Halyeey Cabdi Bile oo si heer Qaran loogu soo dhaweeyay magaalada London

Xaflad aan loo kale harin oo si heer Qaran ah loo soo agaasimay ayaa xalayto loogu qabtey Bombay Dream galbeedka magaalada London, halyeeygii  dalkiisa u keenay guusha bilada dahabka ee oradada 1500m caalamka Roma 1987, halyeey Cabdi Bile Cabdi.

Xafladaan oo ay soo agaasimeen bahweynta  isboortiga Soomaaliyeed ee degan magaalada London,kuwaasoo ka koobnaa jiilkii hore iyo jiilka cusubaa, ayna wehliyeen fanaaniinta Soomaaliyeed.

Heesaha wadaniga, dhaanto iyo bururaanburo loogu talagaley soo dhaweynta halyeey Cabdi Bile iyo calanka Soomaaliya ayaa halkaasi lagu soo bandhigey iyadoo qoobka  ciyaarkuna ay reer London rag iyo dumar aysan u kale harin, hadii ay ahaan laheyd ciyaartooy iyo taageerayaalba, iyadoo la arkayay  halyeey Cabdi Bile iyo Macalin Cumar Baarajab ay dhaxboodayeen si farxad leh saaxiibadooda isboortiga.

Ugu horeyntiina waxaa cod baahiyaha farta loo saarey macalin Xasan faarax ”John”, kasoo sii qurux badan u daadihinayay barnaamijka, waxaana uu halkaasi ku soo bandhigey taariikhdii isboorti iyo heerkii uu waxbarashada ka gaarey halyeey Cabdi Bile min biloow ilaa iyo haaatadan la joogo.

Waxaa madasha soo dhaweynta ka hadley odayaasha isboortiga ee magaalada London sida Mudane Xuseen Diiriye, Mudane Axmed Cabdi Dahir iyo sii-hayaha Gudoomiyenimada GOS Mudane Duraan Axmed Faarax, kadidba waxaa isna hadalka la siiyay madaxa wafdiga Soomaaliya uga qayb galaya cayaaraha London 2012 Macalin Cumar Cabdulqaadir Baarajab, oo isna sidii kale ka loogu soo dhaweeyay magaalada London,kuwaasoo dhamaantood si qurux badan uga hadley guulihiisii isboorti, islamarkaana sheegay inay waajib qaran tahey Halyeey Cabdi Bile la soo dhaweeyo.

Halyeey Cabdi Bile oo markaas kadib la hadley dadkii meesha joogay iyadoo ay saxaafada Soomaalida ee magaalada London si weyn u duubanayeen,wuxuuna ugu horeyntii uu ka mahadceliyay sida Soomaalinimada leh, isboortiga ah iyo walina walaalnimada leh loogu soo dhaweeyay magaalada London.

Wuxuuna ka sheekeeyay barimasamaadkii isboortiga Soomaaliyeed sida uu ahaan jirey,qaasatan cayaaraha Fudud iyo dadkii gacanta weyn ka soo siiyay, waxaan xusuustaa inay jireen dad qiimo leh oo isboorti ah oo aan rabo inaan u mahadceliyo uuna halkaan caawa nalaga joogo macalin John ayna ka mid ahaayeen Cali Cusmaan, Tarabi Weyne iyo qaar kale badan,kuwaasoo habeenkii ciyaaryahanada oradada ka saacidi jirey inay ka dhisaan luuqada English-ka, dalkii inkastoo mudo hore aan ka soo tagey,waan ku laabtey dadkii gudaha wadanka aan ka soo bixin ee nolasha iyo inay wixii tabartooda ah sameeyaan waan ku amaanayaa, anagana ka qurbajoog ahaan inaan dalka u maqneyn oo aan saacideynayna waa qirayaa, waxaan isku dayay inaan dalka ku laabto meelo badan waan tagey sida Gobalada Waqooyiga,Gobalada Waqooyi Bari iyo dhulka Soomaaliyeed ee Jabuuti iyo jIG JIGA iyo Harar, si aan u soo sahmiyo.

aan idin  cadeeyee aniga waxaan ahay Soomaali, dhulka Soomaaliyeedna oo idil xuduudo aniga iima kala laha sidaasna hala ogaado,waayo Soomaalinimo ayaan wax ku noqdey welina aan ku ahey, taasoo dadkii meesha fadhiyay  aad iyo aad ugu sacaba tumayeen.

Waxaan tagey Kenya si aan uga soo ogaado inay hay’adaha jooga ee la yiraahdo Soomaaliya ayay wax u qabtaan, si aan uga helo mashruuc aan rabo inaan ka hirgaliyo Soomaaliya,waana la fariistey madaama aan islahaa hadii qof mudan oo wax qaban kara uu arin dhalinyarada Soomaaliyeed loo qabanaayo la yimaado ay gacan weyn geysan doonaan, waxaa iga soo baxdey inaan la rabin ama diyaar loo aheyn in dalka wax loo qabto gaar ahaan dhalinyarada iyo caruurta.

Marka maanta waxaan rabaa  idin sheego dhamaantiin Soomaali oo dhan, London jooga ama meel kale jooga, yacno, in aan hay’add sameeyay,rabana inaan labo xaruumood oo caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed lagu soo tababaro ka sameeyo dalkii ,hadii mashruucaas hirgalo waxaan idin balanqaadayaa insha Allah in cayaaraha Olambikada 2012 ee furmaya kan xiga 2016 inaan soo saaro dhalinyaro oradyahano Soomaaliyeed oo ku soo baxo isreeb reebka oo aan ku imaanin sidii sanadihii ugu dambeeyay,marka hay’addaas howlgalinteeda iyo dhaqaalihii lagu socodsiin lahaa Soomaali ayaa laga rabaa ee taas hala ogaado..

Wadankeena iyo kuwa dariska nala ah waxaa lagu tiriyaa inay ku fiican yihiin cayaaraha dhaadheer,marka hadii aan rabno inaan ciyaartooyda Kenya iyo Ethopia kula tartano fagaarayaasha Caalamka,waxaan soo sahmiyay in gobalka Sanaag iyo dhulka Soomaali degto ee Harar iyo Jigjiga inay ku haboon yihiin in tababarkaas lagu siiyo ciyaartooyda oo xaruumo tababar aan ka dhisno.

Waxaa ii qorsheysan inaan Nabadda ka shaqeeyo islamarkaana aan ku maro oradka laga bilaabo Jig Jiga. Jabuuti, Waqooyiga Soomaaliya,Waqooyi Bari ilaa aan ku tago koonfurta Soomaaliya iyo caasimada Soomaaliya Muqdisho insha Allah.

Marka aan ku ordayo Jig Jiga waxaa ila ordi doono ciyaaryahanka caanka ah Gabre Salaase, oo aan isku aragney Ethopia, iina sheegay inuu gacan ka geysan doono oradka Nabadda Soomaaliya uu hogaaminaayo halyeeygii Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi.

Xafladii intii socotey waxaa sawiro xusuus ah la isaga qaaday xidiga Qaranka, iyadoo ugu dambeyntii ku soo dhamaatey sidii loogu talagaley, hadaba shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan bahda Isboortiga Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan,waxaa la gudboon inay gacan siiyaan howsha mustaqbalka  u leh dhalinyarada iyo isboortiga Soomaaliyeed uu hogaaminaayo halyeey Cabdi Bile Cabdi.

W/D:Yusuf Yusuf | mrsomalia@hotmail.com | www.sspamedia.com  | London

_____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.