Kursi Ma Qaado Kun Qofood Gadaalse waa ka Kaafiyaa!

Dr. Ali A. Hirabe

Odayada Xamar yimid wax ma dhaamaan kuwii 2007 C/aahi Yusuf iyo Cali Mahdi ku soo xareeyeen Xamar,hadaba si aanan wax ugu ogaano dhaqanow maxaad tahay ???  siyaasiyow maxaad tahay ?? sabbabta oo ah labadaa ayaa midba midka kale adeegsanayaa, kuwa dalka raba in aay madaxweeyne ka noqdaan waa shaqsiyaad aan aaminsanahay in qaar aay yihiin xoolo-doon,kuwana  xal-doon, qaarna xaq-doon iyo xurmo-doon, raga qaar waxaa aay ka weeyn yihiin da´dii xilka lagu qaban lahaa oo 75 ilaa 85 ayeey jiraan waa kuwa u baahan servicehus ama xanaano gaar ah si noloshooda inta ka dhiman eeyan u murugoon, Odayada duubabka waagii hore umada waa is-haaysatay oo waxaa jiray heshiis bulshadeed (social contract) aragtiyada hishiiska bulshada waxaa fikirkeeda hormuud u ahaa oday dhaqameedka iyo culumada u dhalaty bulshadaa, iskuma xadgudbin jirin bulshada dhexdeeda ama mida ka baxsan bulshadaa,heshiiskaas micnahiisu wuxuu ahaa hadii aan nahay shacabka bulshadaa waxaan diyaar u nahay inaan xorriyadeena u dhiibano qaarkeen kuwaasoo  oo aan wax kale qaban balse danteena maahine, qaab dhaqanka noocaas ahi waxaa burburiyay gumeeystihii yurub ka yimid dalkana xukumay ku dhawaad 100 sanno,gumeeysiga waxaa uu dalka ku soo kordhiyay waxa somalida u taqaan  Qaran iyo dowlad, Creation of Nation-States, nation of Somalia waxaa abuuray gumeeysiga sida oo kale State of Somalia waxaa abuuray gumeeysiga caddaa,waxaa uu nagu soo kordhiyay dowladnimo iyo dastuur laga soo minguuriyay yurub ujeedada ugu weeyna aay tahay kala fogeeynta diinta dowladnimada sapartion of goverment and religion,oday aanan wax aqrin,wax qorin caalamka la socon waxa ka jira ayaa lagu sifeeyay kuwa ugu sareeyo masiirka dalka,dadka iyo diinta ?? waxaase loo baahan yahay in la kala garto hogaanka dhaqanka iyo midka siyaasada,dhaqanka waa mid jiray, jiridoona weligiis oo aan is bed bedel laheeyn, basle siyaasada iyo siyaasiga waa kan la jaan qaadi kara isbedelka siyaasda markaas socota ama saxansaxda siyaasadeed ee soo socota, waxaad moodaa haddii mashruuc la rabo in la fushado in duubabka dhaqanka iyo kuwa siyaasada ku fashilmay in umada la horkeeno iyada oo la ogyahay in mashruucaani in uusan soconkarin dhaqanka shaqadiisa maaha siyaasada,mana mudna in odayada dhaqanka loo adeegsado siyaasada,waa waxa hada aay isku haystaan Faroole iyo C/weli Gaas,Faroole waxaa uu taagan yahay Puntland waa dowlad iyadaana xaq u leh in aay soo xusho cida ugu qeeybgeleeysa ansixinta dastuurka qabyo qoraalka halka C/weli leeyahay Odayada duubabka ayaa xaq u leh cida soo xuleeysa cidii ansixin laheeyd dastuurka qabyo qoraalka ah,waa sabbabta Mahiga uu u joogo Garowe manta,Faroole waxaa uu soo xulay in ka badan 30 xildhibaan halka C/weli Duubabka Puntland u soo xuleen 30 qof ,macnaha Faroole + C/weli ayaa dalka isku haysta, marna waxaad maqleeysaa Odayada duubabka waa kuwa leh goáanka ugu danbeeya masiirka dalka halka aad marar qaar aad ka maqleeyso madaxda ugu sareeysa dalka iyo Mahiiga oo leh Goáan ma laha odayada duubabka balse talo ayeey ku leeyihiin intaba waa walaacowga iyo xaqdarada aanan geed loogu soo gaban oo ku dhaceeyso qiimaha magaca Somali,Odayada duubabka waxaa haysata:; “Nin walaayad la saaray oo loo wakiishay aqoon Weer fagaare timaada hadduu weyda  ku ahaado wejigiisa la doori ummadii    waddatay Walbahaar ku abuur”

