Ciyaarihii Gobolada ee La Ciyaari jiray Barisamaadkii waxa ay ahyeen Kuwa aad u xiiso Badan iyadoo Kubada Cagta ay aheyd mida ugu xiisaha badneyd Tartamadii u dhaxeeyay Gobolada.
Xulkii Gobolka Jubada Hoose oo Wareega Hore wax ka marti Galin Jiray Is araga loo qabanayo Xulalka Gobolada Jubada Hoose,Bay,Bakool iyo Gedo isla Markaana wareega Hore ku Martigalin Jiray 3 Gobol ee Kale garoonkii Kubada Cagta ee Waamo Istadiyum ee kU Yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa ahaa Xulkii ugu Hnaashada badnaa dhinaca Kubada Cagta Taratnkii Ciyaaraha Gobolada waxaana uu ku Guuleystay 8 Goor oo ay ugu Dambeysay 1986dii.
Gobolada kale waxa ay ku kala Guuleysteen Xiligaasi Koobkii Ciyaaraha Gobolada Xulka Gobolka shabeelaha Hoose waxa uu hantiyay 4 Goor,Xulka Gobolka Banaadir waxa uu hantiyay 3 Goor,Waqooyi Galbeed iyo Shabeelaha dhexe min 1 Goor,waxaana jubada Hoose guuldaradii ugu xumeyd ay kala kulantay Koobka Ciyaaraha Gobolada 1984kii oo ay 1-0 ku Jiireen Xulkii Gobolka Waqooyi Galbeed iyadoo Goolkana uu ka dhaliyay laacibka lamabrka 7 u sitay Shakuur.
Jubada Hoose Xidigo waaweyn ayaa soo Maray Raga laga xusi karo waxaa ka mida kuwii sanadihii ugu Dambeeyay u ciyaarayay.
Goolhaye Cabdi Xaaq
Kadunka
Diinle Mahadi Diinle
Maxamed Muuse
Cabdicasiis
Goobe
Cumaraani
Xamaadi
Cali Darbo
Aweys Kismaayo
iyo kuwa kale
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’ | Uurdoox2011@hotmail.com
__________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Pingback: Mogadishu Journal - Jubada Hoose Gobolkii Ugu Badnaa Barisamaadkii Hanashada Koobkii Kubada Cagta Gobolada…