Dood Qaran – Qeybtii 5aad

Cabdulqaadir Aaden Mohamuud “Jangeli”

Qore: Cabdulqaadir Aaden Maxamuud “Jangeli” Akhriste qaab qoraalkaan waxuu u sameysanyahay sidii riwaayad haseyeeshee wuxu ku saleysanyahay dood qaran oo muujineysa xaaladdaa Soomaaliya, wuxuuna ka koobanyahy qyebo taxane ah oo labo ama saddex bog ku soo baxaya marwalba. Magacyada aad halkaan ka akhriyidoontid qaarkood waa sarbeeb  ka soo jeeda magac qof jira.

Suuban waxay karisay casho aad loo dhireeyey, sanuunaddeeduna oogada kore ee xaafadda ayaa carafteed dabeyshu ku babineysaa oo laga dareemaya.Suuban Waxay baddeshay ayada oo shaqaale carbisan gacan ka heleysa gogoshii lagu farisanjiray, si ragga caawa ka doodaya masiirka Soomaalia aysan u dareemin fadhi xumo iyo caloolmaran-toona. Inkasta oo wasiirkii Puntland oo ay sugayeen uu dhofay hadana mas-uul sare oo ka tirsan dowlad Goboleedka Puntaland ayaa ka soo qaybgalay casha sharftaas.

BILE: Soo dhawaada Jallayaal!

DIIRIYE HING: Jalle-aah! Bile, haddeed rag- baad u danleedahay oo guriga ka ceyrineysaa.

GORGOR DILE:  Jalle waa eray wanaagsan oo afkeena ka mid-ah. Marka si caadi ah loo yiraahdo waa eray saaxiibtinimo huwan, haddise la shaddo waa waxkale.

BILE: Diiryey Hingo waad taqaaniin oo wax walba cilaaq buu ka keenayaaye soo fariista.

Si hal haleela ayaa Suuban oo dhoolo caddeyn salaani ku dheehantay muujineysa soo hordhigtay cabbitaan caynbacayn leh raggi madasha yimid oo ay ka midyihiin: Cabdi Bafto oo ka tirsan TFG, Gorgor Dile  oo ka tirsan dowlad Goboleedka puntland, Cabdullahi oo ka mid ah guddiga farsamada, Dr. Mukhtaar oo Jamicadda Isli (Eastleigh) macallin ka ah, Cartan oo NGO u shaqeeya, Diiriye Hing oo afmaal ah gabayadana si fiican u xafidsan iyo Bile oo ganacsade ah martina loo yahay. Intaysan cabbitaankiiba dhedhemin ayaa biyo falaxal ah iyo suxuun waa wayn oo cunno nuuckasta lehi ka buuxdo iska soo dabadhaceen.

DIIRIYE HING: Suuban, maad noo kala dambeysiisid cunnada sidaan ishaan uga dhergeynaaye.

SUUBAN: Waxaan ka walwalsanahay wakhitiga si uusan u dayacmin oo arrintii loo ballamay horey loogu gudo galo ayaan sidaan u yeelaye iga raali ahaada.

CARTE: Raali iyo nus baan nahay; addana quman oo beekhaaminta wakhtiga ka sokow sidaan qofwalba cunnada tuu-jecelyahay ayu hormarsanayaa.

Dr Mukhataar: Intaydaan warka bilaabin reerka aan u ducayno.

DIIRIYE HINGO: Uurkaa duceeye, hatanse fataxada u mara in muraadkood Alle u sahlo.

BILE: Waxaan aad iyo aad idiin ka mahadcelineynaa inaad naga aqbasheen martiqaadkaan ku saleysan xogwareysiga iyo wax- isweydaarsiga ayda oo Xildhibaan Suuban lahayd ra’yiga cusumaada ragiinaan dowladda TFG iyo Puntland ka tirsan.

CABDI BAFTO: Waad ku mahadsantihiin gogoshaan wanaagsan iyo cunnadaan aanan waayahaan arag. Runtii anaa raadinay in aan la kulmo xildhibaan Suuban oo horaa la iigu sheegay in ay ahayd xubnaha barlamaanka ugu firfircoon lakiin haatan aad moodid in ay gaabisay.

SUUBAN: Mudane, firfircooni waa-horey dhammatay! See loo firfircoonaan-karaa Barlamaankiiba waa lagu galgashaye,handadaad iyo booloxoofleynta Muqdisha taal miyaadan arag? qofkii juuq yiraahda shaabad loo bixiyey “Spoilers” ayaa lagu dhejinayaa.

CABDI BAFTO: Waa runtaa, lakiin in sidaas la isku dhiibo ma ahayn, ee waa in xaaladda Soomaaliya laga doodo had iyo jeer illa dhidibada aan u taageyno qarankii Soomaaliya.

DIIRIYE HINGO: Horta ereygaan “spoilers-ka” oo gaalo iyo islaan-ba sheegayaan waa maxay micnihiisa dhabtaahu?

