Niman ku labisnaa dareyska Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay xalay dhac ballaaran ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda.
Nimankaan oo ku hubeysnaa tuutaha Ciidamadda Dowladda, watayna dhawr ka mid ah gawaarida dagaalada, ayaa waxay xalay ay dhac ballaaran ay ka geysteen Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Nimankaan ayaa waxay dadka ku dhaqan Xaafadda Suuqa Xoolaha iyo ganacsatada ay ka qaateen wax walba oo ay markaasi faraha ku heysteen, isla-markaana dhac iyo boobkaan ayaa waxaa lagu tilmaamay midkii ugu ballaarnaa ee ka dhaca Xaafadda Suuqa Xoolaha.
Shacabka ayaa waxay muddooyinkii ugu dambeysay ay dib ugu soo laabanayeen Xaafadda Suuqa Xoolaha, wixii ka dambeeyay markii afar bilood kahor xoog looga saaray Xoogaga Shabaab, oo iyagu ka arrimin jiray.
Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaan ka hadlin dhaca iyo boobka lagula kacay shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee Xaafadda Suuqa Xoolaha.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login