Raage Omaar oo Nabi Maxamed (scw) Caayay

Raage Oomaar ayaa hab gef iyo meel ka dhac ah uga hadlay taariikh nololeedkii Nabi muxamed (SCW), Raage barnaamijka intiisa badan wuxuu ku aflagaadeynayaa kuna eedeynayaa nabi Muxamed (CS), barnaamijkaba wuxuu ku bilaabayaa Maxamed waa magac la la xiriiriyo argagaxisada iyo kuwa dadka laaya, daqiiqada 48:00 wuxuu Raage Oomaar ka dib taariikh iyo sharaxaad qaldan oo isu soo ururiyay ku tilmaamay nabi Muxamed (CS) iyo Quraanka kariimka ahba kuwo been abuur ah (fake) wuxuuna soo daliishaday oo ku soo dhexdaray sheekadiisa qoraalkii meel ka dhaca ku ahaa diinta Islaamka ee uu sameeyay Salmaan Rushdi ee ahaa aayadihii sheydaanka, wuxuu kaloo ku sheegay isla barnaamijkan dhexdiisa in nabi Muxamed (CS) in uu ku fashilmay guurkiisii kowaad uuna ku dhamaaday hab bahdil ah, gabadhana uu u diiday adeerkii isagoo sabab uga dhigay inuu fakhri yahay.

Shaqsiyaadka uu ka waresanaayo noloshii nabi Muxmed (CS) waa haween gaala ah iyo rag Kaniisada jooga oo gaala ah, waxaa barbar socda inuu wax ka weydiinaayo noloshii nabi Muxamed (CS) qaar Yuhuuda isagoo meel macbada oo ay leeyihiina uu Raage Oomaar madaxa gashanaayo koofiyada yar ee Yuhuuda xirtaan, koofiyadaasina ay madaxiisa saarantahay tan iyo inta uu ku dhexjiro waraysiga ninka Yahuudka ah oo si xun oo khalad ah uga hadlaaya taariikh nololeedkii rusuulka (CS).
Raage Oomaar barnaamijkan raga Islaamka ah ee uu ku waraysanaayo fursada uu siinaayo way ka yartahay 10 seken halka qolyaha gaalada ahna aad dareemeysid inuu aad ugu riyaaqsanyahay xumaanta ay ka sheegayaan suubanihii nabigeena salawaatulahi calayhi wasalaam waqti badana uu siinaayo, wuxuu dadkaasi u ogolaanaayaa inay u hadlaan sida ay rabaan iyagoo axaadiista iyo quraanka iyo soo ifbixida nabi Muxamed calayhi salaam ka dhigaaya wax la been abuuray, Muslimiin farabadan ayaa aad uga carooday barnaamijkan iyo barnaamijyo kale oo isla Raage Oomaarkan uu uga hadlaayo arrimaha Islaamka.
 