DR. MUKHTAAR: Waa qofka aan wax noqonkarin lakiin ka ciideynkara kii wax noqon lahaa. Soo ma maqal walle cadkaanow ku cunay ama ku ciideeyey!

CABDULLAHI: Cabdi Baftow, bal nooga warran odayaal dhaqmeedkii iyo guddiyadii ay xulilahaayeen iyo dastuurkii meeshuu ku dambeeyey.

CABDI BAFTO: Wallahi, dhibka naga haysta odayaasha ma meleynkartaa. Markii hore sidii loo kala saari lahaa baa xujjo nagu noqtay. Yaa oday dhaqmeed ah yaase “Bug ah”. Waxay soo jiitantaba tiro go’an baan dugsigii boliiska ku xereynay, walow weli muran ka taaganyay ragga qaarkood sifahay ku yimaadeen. Tiradii iyo magacyada ay soo xuli lahaayeenna waan u gudbiney.

DIIRIYE HINGO: Tirada garanaya magacyadiina mow-gudbiseen?

 CABDI BAFTO: Maya, maya hadalka afkaa iga xadaye umanaan gudbin magacyo! Magacyada ayagaa soo gubinaya, markay soo gudbiyaanna guuddi 27 xubnood ah ayaan u xilasaarnay in ay kala shaandheeyaan oo qaar diidaan qaarna ansaxiyaan.

CARTE: Marka ugu dambeystii guudi TFG keensatay ayaa xildhebaanada ansaxinaya miyaa?

CABDI BAFTO: Maya, sixun ha u fasirin adigu.Waa guddi madaxbanaan.

DIIRIYE XINGO: Iska daaya, horra loo yiri labdii laqdamo ku heshiisaa lillahiday ku dagaalamaan. Ragga dowladda ugu sarreya kulligood waxay u sharraxanyihiin madaxweynihii Soomaaliya; waxaan ay maleegayanna ayagaan hadhow ku heshiindoonin. Way isla socdaan jillafana way isu dhigayaan, guddiyadaana nin walba wxuu u qabo in ay asaga jeebka ugu jiraan, ee bal aan dhowrno bilaha soo socda waxa dhaca.

CABDULLAHI: Cabdi Baftow, anigu saad ogtahay waxaan ku jiray guddiga farsamada waxaana ku talinay in qabyo qoraalka dastuurkaan dib loo dhigo, dhowr arrimood dartood:

1)    Wadahadalada Soomaaliland iyo TFG u bilowday oo aan fileyno in ay siisocondoonaan doorashada madaxda Soomaaliya kaddib, in lagu saleeyo Dastuurka heshiiska dhexmara laba dhinac?

2)    Soomaaliland dastuurbaa dadkeedu u codeeyey, soo in la  iswaafajo ma aha labdaas dastuur haddii la kala goa’yo, iyo haddi wax-layskudarsanyo-ba

3)    Barlamaanka la soo doorandoono miyeysan ku habboneyn in ay ka doodaan oo si dhab-ah loo derso qeyb, qeyb iyo xaraf, xaraf ka hor inta aan la ansaxin ama afti loo qaadin?

DIIRIYE HINGO: War Cabdullahi, ha ku daalin nimaankaan waxaan  waa loo diray ee wax ayaga ka yimid maha. Dastuurkaani waa 60 bog oo waxaa ku baxa $6 malyan (halkii bog-ba $100.000,00 baa ku baxday) 5 sano-na waa socday marka ha la soo gabagabeeyo oo yeysan Luulyo 2012 dhaafin bay raggi lacataas qaatay ku yiraahdeen TFG.

CABDI BAFTO: Xaasha,  cidna noo ma dirin annagaa dooranay dastuurkaan, waqtiga la soo gabagabeynayana qabsaney ee cidkale nooma dirin.

DIIRIYE HINGO: War adigu haddadba timide goormay laabtaadu damacday? Ma federal baad naga dhaadhicineysaa in aad rabto waan is-ognahaye? Dastuurkaan wax ugu wayn oo durbaanka loogu tumaya waa federalka saan ku ansixin lahayn, Federalna waa belaayo horteed oo halaag iyo hambaaburo ayuu noo horseedaya. Dagaalo horle oo xuddudeed iyo qabyaalad cad oo isir-sooc ah ayuu noo horseedayaa.

GORGOR DILE: Adigu ma federalkaad ka soo horjeedaa?

DIIRIYE HINGO.. CARTE..SUUBAN: Haah oo federaalkaan ka soo horjeednaa.

GORGOR DILE: Haadeed wixiinu waa maahmaahyihii Diiriye Hingo sheegay ee ahayd: walle cadkaanow ama ku cunay ama ku ciidee. Markaad dhisankariweydeen goboladiinii ayaad dadka- kale oo waxay dhistay  ka ciideyneysaan. Anigu waxaan idin leeyahay: geel jire gela waa kala jirtaa waana wada jirtaa ee qolawaliba  goboladeeda hasoo hagaagsato oo ha- is-maamusho federaalna aan saas ku noqono sida Mareykanka.