Hogaanimada waa xirfad siyaasadeed leh Aqoon , karti , hufnaan , daacadnimo,garasho dheer iyo mid dhaw “odorosnimo” hogaamiyihii weeynaa ee dagaalyahanka ahaa mar wax laga weeydiiyay hogaanimada waxaa uu dhahay : Nabiliyoon. Ciidan Bakayleyaal ah oo uu hogaaminaayo libaax ayaa ka khayr badan ciidan libaaxyo ah oo uu hogaaminaayo Bakayle  waad garan kartaa akhristow farqiqa u dhaxeeya Libaax iyo Bakeeyle,dalka kuwa ku soo foolka leh ee raba xilka madaxweeyne waxaa quman in laga fiirsado wallow shacabka uusan laheeyn awood hadana waxaan leeyahay goobta hala keeno cid dhibaatada Somali wax ka qaban karta oo daacad ah,inksto oo la shaaciyay  boobka hantida qaranka hadana weli waxaa  socda in dhawaanahaan la soo bandhigo xadgudubyadii dalka Somali ka dhacay 1960 ilaa manta.

Musharaxiinta madaxweeynanimada Somalia oo xiligaan gaareeysa 50 Musharax,waxaan filiyaa in qaar faro badan kaga haraan fadeexada caalamka soo bandhigay ee lunsashada hantida shacabka Somalia,qaar-kale waxaa aay kaga harayaan da´da aay ku jiraan oo aanan u saamaxeeyn in aay xil umadi u qabtaan ayaga oo u baahan xanaano gaar ah servicehus, Siyaasiyiin qurbaha ku daalay ayaa xiligaan ka mid ah kuwa isa soo sharxay  ayaga oo la ogyahay in aay wataan  Baasaboora Yurub iyo USA ,xaqiiqdii waa caqabad weeyn maxaa yeelay danaha shaqsiyadood iyo tii somalinimada waxaa ka weeyn midka aay ugu adeegayaan dalalkii aay u haajireen welina caruurtooda degen tahay,dib u fiiri inta dalka xilka u soo qabatay ama weli haya ee ka yimid dalalka dibada watana jinsiyado shisheeye ?? ogow qaarbaa wata jinsiyada Ethiopian, xildhibaano jinsiyado kala duwan haysta ayaa dalka xildhibaan u ahaa weliba  xilka ugu sareeysa dalka hayo welina soo qabtay sida r/wasaare wasiirka difaaca iyo midka dhaqaalaha  iwm Rasuulkeena suubbani (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu leeyahay: ( (Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray daryeelkooda)  nin reerkiisii caruurtiisa iyo waalidkiis qurbaha kaga soo tahay Somali xil in uu u qabtaa waa xaaraan sabbabta oo ah awlaa waxaa ah inti lagu raaciyay.

Alow sahal umuuraha

Dr. Ali  A. HIrabe                     HIrabe_a@hotmail.com

________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 17, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

12 Responses to Kursi Ma Qaado Kun Qofood Gadaalse waa ka Kaafiyaa!

  1. waa yaaaaaaaaaab yaaaaabkiisa dr hiraabe waa beenoole marka iska xishow walal macan waayo umada way kulayabtay walahi bilahi talahi

