Galaal oo sheegay in uu yahay musharax

General Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ee Dalka Soomaaliya.

Ka dib markii maanta uu shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho,ayuu sheegay in laga bilaabo maanta uu yahay musharax doonayo inuu qabto xilka madaxweynenimo ee Dalka Soomaaliya.

Waxyaabaha ku kalifay General Galaal inuu xilkaan isku soo taago ayuu ku sheegay:- inay ka mid ah yihiin ka dib markii uu arkay xaalada Dalka Soomaaliya sida ay tahay ,sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo sidoo kale sheegay inuu arkay kala qeybin lagu wado dalka Soomaaliya iyo damaca siyaasadeed ee haatan ka jira Dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka warhelay kala qeybsiga Badda Soomaaliya,iyo in shidaal laga qodanayo sida uu shaaciyay Maxamed Nuur Galaal.

Musharaxa ayaa sheegay haddii xilkaan uu qabtaa inuu wax badan ka badali doono maraxalada hadda Dalka uu taagan yahay.

Mudooyinkii dambe waxaa soo badanayay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Dalka Soomaaliya maadaama bisha agoosto la filayo 20-keeda in doorasho ay ka dhacdo Dalka Soomaaliya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 21, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login