Nolosha sucub ee ka bilaabatay qeybo kamid ah wadanka Somalya
koofurtiisa iyo bartamaha, gaar ahaan caasimada Muqdisho ayaa la
aaminsanyahay in fursadweyn ay siineyso horumarka bulshada iyo in laga
gudbo waqtigii cakirnaanta ee bulshada Somaaliyeed ay soomartay,
Mudadii 21 sano ee la soo dhaafay Somaliya waxaa ay cagaha kula jirtay
colaado wajiyo kaladuwan leh kuwaasi oo wadanka dhaxalsiiyay raad aan
ku faraxgalineyn, wadanka kama jirin dowlad rasmiya oo hanata amanka
guud ee dalka
Marar badan oo la isku dayay in dowlad loo dhiso wadanka waa lagu
guuldareystay iyadoo ay awoodi waayeen dhamaan dowladiihii lasoo
dhisay burburkii kadib sida xukumadii Cabdi-Khaasim Salaad Xasan, iyo
dowladan KMG ah ee iminka uu hogaamiyo madaxweyne Shariif Sheikh Axmed
oo talada qabtay kadib markii madaxweynihii geeriyooday Cabdulahi
Yusuf Axmed uu xilka iska dhigay caqabado farabadan oo soo wajahay
darted,
Bishii August ee sanadkii hore ayey ahayd markii si lama filaan ah ay
dhufeysyada uga bexeen xarakada Alshabab intii badneyd ee magaalada
Muqdisho,
lixidii bilood ee xigtayna dhamaan magaalada oo idil waxaa gacanta ay
u gashay dowlada federalka Kumeelgaarka ee Somaaliya,
Dib u dhiska ka bilowday magalada caasimada oo ahayd sanadihii ka
horeeyay sandkan 2012 goob ka caagan dalxiiska oo caalamka intiisa
kale looga yeeri jiray (No go zone) ayaa soo jiidanayay dareenka indha
caalamka, qurba j oogta Somaliyda,
Dalalka Daneeya arimaha Somaliya, taasi waxaa barbarsocday olole
balaaran oo ay wadeen qeybo ka mid ah muwaadiniinta Somaliyeed eek u
kala nool dalka iyo dibadiisaba,
mudooyinkii ugu dambeeyay Somalida ayaa u muuqda in ay fahmayaan
siyaasada furfuran ee xisbiyada, dhinaca siyaasada ah, iyo kuwa aan
siyaasada ku lug lahayn ee ka shaqeeya horumarinta bulshada
dhinacyadeeda kala duwan,
Gudoomiyaha xisbiga dimoqraadiga iyo xallka Somaliyeed (XDXS)
Ismaaciil Cilmi Xareed, ayaa sheegay in xisbigoodu door weyn uu ku
leeyahay xasilinta wadanka Somaliya, iyo horumarinta domoqraadiyada
dalka.
“Ilaamaa intii uu dhisnaa xisbigayagu, waxaan qabanay howlo farabadan
oo la xariira horumarinta dimoqraadiyada wadanka, taasoo dhabtii dadku
ay ku faaiidayaan marwaliba, waayo inta badan mabaadiida,dimoqraadiga
waa mid nabadeed, marka anagu waxaan u baahanahay in nabada la
dhiiragaliyo,lagu bixiyo waxwaliba oo karaankayaga ah, naftayada xitaa
waan u hureynaa in nabada lasoo celiyo, cadaalad laga dhaliyo
Somaliya, lagana saaro bulshada jahliga iyo qololeynta”
Gudoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in dhowaan magaalada Muqdisho ay ka
hirgaliyeen xafiis cusub oo fulindoona intabadan howlaha xisbigani uu
hayo shacabka uu matalo, waxaana gudoomiyhu sharaxay in fadhigoodu
hore u ahaan jiray dalka dibadiisa haseyeeshee ay iminka lagama
maarmaan u arkeen in ay u soo guuraan wadanka gudihiisa maadaama
magalada caasimada ee Muqdisho iyo meelo kale oo koofurta Somaliya ka
mid ah ay xasilooni ka hanaqaadeyso tan iyo bartamihii sanadkii hore
ee 2011.
![]() |
Socialize