Raage Oomaar intaas kuma joogsane wuxuu rasuulka ku eedeeyay wax uu ugu yeeray (first holocost) xasuuqii kowaad ee loo geystay Yuhuuda, looguna geystay magaalada Madiina, qof dumara oo uu arrintaas wax ka weydiiyay ayaa si bareera u tiri “Muxamed sidee rasuul ku sheegankaraa isagoo geystay xasuuqa 800 (siddeed boqol) oo Yuhuuda, waxay intaas raacisay waa kuma rasuulka amraaya xasuuqa dadka tiradaas le eg”.
Raage intaa kuma hakane waa sii socday wuxuuna u leexday dhinaca xaasaaskii nabi Muxamed (CS) isagoo nabi Muxamed ku eedeeyay inuu guursaday Caa’isha oo 9 sana jira, nin ka mida qolada gaalada ah ee uu markastaba soo daliishanaayay warkooda ayaa yiri “markii laga yimaado xittaa dhanka diinta waxaa diidaaya dareenka aadamiga ah in gabar 9 ama 16 jira uu sariir la fuulo nin 55 jira oo uu guursado”.
Waxaa hadalkaasi ka sii horeeyay mar uu ka hadlay guurkii nabi Muxamed ee Khadiija (RC) inuu yiri waxay ahayd qof ka da’weyn mana ahayn munaasib inuu guursado, wuxuu sheegay in nabi Muxamed aanu u guursan Khadiija jacayl uu u qabay ee uu u guursaday dano dhaqaale maadaama ay ahayd qof dumara oo dhaqaale heysatay, wuxuu kaloo Raage Oomaar uu leeyahay casrigan la joogana lagama filaayo xittaa nin dhalinyara ah oo Islaam ah inuu guursado qof dumara oo ka cimri weyn.
Raage waa soo socday wuxuu markan rasuulka ku tilmaamay mid noloshiisii intii badneyd ku soo qaatay dagaal, dhiig la daadiyo, dhac, barakicin, cadowtooyo, isagoo laga soo eryayday magaaladiisii Maka oo qabiilkii uu ka dhashay ay soo eryeen, wuxuuna daawadayaasha weydiiyay ma orankarnaa Muxamed wuxuu ahaa hogaamiye kooxeed dhiigya cab ah.? ma waxaa loo tixigalinkaraa inuu ahaa dagaal ooge doonaayay inuu awood ku qabsado dunida carabta iyo adduunka oo dhan ama nabi risaala loo soo dhiibay si uu u gaarsiiyo adduunka oo idil.?
Wuxuu Raage mar kale ku dooday in nabi Muxamed loo diiday in masjid iyo meel cibaado uu ka sameysto magaaladiisii Maka lagana eryay halka London ay Muslimiinta maanta masaajido ka sameysankarayaan, marka uu hadalkaas lahaana uu dhex taagnaa masaajid qabya ah oo london ku dhexyaala.
Raage Oomaar barnaamijkan rasuulka calayhi salaam aad ayuu ugu weeraray wuxuuna ka bixiyay sawir aad u qaldan, aad ayuu u aflagaadeeyay suubane nabigeena Muxamed (CS).
Wuxuu markan gelayaa Dukaan ay dhex joogta gabar Muslimad ah oo si wanaagsan u asturan, waxay xirantahay jalbaab iyo indha shareer, Raage Oomaar wuxuu weeraray gabadha isagoo ujeedkiisu ahaa inuu afkeeda ka helo in aaney jirin meel ka mida quraanka oo lagu amraayo dumarka Islaamka ah inay xirtaan indha shareerka, wuxuuna raage leeyahay kulli callaa xaal ma jirto sow ma aha meel ay ku cadahay dumarka Muslimka ah ha xirteen indho shareer halka gabadhuna ay leedahay dumarka aayada noocaas ah oo ka mida Suuratul Axzaab ayaa lagu amray istaruaadooda, rabi ayaana ugu dhowaanaayaa inaan jirkeyga si wanaagsan aan u asturo, wuxuu u muujinaayaa indha shareerka iyo xijaabka hablaha Muslimiinta ah ay xirtaan inay yihiin wax xad gudub ah ama aan loo baahneyn in la amro dumarka inay sidaasi u labistaan, wuxuu kaloo u tusaayaa in habkani uu yahay hab u gaara Muslimka oo ka soocaaya ummada adduunka ku nool inteeda kale, islamarkiina la dareemaayo qofkani inuu yahay qof ka soo jeeda diin ku saleysan rabshad iyo is miidaamin, sawirka uu Raage bixinaayo ayaa ah mid noocaas ah, waxaana yaabka yaabkiis ah in haweeney kuwa gaalada ah ee barnaamijka uu ku soo dhexdaraayo had iyo gooraale ay carabka ku balaarineyso in aan loo baahneyn in dumarka Muslimka ah ay xirtaan indha shareer ama dhar waaweyn oo ay jirkooda ku qariyaan, bal dhugo qof dumara oo iyaduba u baahan wax gaalnimada ka soo saara ayaa dooneysa inay u sheegta habkii ay u dhaqmilahaayeen dumarka Islaamka ah, Raage Oomaarna daliil ahaan ayuu u isticmaalaayaa isla qofkaas dumarka ah.
Ka dib markii uu misana ka soo sheekeeyay dagaalo iyo wax uu ku tilmaamay bahdilaad is daba jooga oo loo geystay rasuulka oo ay ka mid ahayd in isaga oo hogaaminaaya kolanyo asxaabtiisa ka mida in laga celiyay xajka ayuu sheegayaa inay ahayd mid ka mida bahdilkii ugu weynaa ee soo mara noloshii nabigeena subxaanalaah, wuxuu intaa raacinaayaa in haddaba waa sida uu u hadlayo’e in dhulkii carabta ee adduunyada sumcada weyn ku lahaa, gaar ahaan xaga dhaqanka iyo nabada uu isu bedlay aag dagaal oo dhiigu qulqulaayo maalinkasta tan iyo intii Muxamed uu soo ifbaxay.
Nin ka mida kuwa gaalada ah ee uu waydiinaayo noloshii nabi Muxamed (CSW) ayuu Raage Oomaar si dabacsanaan oo aad dareemikarto inuu la dhacsanyahay waxa uu sheegaayo ayaa yiri “ma jiro nabi ka mida nabiyada Alle soo diray oo amray in la laayo kuwa aan raacsaneyn balse Muxamed uu sidaasi sameeyay”.
Wuxuu markana ku doodayaa in heshiiskii Xudeydiya ee nabiga iyo qoladii ka soo horjeeday si weyn oo aan la arag lana maqal loogu bahdilay rasuulka, bahdilkaasna uu la rafaaday waqti dheer, waxaana bahdilka u geystay ayuu yiri dhinicii ka soo horjeeday, kuwaasoo ku kalifay inuu nabad qaato.
Wuxuu markana yiri Ina Cumar (Oomar) maanta adduunkan aan ku noolnahay cadowga kowaad ee ay nabadu leedahay waa magaca Muxamed, diinta Islaamkuna waa mid saldhigeeduyahay Jihaad oo ah dagaal barakeysan, wuxuu isla markaasna ku xijinaayaa kalmadahaas dhismayaashii Maraykanka ee mataanaha ahaa ee la burburiyay, bamam dhismayaal kale lagu qarxinaayo, qaraxyo tareeno iyo gawaari la la eegtay, dad aambalaasyo lagula cararaayo oo dhaawaca, nin dhalinyara ah oo lagu eedeynaayo qaraxyadii London oo magaciisa Muxamed uu ku sheegaayo, dhalinyaro kale oo sheeganaaya inay ku jihaadayaan wixii dulmi ah oo magacyadooda Muxamed la yiraahdo.
Raage wuxuu leeyahay marka ay ragani jihaadayaan waxay soo daliishadaan aayado quraanka ka mida iyo axaadiis u ogolaanaaya inay sameeyaan wax uu ugu yeeray falal argagaxisa ah oo nabada ka dhan ah, wuxuuna hadalka u dhigaayaa isagoo isku xir u sameynaayaa habkii gefka iyo meel ka dhaca ahaa ee uu uga sheekeeyay taariikh nololeedkii Rasuulkeena Muxamed (CSW) ee uu markasta ku tilmamaayay inuu ahaa shaqsi nabada neceb, sharwada ah, dagaal u joog ah, dagool ooge ah, dhiigyacab ah.
Daqiiqadba tan ka dambeysa, sekenba sekenka ka dambeeya waxaad la kulmeysaa arrin ka weyn kana yaab badan wixii aad daqiiqadii ama sekenkii hore aad soo maqashay ama aragtay ee dhanka karaatiinta uu u isticmaalaayo barnaamijkan dukumintiga ah ninkan Raage Oomaar, bal wuxuu weydiiyay jihaadku ma xaqbaa mise xaq ma aha nin baaderi ah oo jooga kaniisad qaybaha dambe ee barnaamijkan, wuxuuna ninkaasi ku doodayaa in jihaadku aanu ahayn wax ku cad quraanka ama laga hayo axaadiistii nabiga loona tarjumay si qaldan, mana aha ayuu leeyahay ninkani jihaadku mid sax ah, isla qodobkaan inta uu ka hadlaayo Raage Oomaar ayuu markale hadalka siinayaa odaygii baadariga ahaa ee Kaniisada joogay kaasoo ku dooday in Jihaadka uu Rasuulku u isticmaalay sababa khaas ah, inta lagu dhexjirana aan wax la gaarsiinkarin dumarka, caruurta, wadaada sida kuwa diinta kirishtanka ee kaniisadaha jooga iyo inta biri ma geydada ah, Raage oo halkaas u arkay inuu ka helay fursad kale oo uu ku wax yeeleynkaro sumcada Islaamka ayaa yiri “maanta way ilaaween kuwa Islaamka sheegta hab dhaqankaas waxayna dilaan birimageydadii oo dhan sida dumar, caruur iyo cid kasta iyagoo isku qarxiya, ama si bareera u dila”.
 
