Hilowle oo dadka Dharkeenleey u baaqay

Macalin Cabdulle Cali Hilowle Guddoomiyaha Degmada Dharkenley ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka Degmadaasi looga baahan yahay inay kala shaqeeyaan nabadgalyada.

Wuxuu sheegay in ammaanka uu yahay mid wanaagsan ciidamada ammaanka Degmadana ay ka howlgalaan oo ammaanka Degmada ay xaqiijiyaan.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley Macalin Cabdulle Cali Hilowle ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Degmadaasi inay ka shaqeeyaan sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka Degmada.

Degmada Dharkeynley ayaa waxa ay kamid tahay Degmooyinka ugu ammaanka fiican Muqdisho inkastoo ay ka dhacaan falal lidi ku ah ammaanka.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 21, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login