Saada Cali Warsame oo shil gaari ku dhaawacmatay

Wararka ka imanaya magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in fanaanada Saado Cali Warsame oo ka soo degtey magaalada Gaalkacyo kuna sii jeeday magaalada Garowe ay ku dhaawacantay shil baabuur oo uu galay baabuurkii ay saarnayd. Warar iskhilaafsan oo ka soo baxayay magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayeen markii hore in fanaanada ay geeriyootay kadib markii ay miyridoorsoontay loona qaatay inay geeriyootay.

Hase ahaatee wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxay magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayaan inay fanaanada aysan geeriyoon balse uu soo gaaray dhaawac culus lana daweynayo.

Fanaanadan ayaa waxa ay ka mid tahay fanaanin badan oo dalka isaga cararay intii uusan ka qarxin dagaalkii sokeeye waxayna ahayd heesaagii ku luqeysey heestii Landcruiser gado iyo baroon baa ka qeybgalay dhamaadkii waqtigii dowladii Siyaad Barre.

_______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login