CABDULLAHI: Horaa loo yiri Doqon Alle baratay ubadaada looma dhiibto. War Maahmaahyadaaan Geeljiraha oo aad wax ma-garadka afka u geliseen, ayana meelwalba la taaganyihiin hannokeenine, qaranka soomaalida iyo dowladnimadu midkoodna geelaad kala dhicijirteen ma ahee ee noo sheeg sida federaalku uga dhaqangelikro Soomaaliya.

GORGOR DILE: Adaan dhegahaagu ii furneyne walaal waan kuu sheegay oo waxaan ku iri qolowalba meesheeda ha hagaasato sida Gobolada Mareykanka iyo Ethiopia iyo India.

DIIRIYE HINGO: Oo qabiilo aan u kala baxno miyaad leedahay oo reer walba degaankiisa dowlad ha u noqdo?Haddise saas la yiraahdo intee qolo baa gobol saafi ah yeelankarta? Maasha la yiri habar meel fadhida, legdan la fududaa!

GORGOR DILE: Maya, maya xaashaa Lillahi, sida Amerika aan dowlad goboleedyo noqono ayaan leeyahay.

CABDULLAHI: Mushkilada Soomaaliyaba waa wax magarad beenloow ah iyo wax ma hubsade afdheer oo fidiya beenta iyo dacaaydda waxmagardka aqoonta gaaban ku sheekeeyaan. War Amerikadaan aad isku dherineysaan dowladeheedu inteysan Ingriiska iska xoreyn ayey midwaliba goonideeda u jirtay.  Bishii Luulyo 1776 markay ku dhawaaqeen xornimada 13 Dowladood oo ugu horreyey America (13 Colonies:  DelawarePennsylvaniaNew JerseyGeorgiaConnecticutMassachusetts,MarylandSouth CarolinaNew HampshireVirginiaNew YorkNorth Carolina, and Rhode Island); ayaa intii ka dambeysayna dowladwalba ayada oo xuddudkeeda, calankeedaa, ciidankeeda iyo madaxdeeda oo ka kooban saddexda qeybood ee dowladahaasi leeyihiiin (maamulka, sharci dejinta iyo maxkamadaha) soo gelayeen oo ka mid-noqonayeen “Union-ka” sida midowga urub.  Haddan soo qaadano Dowladda Texas waxay ka xorowday Mexico 1836 waxayse ku suu biirtay dowladaha midoobay ee mareykanka 1845 waxayna ahayd dowladdi 28aad eek u soo biirta “Union-ka”. Dowladdi ugu dambeysay oo ku soo birtayna waxay ahayd Hawaii oo Agosto 1959 ku soo biirta “Union-ka”

DIIRIYE HINGO: Ma 1959 hadder ahayd oo aan ifka wada joognay?

CABDULLAHI: Diirye Hingo, qaar baa weli soo socda oo dhowrkii-sanba afti laga qaada in ay doonayaan in ay ku biiraan “union-ka” sida Puerto rico oo bishan November 2012 laga qaadidoono  afti ku biirtaan “Unionka” ku saabsan. Ismalahayn dersi ku saabsan tariikhda Amerika ayaad madaxda sharfta mudan wakhttiga uga qaadeysaa lakiin waa mudantahay in loo iftiimiyo wax magardka haddeer inta xaarxaartay xaafadda reerkooda ku andacoonaya waxaan rabnaa federaalka mareykanka oo kale.

DIIRIYE HINGO: War talaa igu dhalataye, ma ku darmankarnaa haddan Soomaali nahay, “ union-ka” Amerika  hadduba iska furanyahay, si loo qanciyo qoladdaan Federaalka ku dheggan?

DR. MUKHTAAR: Ilama ahaa.

CABDULLAHI: Hindia iyo Ethiopia iyo kuwa la midka ah oo aad isku dhererisaan ama miitaalka u soo qaadataan, sidaas mareykanka ayey xudduud la yaqaan lahaan jireen weliba ayagu waa qowmiyadu kala gooni ah oo diin, dhalasho iyo dhulba aan horey u wadaagi jirin.

CABDI BAFTO: Waa goor dambe oo sacaddu 10kii bay garaaceysaa haatan, ee aan beri hotelkeyga isgu imaano si aan arrintaan meel ugu furno. Diriye Hingana waxaan ka codsanayaa in uu beri barqadii iga soo maro Hoteelka, qolkeygu waa 45.

DIIRIYE HINGO: Ma 4.5 baa dhibicdii lagaaga daayey? Number-kaas ma jecli waanse ku imaan?  KKKKK

Waxaa dabasocda qeybtii VI (lixaad)

Cabdulqaadir Aaden Maxamuud “Jangeli” | jangelione@yahoo.com

___________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.