Qaybtii 6aad ee qisadii:”Ila OOY!!!”

 W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka) – Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?

Qayladaydii waxaa soo raacay dadkii dhegtooda dheereed ee dabcan dareen ku jooga ahaa, ayagoo isla fiigsan, oo aan fahmin sida aan ku soo helay gabadha ay silcinaayeen ayeey dhaheen: ” Intee ka keenteen? Gabadhaan yaa waaye? Ma banaanka ayaa laga soo helay?” Nasiib darro laakiin beentooda waa mid aan soconaynin, maxaa yeelay gabadhu waa shaqaalahoodii hore, hadii ay aqoonsan waayeen waxeey ku dhacday uun isbedelka ay ku bedeleen muqaalkeeda jirdil iyo xaqiraad maalmihii la soo dhaafay ay u gaysteen. Ninkayga waa i soo fiirshay asigoo aan ka aqriyay wajigiisa: ” Beentaas ma rumeeysan karnaa?” Waa ka jiibiyay, kuna iri dumaashigay iyo marwadiisa: ” Iga raali ahaada, laakiin gabadhaan waa adeegtadinii idin joogtay bil ka hor… Sikastaba waa in aan gayno isbitaalka, oo xaaladeeda waa xuntahay hada, laf kastana waa jajabantahay gabadhaan… nasiib bay leedahay hadii ay socon karto mar labaad! ”  Ninkayga wuxuu igala wareegay gabadhii sii dhaceeysay, lana aaday dhinaca baabuurka, waana la fahmay qorshaha oo anna inta cararay ayaan sadaxdii cunug sii gelshay baabuurkeenii, wadahiina ka codsaday inuu  si degdeg ah noo geeyo guriga hooyaday, oo aan ku xisaabtamaayay in aan sadaxda wiil iskaga geeyo, madaama aysan fududeen in aan ninkayga hooyadiis oo kaligeed ah ,iskana waayeel ah caruurta aan kaga tago.

Nasiib wanaag waxaan tagay labadii gabdhood ee ila dhashay iyo wiilkeena yaraanka ah ee ka wada yimid iskuulaakoodii, kuna iri: ” Waad u jeedaan dhiiga iga buuxo! Qof dhaawac ah ayaan ka imid, waxaana rabaa in aad sadaxdaas cunug ilaa inta aan ka imaanaayo aad haysaan, caano lo’o saafi ah ma ahane wax kale ma la siin karo. Waa idinla cashayn karaan, hala seexiyo meesha hal saac lagu gaaro, yaanan la iga dayicin ilmaha, waa soo laabanaa. U sheeg hooyo ani iyo Bile waa nabad qabnaa, isbitaalka ayaan joognaa, i soo wac hadii ay kugu ooyaan, siiba kan yar, degenaan muujiyo okay?” Haaah, neef weeyn baa iga soo go’aday warka tirada badan oo  kala joogsi la’aanta aan  sheegay dartiis, inta sadaxdii wiil shushumiyay ayaan  ka tagay, ayagoo fiigsan oo  isii fiirinaa. Waxaan soo galay isbitaalka ayadoo nasiib wanaag la wacay dhaqaatiirtii loo baahnaa, waxkastana ay si wanaagsan u bilaawdeen, xaaladiina sii wanaagsanaaneeyso.

Saaxiibtayda shaqeed ayaa ka mid ah dadka fiigsan, kana shakisan waxa ninkayga la keenay gabadha jajaban iyo  aniga  dharka  aan wato uu dhiiga  ugu buuxo, inta iigu soo oroday ayey i taataabatay ayadoo i leh: ” Maxaad la taagantahay? Dhiiga maxaa waaye? Ila hadal, ma dhaawacantahay? Intee?!” Inta fadhiistay ayaan ku iri: ” Ma dhaawacni, ee gabadha qolka aan aadka u jecelnahay lagu qalaayo ayaan soo caawiyay…!” Qamar ayadoo waxba fahmin ayeey igu tiri: ” Soo bax, oo soo gasho dhar kale… dar xumadaan ma kugu fiirsan karee. Martiqaadkii ma sidaan ayaa u danbeeysay? Ninkaas iyo gurigiisa waa idin sheegay in khayr ka jirin, waxse ma maqashid….!” Waa qanjaruuftay, oo ninkayga ayaa dhinaca kale fadhiya, waxayse moodaa inuu ogyahay qisada ina adeerkiisa caalamka ku haayo, waa aamustay, oo inta i istaajiyay, isa sii raacnay. Waxaan u sheegay wixii dhacay intii aan ku dhex jirnay musqusha oo aan dhark iska bedelaayay, waa yaabtay, iguna tiri: ” Maxaad u maleeynee in gabadhaan loo silic dilyeeyay? Tolow tan u joogtane wax ma ka ogtahay? Yaah! Walee waa ogtahay, gurigeeda maqaasiinkiisa sidee ninkeeda gabar ayada u aheeyd adeegto ugu jirdileeyn karaa?” Waxaan ugu jawaabay: ”