  2. Dr. Abdulaziz Ahmed

    acw
    Soomaaliyeey haddii aad iscaaynaysaan ama isaflagaadeysaan goormaa horay u soconaynaa, Dr.Hiraabe ciddne wax haka sheegin, waxaad tahay qof aqoon leh, qofka aqoonta leh waxa dhowrsada sharaftiisa, qofka aqoonta leh waxaa la doodi karaa nin cilmi iyo caqli leh, waxuu ku hadlaayo inuu is ilaaliya, waxaa la murmaaya qof jaahil ah, taasina aad iyo aad dhibkeedi u leedahay, Soomaaliyee ma wanaagsano inaad iscaaysaan.diintana islaamka ma qabto faasuqnimo iy dulun.
    waad mahadsantihiin

  3. Ku: Dhagdheer

    Waxii uu Dr.Hirabe sheegay waataa Faroole liis magacyo uu wato u gudbiyay dowlada Fedrlaalka halka C/weli Gaas asaga Odayada Puntland ka saxiixay liis magacyo ah,war xagee ku socotaan,dufkubaxa dalka in aad gataan ayaad rabataan C/aahi Yusuf Ethiopia ayuu kula gorgortay Faroole Yuhuuda ayuu kula gorgortamayaa,war miyadan xishoon,somali waa idin aragtaa waxa aad faleeysaan,Dr.Hirabe xaqiiqdii waa qabiir aragti dheer umada somali ugu digay duliga iyo gumeeysiga cusub ee Faroole,Dhagdheer majeerteen looma xijin karo danbiga dalka,dadka iyo diinta ku dhaawaceen lama cafinkaro,waa dagaal aanan qarsooneeyn,somaliyeey ka hortaga Faroole iyo xaqdarada uu ku socdo.
    w.b.towfiiq

  4. Ramadan Karim Farah Macallin, Majeerten u xajiya, Hawiyow meeshad
    jogtaanba cafi Alla iyo Samax.

  5. Faarax Macalin

    Ku:Dhagdheer

    Cudur Majeerteen ma jiro,siyaasad foolxun oo ku dhisan Teeyda Aanaa leh Taadana kula lihi ayaa somali diiday,taasina cudurmaaha ee reerka aad ka dhalatay u sheeg in somali aayan la jaanqaadikarin 2012 iyo in Majerteen waxa xaq u leeyahy la siiyo not wax ka dheer.
    Dr.Hirabe waan ku salaamay aad iyo aad ayaan ugu qancay sida aad wax u cabirto,ma jiro qof adiga oo kale oo runta sheega,marar ayaan waxaan is dhahaa Alow ka ilaali somalida qiimaha yar ee ku dila wallaalkood wax aad u yar,marna ma aaminsaneen in aad tahay Hawiye weliba Abgaal walaahi marki la ii sheegay waxaan dhahay waa wadani,maxaa wacay hadii uu qabiil aaminsan yahay Cali Geedi iyo Shariif ayuu taageeri lahaa,shariif waad taageertay markii uu lumay ama la qaliifay waad diiday mahadsanid,alla maxaad u caqli celisay Shariif waase ka shalaayay xaqa aad ugu yeertay,qormada Fashilkii Faroole & Foolxumadii Shariif aad ayaan u jecladay,dhulka sow anigu ma lihi,qormooyinka aan jeclaaday xafiduhulaah Dr.Hirabe

    Heshiiskii Garowe iyo Xasuuqa Galkacayo, Shirka Garowe:Xaaraan & Booli & Sadbuursi, D/ Puntland & D/ Qabyo Qoraalka Waa Qayaano Qaran

    Jasaaku laah

  6. cudur majeerten u dhinta Illahay idankii.

  7. cud ur majeerten u dhimatay war maxaa laydinka Siyaa?

