“Hala soomo. Soonku waa caafimaad iyo ajar”
Waxaa na soo haaya bishii Ramadaan ee barakada badnayd, Ilaah SWT hana siiyo khayrkeeda. Waxaan rabaa in aan ka hadlo faaiidada caafimaad ay leedahay bisha Ramadaan. Waxaan ognahay qofka baaniiaadamka in Ilaaha SWT uu u ogaalaaday in uu cunto cuno muddo kow iyo toban bilood bisha laba iyo tabanaadna in la Soomo. Waxaana muhiim ah in qofka uu ka fakiro xikmada ku jirta in la soomo bisha Ramadaan. Soonka waa caafimaad, waa daawo, waa ajar iyo wuxuuna jirka ka saara khashinkii ku uruuray muddo kow iyo toban bilood.
Caafimaadka qofka waxaa haaya Ilaah SWT hadana waxaana loo baahan yahay in qofka uu ku dadaalo sidii uu u daryeeli lahaa caafimaadkiisa. Dadka muslimiinta ah aad ayay u naasiib badan yihiin sababto ah Ilaah SWT wuxuuu siiyay bil ay kaga nadiifiyaan jirkooda wax alla wixii cunta ah ee ku fadhiistay oo aan faaiidada u lahayn mudadii ay wax cunaayeen. Bisha Ramadaana waa marka kaliya ee qofka uu laba jeer ka faaidaysan karo. Marka kowaad, qofka sooma, Ilaah SWT wuxuu siinayaa ajar. Marka labaad, qofka wuxuu iska saarayaa qashinka jirkiisa ku jira oo laga yaabo in uu cuduro u keeno.
Jirka baaniiaadamka wuxuu u shaqeeyaa sidii mashiin oo kale. Mashiinkaas oo u baahan in laga bedelo wax alla wixii ka xumaada sida olyada, biyaha, batariga iyo wixii kale ee ka halaaba. Qofkana wuxuu u baahan yahay in ka shaqeeya jirkiisa, kana saaro khasinka ama ka nadiifiya waxyaabaha aan aafaca u lahayn mudadii kow iyo tabanka bilood uu wax cunaayay kuwoos ay ka mid yihiin Cadiinta, Cusbada, Sokorta, Biyaha iyo iwm.
Maadaama la yiraahdo qofkasta waxa uu cuno ayaa muuqda ama cadiinta uu cuno ayuu labisataa (The fat you eat is the fat you wear). Bisha Ramadaan waxay ka mid tahay mararka qofka uu ku yarayn karo dhibaatada ay keenaan cuntada ay badan tahay Cusbada, Sokorta, Dufunka ama Kolestaroolka. Qofka marka uu soomo waxaa yaraan kara Dufunka fadhiista xididdada dhiiga qaada sababto ah waxaa yaraada qaadasha cuntada Cadiinta ay ku badan tahay ugu dambayntiina waxaa yaraanaya dhibaatada Wadana Xanuunka (heart attack) ama Dhiig Karka (hypertension). Sidoo kale waxaa yaraan kara dhibaatada ay keenaan Cusbada sida Dhiiq karka, iyo Sokorta, saliida iyo Daawooyinka.
Maskaxda iyo Jirka maxaa ka dhaxeeya:
Wax kasta oo la sameeyo waxay ku xiran tahay Maskasda. Haddii qofka uu aamino ama naftiisana u sheego in uusan soomi karin dhib ayay ku noqonaysaa qofkaas in uu soomo. Waxaa jira dad badan oo yiraahda waan jiranahay oo ma soomi karo sababto ah waxaan qabnaa Gaastiriito (xanuunka calool ololka). Matalan qofka yiraahda waxaa qabaa xanuunka Calool Ololka mana soomi karo. Xanuunka Calool Ololka waxaa keena Aasid (acid) badan oo ku dhaca caloosha taasoo gubta. Amarka Aasidka in lagu siidaayo caloosha wuxuu ka yimaada Maskada. Haddii Maskaxda loo sheego inaysan dhecaanka aasidka soo dayn sabab kasta ha noqotee waxaa hubaal ah in Maskaxda ayna soo daynayn dhacaanka Aasidka. Waqtiga soonkana waa la mid. Haddii maskasda loo sheego in aysan soo dayn dhecaan ma soo dheynayso. Waa suuta gal in baryaha hore qofka uu dhibtoodo la kulmo laakiin maalmo ka dib Maskaxda iyo Calooshaba waa la qabsanayaan Soonka.
Tan kale oo muhiimka ah waa qofka marka uu afuraayo in uusan iska ka cunin wax alla wixii uu soo gaaro ee waa in uu cunnaa cunto isu dheeli tiran iyo in uusan iska badin hal nooc ah gaar ahaan cunto ay ku badan tahay Cadiinta ama baruurta, Cusbada iyo Sokorta sababto ah iyagoo keeni kara sokorow, dhiig kar, wadna xanuun iyo cudurro kale. Soonku waa daawo. Wax kasta oo la sameeyana waxay ku xiran tahay aaminaad. Naftaada aamin oo soon. Ilaah SWT wuu kuu abaal gudayaa. Ugu dambayntii soonka waa caafimaad iyo daawo, naxariis iyo dambe dhaaf.
Dr. Abubkar Moallim | abukar@yahoo.ca
___________________________________________________
Share on Facebook
Isku day dil lagu sameeyey Suldaan Faqi - Suldaank...
La mood noqonse wayday!
Arimaha Dastuurka, Khilaafyada Jira iyo Dib u Dhac...
Soomaaliya ka warran Q:2aad
4.5: Xal-doon mase Xaaraan-doon!!!!
Somalia: Phony Constitution crafted through UN rig...
Tarzan:dhulka sow aniga ma lahi
Qaybtii 7aad ee qisadii: ”Ila OOY!!!”
Baahida hogaamiye Farmaajaa buuxin kara!
Somali Women Thrown in Shark-Filled Waters
Jawaab ku socota faaladii Jamal Osman !
Somaliland: Indispensable Conditions for Restartin...
![]()
|
![]() |
| Site Admin |
| Qaranimo on Facebook |
| Entries RSS |
| Comments RSS |
|
| Copyright @ 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved! |


Socialize