Waxba yaanan war shaki  iyo malo ah isku dilin. Gabadha waa noolaanee, ayadaana naga dherjin doonta wixii dhacay, ee ku dadaal in aad masuul nooga noqotid, ayada naftirkeeda shan waji beey yeelan kartaahe iga ilaali. Sanadadaan hablaha jiro lama aamino warkooda oo kaliya..!” Ima aysan fahmin, ee waxaan diidana in gabadhaan kala hadasho lacala, ana sheekada ay ii sheegto ka dhageeysto, Qamarna sida kalkaaliso warka ay u sheegto aan ka dhageeysto, oo aan is barbardhigo bal, inta aan weerar buuxo ku qaadin reerkaas. Waxaan u imid ninkayga oo fekerka dheer uu ku jiro wareerka oo ku haayo ka muuqdo, iguna yiri: ” Fartuun sidee u dhici karaan waxaan camal? Axmad iyo Luul waxeey u muuqdaan dad aan ogeen waxaan oo dhan . Masa rumeeysan kari, mana ka yeelaayo nimanka ilaaliyayaasha ayaa noo keenay, ama kuwa baqaarka raashinka iyo alaabaha kale ku keeydsho ayaa soo afduubtay. Macquul ma ahan! Qof nool waaye, damiir la’aan badnaa sidee loo jirdileen karaa? Waxaas macquul miyaa… maalin hore markii aad i laheeyd gabar ayaa loo gubay ayadoo nool lacag ay xaday darteed waxaan kuu moodaay in aad waalatay, ama aad soo aqrisay joornaal qof walaan qoray.

Laakiin tan indhahayga ayaan ku arkay, qof nool oo qoray iyo jaydal jirkeeda iyo lafaheeda lagu baabi’iyay. Waddankaan waxa dhib ka jiro tiro badnaa? Dadkii waa adooman, madaxdii waa adooman, caruurtii waalidkii ayaa adoonsanaa, ama macalinka dugsiga ayaa sida wax walaan meel loogu xirxiray yaa xor ah oo nolol xaq u leh horta macaanto?” Waa ka helaa markii ninkayga damiirkiisa sidaan u kaco, maxaayeelay badanaa waqti uma helo inuu dareemo dhibaatada jirto, waxuuna shaqo ka dhigtay inuu shaqo u abuuro masaakiinta, siiba dadka sababta qabiil lagu takooro. Waxaansa arkaa in ina adeerkiis, anna aan shaqo iyo guri joogto dhab ah noqday oo dood ama wada hadal ku saabsan waxa damiirkeena gubaayo ee dadka naga mid ah sameeynaayay aysan na dhex marin. Waxaana ku iri: ” Bile dalkaan dadka degen oo aan ka mid nahay ma fiyooba! Laakiin weli waxba haku  xakuminin xabiibii reerkaas, ilaa gabadha ka soo kacdo oo runta dhacday nooga sheegeeyso, is deji macaanoow…!”  Waa iga tagay oo ii soo gaday cabitaan qaboow .

Waxaa yimid dhaqtarkii oo noo sheegay in waxkasta hagaagi doonaan, oo aysan ku qasaarin qaliinka, laakiin la sugaayo inta ay kaceeyso, kana reeysan doonto bilaha soo socoto. Ani iyo ninkayga waan isku faraxnay, oo hab isa siinay anagoo Illaah u mahadcelinayna, ma jirin qof naga mid ah oo raba in ay dhimato, inkastoo aan ognahay waxa dhaqaale aan daaweeynteeda ku bixin doono, laakiin taas micna ma samaynin, oo nafta qoftaas laga gardaranyahay ayaa noo muhiimsaneed. Sariirta dhinaceedii ayaan dhigtay kursi, oo aan ka fiirsana gabadha neefta dhibeeyso, oo aad xuurinteeda xataa banaanka qolka ka mqleeyso, weli neefteeda kuma filno oo sanka ayaa tubo oksijiin siisa kaga jirto.

Biyo ayaa ku socdaa iyo dawooyin, waxaan fiirshay qalabka sida joogtada u cabiraayay wadnaha garaaciisa iyo wareejintiisa dhiiga, waxeey u egtahay in xaaladeeda sii dageeyso markii loo fiirsho tii ay ku jirtay saacadu  ka hor oo la is lahaa ma noolaan doontaa. Indhaha ayeey si tarttiib ah u kala furtay,  gacanta aan ka haayay ayeey igu salaaxday, oo i sku dayday in ay hadasho oo fadhiisato, waxaan ku iri: ” Tartiib… weli ma kici kartid. Hadalkana ha iska bedenin, waxaad u baahantahay in aad caafimaadid kadib ayaad hadli kartaa.  Waxeeyna igu tiri ayadoo ooyneeyso……………

Aqriste la soco qaybta shanaad ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!” .

Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji emailkaan: samsam_1989@hotmail.com

20/07/2012 W/Q Ifraax Yusuf (Ifka) . Ramadaan wanaagsan oo barakeeysan!

_______________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.