  8. Iga raali naqda waxaan rabay inaan dhaho marka turkiga laga reebo dawladaha kale waxay rabaan inay soomaaliya kala tagto oo soomaalinimadiii dhamaato,

  9. DR Hirabe waxaa tahay nin daboolka ka faydaayo xaqdarada marrada hugsan.
    waxaa jiro in soomaalida la kala fogaynaayo ayakoo cuqdo lagu abuuraayo ,doorashada soo socoto darteed.waxaa la raadinaa in dadka ay qabiil ugu codeeyaan ooo kuwa dawlada isku sheegaayo ay ku soo naqdaan madaxtinimada,DR hiraabe guul aan kuu rajaynaa .
    waxaa aad uga helay maqaalkii muqdusho soo aniga malihi.
    Faroole iyo Shiikh Shariif , abdiiwali gaas iyo sharif xasan iyo oo hoos iskala jiro dadkana riwaayad u dhigaayo waxy dadka gelinaayiin cuqdo qabiil oo aaqirka keenee ciwaqib xumo.
    waxa hadda juro lagama hadlaayo waxaa laga hadlaa jiritaanka soomaaliya iyo dhibka ka danbayn doono ,qabil wax ma taraayo waxaa wax taraayo soomaaliya say iskugu soo naqan lahayd.
    wadamadda caalamka waxaa hoos ugu qarsoon nay soomaalida kala geeyaan .waxayna ku tusayaan qubka kore oo ay leeyihin waxaan u qabanaynaa soomaalida marka dawlada turkigiga ,waxaana u adeegaayo kuwo dano gaar wato oo Shacabka ku dhexjiro oo haddi ay dantooda ka dhex arki waayiin isku diraayo shacabka.

  10. Sheekh Cali Cumar

    Dr.Hirabe waad ku mahasan tahay sida aad xaqa u cabirtay,Faalko,Cadow,Warfaa iwm waa da´ waxa aay ku jiraan xiligii melaha xanaanada la geeyn lahaa,servicehus ,kuwa kale waa tuugo xoolo-doon ah,Dr.HIrabe Shabab waxa aay lunsadeen lama yaqaan sow ma qumana in la ogaado waxa aay lunsadeen,dumar wax linsaday weli lama sheegin sow lama dhihi karo dumarka waa xalaal walow aan la ogeen dumarka xilalka ka soo qabtay somalia habdhaqankooda iyo in aay lunsadeen hantida qaranka,xukumuudii Tayo waxaa wasaqeeyay C/weli oo ka mid ahaa,asaga oo Farmaajo ku tilmaamay in uu wax lunsaday waana la ogaa in uu wasirrk ka ahaa,Majeerteen xumiha aay u qabaan Mareexaan sidee loo daaweeyn karaa,C/weli ninki soo saaray ayuu dusha kaga tuuray danbigii lunsashada hantida qaranka .Dr.Hirabe guuleeyso xaqa in aad ka hadashaa weligaa ku dadaal mahadsanid

