Nairobi – ereyga ”Ashabab Waaye” Soomaalidana xabsiga ugalaan

Waa qeyb ka mid ah weeraha ugu caansan dadka cudurka buufiska qabo ee Soomaalida qaxootiga Nairobi ”Ashabab Waaye” Xabsigeyna ugalaan.

Waa Qatar aad u xoogan weedha caan baxaday ee ay adeegsadaan dadka Buufiska qabo marka la joogo goobaha hay’adaha amaanka dalka Kenya ayagoo iyana lacago badan oo madax furasho ah laga qaadayo dadka lagu soo eedeyo mid ka mid ah kooxaha Soomaaliya ka dagaalamo.

Boqolaal iyo boqalaalo oo Soomaali ah oo haween iyo ragba leh ayaa lageeyay bilowgii bishan saldhiga police-ka Pangani oo kuyaallo wadada Juja Road, ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxana dadkan ay u badan yihiin kuwo Nairobi u joogay dhoofka ay Soomaalidu ugu magic dartay Buufiska oo laanta caalimiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee loo soo gaabsho (UNHCR) ay ugu deeqdo Soomaalida iyo qaxootiyasha kaleba.

Soo qabashada dadkan ayaa ka dambeysay qorshe ay dowlada Kenya gaartay oo dad lagu baadi goobayay ‘laakiinse ma laheyn wax qareen ah Soomaalidii lagu xiray hawlgalada police-ka Kenya’ waxaana dadka la qabqabtay loogu galay guro ay ka dagaayeen degmada Kamakuji ee duleedka Nairobi.

Mudo bil barkeed ah ayaa la dareemayaa cadaadis xoogan oo soo wajahay mid ka mid ah xaafadaha Nairobi ee East Leigh.

Dhacdadan ayaa loo jir dilaa habeen walbo dad Soomaaliyeed ayagoo ay adeegsiga weedha ay curuyeen dadKa Buufiska u joogo Nairobi ee linemanka dhoofka ah ka sugaayo safaaradaha caalmiga ah iyo laanta Qaxootiga Qaramada midoobay u qaabilsan ee UNHCR.

Tanu waa qatar laban laaban marka aad arako xariga police-ka Kenya oo Nairobi ka noqday u gaarsi bareer ah oo lagu hayo qaxootiga Soomaalida.

Waxaase ay u tahay dadka aan iyagu ahayn qaxootiga ee Kenyan-ka qaracan weyn marka ay goobaha fadhi ku dirirada ay ka yeeran dhawaaqyada faraha badan ee buufis qabayaasha Soomaalida oo ah kuwa marwalbo la jirdilo.

Saasoy tahay waxaa ay ka bilaabaneysaa dhibaatadu goobaha ay dadku isugu yamaadan halkaasina waa meesha laga bidhaansado soo galootiga iyo hadal heynta sheekadan Nairobi ku caan baxday ee ”Ashabab Waaye”

Hay’adaha u dodo xuquuqul insaanka ayaa tacadi joogta ah u arko markastaa oo uu dhaco raafka Nairobi oo police-ka Kenyan-a ay ku fuliyaan Soomaalida oo qurah.

Jilayaasha mucaashiqiinta isdiido ayaa ayba hada Saameynaysaa weedhan caweysada qaar ayaa looga jaraa in lagu soo eedeyo mid ka mid ah lamaane kale kiisa kale ”Ashabab Waaye” waa mida dhibka badan oo xitaa ka careysiiso marka la sheeg sheegayo ururada Soomaaliya ka dagaalamo.

Freelancer Journalist

Mohamed Salad Abdulle | Nairobi-kenya Email: msalaad5@hotmail.com ama msalaad2009@yahoo.com

_________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 18, 2012. Filed under Dhacdooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Nairobi – ereyga ”Ashabab Waaye” Soomaalidana xabsiga ugalaan

  1. IDINKAA DADKAAS MEESHA DHIGAY!

    ILAAHOW WAX DHAAMA NOO KEEN!

You must be logged in to post a comment Login