Warbixino ku saabsan Passport-ka Soomaaliga sameyntiisa

Dowladihii kmg ah ahaa ee soo maray dalka ayaa mashariicdaasi u xilsaaray labo shirkadood oo kala dambeeyay oo mida hore lagu magacaabo jsl iyo shirkada kale ee lagu magacaabo mti kuwaas oo labadoodaba fadhigoodu yahay magaalada dubai ee dalka isu taga imaaraad carabta .

Hadaba baaritaan nuu gudigu sameyay ayaa waxaa lagu iogaaday in hal malyuun afar boqol iyo lis kun 725 dolar oo ah daqli laga helay sameynta baasa booradaan cusub iyo kaararka aqoonsiga shirka mti lala yahay halka la marsiiyay oo aysan soo marin xafiisyada xisaabaadka maaliyadeed ee dowlada intii u dhexeysay 2010 ilaa 2011 sida lagu sheegay qoraalo maaliyadeed oo uu soo diyaariyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud .
Laanta socdaalka waxay sanad maaliyadeedka 2011 o kaliya soo sheegtay lacago dhan 934 kun oo dolar lkn maysan soo dugbin daqliga soo galay intii u dhexeysay 2007 ilaa 2010 .
Gudiga waxaa uu sheegay in musuq maasuqa lagaga faa iidestay mashruucaan ay shariif xasan sh aadan wasiirkii hore ee maaliyada iyo taliyaha waxda socdaalka iyo jinsiyadaha jen . c,laahi kaafow maxamuud ay awood u isticmaaleen si ay lacag 4000 .000 kun oo dheeraad ah ugala baxaan acoonada ay leedahay safaarada soomalia ee itoobiya lacagtaas oo ah daqli laga helay araajida basaboorada cusub warbixintu waxaa ay sheegeysaa in labadaan masuul aysan lacagtaasi ugudbin xafiiska xisaabiyaha guud
Warbixintu waxaa ay sheegtay in shariif xasan sh aadan wasiirkii hore ee maaliyada gen =gaafow iyo ambasadoor shiiqay oo ah qunsulka guud ee dubai ay sadxduba ku abal mariyeen mashruuca basa boorada cusub ganacsade lagu magacaabo shariif axmed baclaawi iyo shirkadissa mti
Saraakiil badan oo ka tirsan dowlada iyo ganacsato fadhigoody yahay dubai oo si dhaw ula socda mashrrucaan ayaa gudiga QM u sheegay in 3 masuul ay saami ku leeyihiin shirkada mti .
Gudiga QM uqaabilsan lasocoshada cunaqaba taynta hubka ee ssaran soomalia iyo eritaria ayaa waxaa ay sheegay in taliyaha laanta socdaalka dowlada gaafow uu u xaqiijiyay in safaaradaha soomalia dalalka dibada ay basa boor kasta ku iibiyaan 100 dolar sida uu sheegay lkn gudigani waxaa ay warbixintooda ku sheegeen in safaaraduhu ay basa boorada ku iibiyaan inta u dhexeysa 100 dolar ilaa 350 oo dolar xisaabiyaha guudna wuxuu gudiga intii ay baaritaanada wadeen u sheegay in wali uusan xafiiskiisa daqli ka soo galin safaaradaha dibada nidaam la aanta soo saarista basa boorada cusub oo ay la socoto farihii laga qaadi jiray oo la joojiayay ayaa waxaa ay labadaasi arimoodba sharafta kaga dileen basa boorka cusub waxayna ka dhigeen basa boorka sida badeecad suuqa lagu kala iibsanayo lana sii iibiyo laguna kala badasho oo kale ayaa warbixinta gudiga lagu yiri .
Gudigu waxaa uu sheegay in basaboorka lagu soo saaro magacyo been abuur ah iyadoo mararka qaarna ay codsiyada soo gudbiyaan saraakiisha sar sare ee dowlada gudigu waxaa uu helay qof soomali ah oo haysta 2 basa boor oo laba aqoonsi oo kala duwana haysta kiisaska qaarkood ayuu gudigu sheegay in lagu ogaaday in masuuliyiinta sar sare ee dowladu ay fara galiyaan xafiis yada laga bixiyo basa boorada si ay ugu cadaadiyaan in ay bixiyaan basa booro diblu maasi ah oo la siiyo dad aan diblu maasiyiin ahayn .
24 kii bishii marso ee sanadkii hore timaan uu bixiyay sh shariif sh axmed ayaa labo basa boor oo diblu maasi ah waxaa lagu gudoonsiiya axmed nuur cali jimcaale iyadoo laga hior imaanayo cuna qabatn uu soo rogay golaha amaanka oo ay ku jirto mamnuucid safar waxaana uu gudigu sheegay in axmed nuur uu madax waynaha ula socdaalay dalka turkiga .
Gudigaan waxaa uu sidoo kale sheegay in iyadoo la laaluushayo saraakiisha dowlada aan dad aan soomali ahayn ay helaan basaboorka cusub ee soomalia oo ay ka helan gudaha dalka iyo dibada .
Gudigu waxaa uu sheegay in qaar ka tirsan al shabaab ay awood uheli karaan basabooro ay ku safraan taas oo ka dhigan in basa boorku uu dayac yahay ama ay fara galin sameyaan saraakiisha dowlada ee wax musuq maasuqday .
Sargaal horay uga tirsanaa al shabaab ayaa gudiga u sheegay in afaayeenka al shabaab cali dheer uu haysto ilaa 3 basaboor oo labo ka mid ah ay yihiin diblu maasi midka kalena uu yahay mid gaar ah
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 18, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Warbixino ku saabsan Passport-ka Soomaaliga sameyntiisa

  1. Weli tuuganimadiina ayaa meesha lagu hayaa ee wax kale ma garanaysaan miyaa!

    OO Weli waxaad la soo indha cadihiin inaad Soomaaliya sii xaalufisaan!

    NO MORE TUUGO DIIN KU GAMBANAYSA!OO QABIIL IYO QURUN UU KA BUUXO!

You must be logged in to post a comment Login