaala in Sayid Khaliifa iyo bashiir Cali xuseen inay yihiin Wali Fananiintii Barismaadka ee Iftin Caanka ka ahaa markaad dhageysato xiligaan Codkooda iyagoo Booqasho aneed ku Jooga Dalka Kanada .

waxan soo xasuustay Barismaadkii Gaar ahaan Bartamihii 89meeyadii 2 Ruwaayadood ee ay wacdaraha ka dhigeen Bashiir Cali xuseen vs Khaliif Cismaan Cabdi’ Sayid Khaliifa’ kuwaasoo kala ahaa Amakaag Jaceyl iyo 2 dhaqan kala dheer oo ay 2 Fanaan ka dhex muuqden kuna lahayaeen heeso.

Heesta Amakaag ee Magaca Ruwaayada Amakaag Jaceyl Huwaneyd ayuu qaadayay bashiir Cali Xuseen Ruwaayadaasi oo uu Sameeyay Abwaan Cabdirisaaq Aakhiro,Halka Heesta Macaan ee la magac baxday Dhunkashada Kalgacal kuna jirtay Ruwaaaydii 2 dhaqan kala dheer oo uu sameeyay AUN Baashe Muuse Jaamac’ Macalin Sooyaal’ ay la qaadeysay Sayid Khaliifa Fanaanada Farxiyo cali Sheekh

isku soo duub Labada hobol ee Kooxdii Iftin Zayid Khaliifa vs Bashiir Cali Xusen waxaan Filayaa codkooda aan duugoobin in Soomaalida ku dhaqan kanada ay ka bogteen Heesah lagu xasuusto 2 hobol ayna gaar u qaadan waxa ka mida dhanka Zayiod Khaliifa Heesta baro Riyaaq,Heesta Amal,halka Bashiir Cali isna aan ka xusi karo Arji, Macsalaama,

Waxaa Diyaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 17, 2012. Filed under Fanka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.