Waa yaab kale bal halkana arka waxa uu ku hadlaayo Raage Oomaar, wuxuu oranaayaa ka dib marka uu weydiiyo laba dhalinyara ah oo Islaama fikradooda ku aadan Jihaadka, Rasuulkeena (CS) ma aaminsaneyn oo kaliya in jihaadku uu dagaal ahaa ee wuxuu rumeysnaa in jihaadku uu ahaa dagaa alle loogu dhowaanaayo laguna raaligalinaayo, nabi muxamed (CS) dadkii faraha badnaa ee dambi laawayaasha ahaa ee uu laayay waxaan orankarnaa wax u ogolaanaaya oo caddeyn ah inuu dadkaasi dilo cid heysaa ma jirto, war bal dhugta wuxuu ninkaasi ku hadlaayo subxaana laahi caza wajala !!! nabi Muxamed (CS) ayuu ka dhigaayaa gacan ku dhiigle laayay oo mariyay dad aan dambilahayn, wuxuu ka dhigaayaa dambiile waana rasuulkeenii suubanaa (CS).
Waxaan horay u daawaday oo isla Raage Oomaar uu uga hadlaayo Islaamka, arrinta aan aadka ula yaabay ayaa ah in magaca Maxamed iyo waxa ay gaaladu ugu yeerto argagaxisada inuu xiriiriyay, in guurkii ugu horeeyay ee nabi Muxamed (CS) uu fashilaad iyo bahdil uu ku dhamaaday, war ninkaan misana Islaam ayuu sheeganaayaa ee waa Suaale islaamnimadiisu ma dhab’baa mise ma aha, ma aqoon darro heysa aawadeed ayuu waxaan u sameynaayaa mise waa nin Islaamka loo soo diray.
 
