Caruur xoog wax lagu barayay oo laga helay Muqdisho!!!

Caruur

Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM ayaa maanta gudaha ugalay Dugsi loo soo farmuqay, oo ku yaala xaafadda Waxar Cadde ee degmada Huriwaa kaas oo lagu sheegay in ay gacanta ku hayaan kooxa Al-Shabaab.

Markii ay ciidamada gudaha ugaleen dugsigan ayay lakulmeen muuqaalo lala yaabo iyadoo dhamaan ardayda kusugnayd dugsigaas ay ahaayen kuwo lugaha ka katiineeysan, intaas kadibna ciidamada ayaa amray in laga fur furo silsiladaha oodana laga qaado.

Macallinkii dugsiga ay ciidamadu su`aalo weydiiyeen ayaa iska fogeeyay eedeymaha ah in dugsigu Al-Shabaab leeyihiin, waxaana mar uu ka jawaabayay waxa ardayda ka wada xir-xiray luga uu ku sheegay in ay dugsiga u gooyaan oo aysan soo xaadirin.

Waa markii ugu horeesay ay ciidamada Doowlada iyo kuwa AMISOM ay helaan dugsi nuucaan oo kale ah waxaana xusid mudan in Al-shabaab ay caruurta yaryar u adeegsadaan dagaalada iyo isqarxinta, iyagoo ka dhaadhacsiiya ineey galayaan jannada.

View :2

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 21, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Caruur xoog wax lagu barayay oo laga helay Muqdisho!!!

  1. ardaydaan iyo maclinkooda ma ahan al-shabaab … waa jamcada tabliiq wxa mesha ciyaalka ku xiray ,,, tedakale somlia waxay ubahantahay wacyi galin dhan walba ah ,.. somlida hadaysan aydda is wacyi galin gaalo ayaa ka fa idaysanayo caruurtyena sida kuwa ku nool wadamda galada bay anqnayaan allah ayan kamagan galnee kuwaas cm.