Waxaa goor dhaw Magaalada Muqdisho soo gaaray Raa’isal Wasaaraha ku Xigeenka Dowladda Turkiga Bakir Bosdag, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Dowladda Turkiga u joogga Safaaradda ay Soomaaliya ku lee-yihiin, ayaa waxay si weyn ugu soo dhaweeyeen Magaalada Muqdisho.
Raa’isal Wasaaare ku Xigeenka ayaa wuxuu kulamo uu la-qaadan doonaa Madaxda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, iyadoo ay ka wada hadli doonaan arrimo ay ugu horeyso xiriirka u dhaxeeya labada dal oo aad iskugu soo dhawaanaaya.
Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in ujeedada uu Bakir Bosdag uu u imaanaayo Magaalada Muqdisho, ay arrimaha bani’aadanimada iyo mashaariicda ay Dowladda Turkiga ka sameyneyso Magaalada Muqdisho.
Bakir Bosdag ayaa waxaa isla galabta lagu wadaa in uu dib uu ugu laabto Magaalada Muqdisho, waxayna wararka qaar sheegayaan inay suurta gal tahay in laba saac kadib-ba uu iskaga taggo Magaalada Muqdisho.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login