Sidoo kale barnaamij dukumintari ah oo uga hadlaayo Islaamka Indonesia ayuu wuxuu muujinaayaa in dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Indonesia gaar ahaan kuwa salafiyiinta ah iyo dadka ku xiran masaajida inay yihiin argagaxiso iyo shar wadayaal isagoo masaajidana ku tilmaamaya goobo laga abaabulo falalka xagjirnimada iyo argagaxisada ah.
Wuxuu sawir guud ka bixinaayaa waxa ay ku taamayaan qalbiyada iyo maskaxda dadka reer Indonesia inay tahay inay fuliyaan haddii ay helaan fursad la mida tii lagu qarxiyay kalaabkii baali oo dad 200 oo qof ah lagu dilay qarax halkaasi laga geystay, wuxuu raad raacayaa koox mutadawiciin ah kuwaasoo ah ciidamo illaa 30 malyuun gaaraya oo ku jira shabakad abaabulan oo had iyo gooraale diyaar u ah inay gacan ka geystaan meel kasta oo dagaal kaga furmo umada Islaamka ah, wuxuu waraysanayaa rag ka tirsan ciidamadaas Islaamka ah waxayna caddeynayaan inay yihiin ciidankii Alle, qaarkood waxay sheegayaan inay ka soo dirireen dalal ay ka mid tahay Afganistan, diyaarna u yihiin inay ka dagaal galaan Falastiin iyo meelaha kale ee ay dagaalada kaga  furanyihiin umadaha Islaamka ah, Raage Oomaar dulucda ujeedkiisu wuxuu yahay markastana ku soo celcelinaayaa waxaa jira xagjirnimo xoog badan oo ka soo kordheysa Indonesia oo ah dal tirada islaamka ah ee ku nool ay gaarayaan 200 oo malyuun oo qof, waana dalka Islaamka adduunka ugu badani ay ku noolyihiin.
Dhinaca kale wuxuu u muujinaayaa dadka diimaha kale heysta ee ku dhaqan dalka Indonesia iyo kuwa mulxidiinta ah ee caabuda dabka ama biyaha inay yihiin dad nabadeed oo lala noolaankaro oo aan laga maleysankarin wax dhibaata ah dhankooda.
Raage Oomaar ayaa mar kale maykaroofan iyo kaamirad la orday wuxuuna soo duubay barnaamij kale oo dhokumentari ah kaasoo uu uga hadlaayo xukunkii Islaamka ee Andalus ama Isbeyn xadaaradii Muslimiinta ee ay Europe la tageen ayuu wuxuu ku tilmaamayaa in xadaaradaas muslimiintu aysan ahayn mid ay iyagu ay curiyeen oo maskaxdooda ka timi balse ay xadaaradaasi ka soo xadeen ilbaxnimooyinkii hore sida tii Giriiga, shiinaha, Persia iyo Hindiya, arrintaas oo ah wax aad loola yaabo iyadoo xittaa ay dadka Misiixiyiinta ah ee reer Europe ay qirsanyihiin xadaarada iyo horumarka weyn ee ay Islaamku geeyeen qaarada Europe oo wax weyn ka bedeshay qaab nololeedkii qaaradaas.
 