  11. ASCW

    MAALIN WALBA MAQAALKA AAD SOO QORTO,WAXBAA KA KHALDAN, SABABTA OO AH MA QARSAN KARTID OO JINSIYADA AYUU KAGA JIRAA NACAYBKA WAAYO FAROOLE, MARXUMKII CABDULLAHE YUSUF, IYO ABDIWELI, WAA IN AAD IS DABA DHIGTAA SI KUWA BADAN OO MANGAAB AH SIDAADOO KALE AH AAD U SOO JIIDATO, TAASI WAXAAN KA JAWAABAYO MAHA, WAXAA CALAAMKA KU FILAN ARAGTIGA AY ARKEEN WAXAY DAKAA QABSADEEN IYO HEERKA AY GAREEN, INTA ADIGU XAASIDNIMO IYO FOOLXUMO AAD LA FEERO WEYNEYD. MEYD MAXAA U DAMBEYAY AYAA LA YIRI DR. SHALAY AYAAD XAMAR KU DISHEEN NIN LONDAN KA TAGAY OO AHAA REERKII TRIBUNKA LAHAA UNA TAGAY INUU GURYAHOODA DAYAC TIRTO OO AAD DAROOD AHAAN KU DISHEEN IYO INUU XOOLAHOODA DIB U SOO SHEEGAN, WAR MAXKAMADAHA ADDUNKA AYAA LA I SOO SAARAYAA WALLAHAN KU DHARTAY CID KASTA SOOMALI KA AHOW QOFKII MAALIN DAMBI GAYSTAY WAA LA WADAYAA, WAR WAX ISKULA HARA, WAR AKHIRAA JIRTA WAR XABAAL IYO NINKEED LOO KALA TAG, CIDNA MA NOOLANEYSO YAAN LA ISKU KEEN ADEEGSANIN INTA AAD ANIGA IGU MAQAN TAHAY DHULKENNI WAA LA QAATAY, KUWO DAD U ADEEGA OO LEH OO LEH DHULKA LAMA KALO XIGO EE MUSLIN BAA LEH, ETHOPIA OO SIDII SHINNIDA U TARMAYA OO AAN BAD LAHAYN OO S/LAND IYO P/LAND MIDBA GAAR ULA SHIRAYSA OO LEH HA ISA SALAMINA SI AY DEKEDA BERBERA IYO MIDDA BOSSASO UGU SHAQAYSTAAN, KENYA OO JUBBADDA HOOSE KU RIYOOTA, MARAYKAN OO RABA SOOMALIYA STRATEGY AAD U WANAAGSAN KU TAAL INUU ADDUNKA KA MAAMULO OO WAX KASTA KU BIXINAYA INEY HAGAAGTO SI SIDUU DOONO UGA SAMEYSTO,TALYAANI OO DALKENNI WAX KA BURBURIYAY IYAGA IYO MAREYKANBA, WARYAAN ANNAGA ISKU WAALAN, LACAGIHII AY MADAXDEENII XADEEN WEY SOO BANDHIGEEN, AWAY TII AY IYAGU XADEEN DEEQIHII ADDUNKA NA SIIYEN? XOOGAA CARABI SOO DHIIBTAY BAY NOO SOO QOREEN, WAA TII AAN HOREY IDINKUGU SHEEGAY DOORASHADA MARKEY SOO DHAWAATO AYAY SOO BANDHIGAYAAN HADDANA WAA IDIIN SHEEGAYAA LABADA SHARIF AYAY U DAN LEEYIHIIN, LAKIIN WAXAAN IDINKU WAANINAYAA HILIBKEEN DAMBE YAAN AFKA NALOO GALIN, ANNAGA OO IS RAACIN IN AAN XOROWNO CIRKA INTUU NOO JIRO AYA NOO JIRTAA WASIIRKII, IYO DR. SHALAY LA DILAY KU GARTA IN LA RABO IN NALA DABAR GOOYO, DR. QABIIL AYAA LA YIRI KU DILA, WASIIRKANA DOWLADNIMO, MAXAA HAL DOORKENNA DHINAC KASTA OO SOOMALIYA LOOGU LAYNAYAA? MAXAA DR.IYO NIN DOORKA SOOMALILAND LOO LAYN WAYEY MA LAGA YABAA SIDA WIILKA IGA HORREYAY SHEEGAY INEY LUG KU LEEYIHIIN CIRIB TIRKENNA SI MARKA AAN WAX U NOQON WEYNO AY AQOONSI U HELAAN.

  12. DR hiraabe waa ku salaamay
    waxaa rabaa inaan cadeeyo soomaaliya meeshay ka qaboobi la,dahay inay tahay Soomaaliland ,sababtoo ah hadday leeyiihiin waa go,aynaa waxa laga sugaa waa dhibaato inay ku wadaan Koonfurta.
    wakiiilo badanaa uga dhexshaqeeyo koonfurta sida wasiirka Gaashaandhiga , oo si aan loo jeedin ugu shaqaynaa Soomaaliland ,asagaabo qirtay oo waxow dhahay Soomaaliiland madaxbanaanideeda waa lama taabtaan, marka see masuul uga dhiganee waa su,aal.
    waxaa joogo niman badan oo al shabaab ah sida Godane.
    maalin tow maqlo Soomaallaand dawlad ay heshay shaqadiisi waa ku guulaystay.
    Hadda waxaa moodaa inay qabiilkii soo hurunaayaan say soomaaliya isku raacin oo ay u kala shakiyaan , haddii la kala shakiyo dawlad ma dhalanayso oo dadka qabilay isku dagaalaayin.
    Hadaan isku soo duubo waxa dhacaayo waxaa ka masuul ah soomaaliland ee gees halayskaga leexiyo hana la fahmo ujeedkooda.