 
Waxaan hoos idiinku soo lifaaqay xidid youtubka ah oo barnaamijka Taariikhdii Nabi Muxamed oo muuqaala oo uu Raage Rasuulka ku jaa’ifeynayo aad ka daawankarto, waa maraga ma doonto, afkiisa ayuu Raage ku hadlayaa, ma aha wax laga been abuuray arrimaha meesha ku qoran ee aan sheegnay in Raage ku hadlay, si aad u xaqiiqsato halkan ka daawo, haddii ay dhacdo in muuqaalkaasi laga tirtiro Youtubeka waan ka taxadarnay waxaana ka soo dhownloodhgareynay isla youtubeka waxaana ku heynaa computerkeena, waadna naga soo dalbankartaan waa haddii ay dhacdo in Raage codsado in muuqaalkaas laga saaro youtubeka.
 
SOURCE: Somalimemo
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 22, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

10 Responses to Raage Omaar oo Nabi Maxamed (scw) Caayay

  1. asc ikhwaani fillah waxa ushegaya walalaha muslimka ax arika raage anaa fiirsadey waa waxlaga xishoodo waxa ukuhadlayo marka qofcilmile iskadaa xata qofcilmi lexeen arinkaa madhegaysankaro waayo nbg c.s.m maaha in qof magiciisa kucilciliyo asgoon kaamileynin saliga ama dhahaayo muhamed ama labarbar dhigo barnaamish gaalo habka ninkaa isku barbar dhigey nbg c,s,m. waa wax lala yaabo ninkaa waa nindhumiy waxana madax saartey koofiyada yuhuuda waxaas okale daliil waalagu gaalooba waayo markan arkey habka wax usharaxayo anaaba dhiiga ikacey waan waxkabaxsan loogana baxayo diintiini suuban kuna axmeel kudhac

  2. What ragea done was, he brought arguments from both sides, from gaalo who think they know a lot about Nabi Muhammed scw and some Muslims who actually know a bit, based the seerah we have today. If anything ragea gave dawah, haduu soo fadhiisin lahaa Muslims only that programme would not have been aired. It’s not about what was wrong and what was right, it’s the fact that he put curiosity in the minds of the non Muslim viewers who in result would research him and realise what an extraordinary person nabi Muhammad was. So before you call me or anyone else a kaafir watch the programme and understand it.

  3. ACWB, walaal inta aanan wada dambaabin waxaa nala wada fiican in labada dhinacba la dhageysto ama la wada aqristo sidaas awgeed noo soo bandhigga, video or barnaamijka ka hadlaayey eedeyntaan. Mahadsanid.

  4. raage mar haduu yuhuud koofiyadoodii xidhay gaal waa kasii fogaday,dadayowgaa kale waxay haystaan ha buun buuniyo,ta muslimku cey way kareebantahaye,waa hadii cadayn lagu hayee

  5. A.cabdullahi muuse cali

    Asc war ninkan isaga ah waxa iigu dampeysay isaga oo bbc-da ka ruqsestay haduu gaalooway ama saan u hadlay {waxa la’idin kaga baahan yahay cadeen buuxda vidio ama record} hadii ay cadaato

  6. aasif aasif aasfi waxaa caqli gal aheyn nin islaam sheeganaya hadane sidan u wax uga sheegaya nabiga NNKH

  7. subxanallaah runtii hadii raage sidaan u hadley uu wax lahubo yahay waa wax qof islaama diintiisii uga baxo taasina ma ahan islaamnimo waayo waa wada og soonahay qof islaama markuu diinta caayo ama rasuulka duro ama alle wax xun kusheego in diinta looga baxo ama xijaabka beeniyo amaba dulo waayo waa aayad qur aan ah oo aad beenisey marka ninkaasi diintii uu kabaxay hadii taa rabtidna culumada weeydii tan kale maxaa usoo arkey diinta islaamka iyo argagaxiso waaba nabade maxaa usoo arkey rasuulullaah dagaal ooge waaba raxmad dunidoo dhan loo soodiraye se waxba kama qaadeysaan diinta islaamka ee idinka ayaa isduleeyey

  8. Inaalilaahi waa inaa ILAAHI raajicuun: hadiiba ay arintaasi tahay arin sax ah oo uu ku kacay raage omar waa laga la xisaabtami donaa waxaanu heli doonaa abaalkeeda, waxaanan ku boorinayaa DHAMAAN muslimiinta oo dhan in ay ku eegaan IL kaliya oo ah ta lagu siinayo waajibkiisa,
    ANIGA ilama aha in nin somaliya uu caayi karo ama wax ka sheegi karo NABIGEENII SUUBANA NNKH.

    Hadiiba se ay tahay arin laga been abuurayo cida wada ee ka been abuuraysa ayaa laga la xisaabtami doonaa

  9. Nebi Maxamed ma caayin ee wuxuu ka faallooday arrin si dhexdhexaad ah gorfayn loogu eegay, ogaan baa eegmada looga laalay toocsi iyo nin jacayl, taasuna ma aha cay iyo wax u dhow midna. Nebi Maxamed waxaa maalin walba caaya kuwa daraaddiis dadka u laaya ee dhiigga masaakiinta la qubo in uu asagu oggol yahay ku faana oo weliba ku magaciisa dilaaga u yahay.

    Diin waa hadba sida oo qolo u fahanto.

    • Nacdasha Alle Kugu dhacdey, oo Alle Naartiisa kugu fogee, bal kan isna u doodaaya eega, Waa kuwa Alshabaab Madaxooga dhabarka u saarto.