Shalay Hantiwadaaggii Cilmiga, Maanta Hanaan Federaal ah!

Xassan Xayle

Qalinka: Xassan Xayle

Haye fudud habeenkaan lahaabey, hubsiinadu habooneyd

Maalmahan waxaa si aad ah indhaha loogu hayaa arrimaha siyaasadeed ee dalka ka socoda iyo sida madaxda dowladda DKMG ay ka yeelayaan dhameystirka ‘ROADMAP-ka’ kassoo ay ugu muhiimsantahay: in laga gudbo marxaladda KMG ah, la dhiso ergo ansixida Dastuurka Cusub, lasoo xulo xubno baarlamaan oo tiro yar iyo dhismo dowlad hogaan cusub leh oo dalka ka hawlgasha waxii ka danbeeya 20-ka bisha Agoosto ee sanakan 2012-ka

Sida ay ilatahay, dad badana ay qabaan, waxaa muuqata in Geeddi Socodka siyaasadeed, marka la fiiriyoo aragtida uu ka anbaqaadayo, jahwareer cusub mooyaane, uusan xal wanaagsan horseedeyn. Aragtidaas waxaa laga tusaale qaadan karaa markii dib loo eego waayihii siyaasadeed ee dalka soo maray

Dimoqoradiyadii Qabyaaladeed

Haddii dib loo fiiriyo sababaha keenay dhibaatada siyaasadeed ee dalka ka jirta, qiimeena lagu sameeyo, guud ahaan, taariikhda faca yar ee dowladnimada Soomaaliya, waxaa noo muuqanaya in bulshada Soomaalidu ay ku jirto, dhinaca biseelka siyaasadeed, maraxlad aad ugu eg tan bilawga u ah caruurta toban jirka ah, (Early adolescent), ee noloshoodu marxaladaas tahay mid aan sugneyn oo rogrogosho badan *(1)

Laga soo bilaabo dhalashadii dowladnimada ee 1960-kii ilaa ay burburta Dowladdii Dhexe horaadkii 1991-kii, hanaanka xukunka dalka waxuu u kala guuray nidaam dimoqoraaddi ah oo in ka badan 70 xisbi siyaasadeed ay u tartameen kuraasta barlamaanka iyo awoodda dalka iyo nidaam, markii dhaqanka iyo duruufta bulshada Soomaalida loo barbar dhigo, hanaan iyo fakar siyaasadeed ahaan aad u fog, kasoo ahaa Hantiwadaagga Cilmiga, (Marxists Socialism) oo aan ka hadli doono

Hanaanka xukumadihii hore ee qaabka Dimoqaradiyada u jiheysnaa ayaa, inkastoo uu lahaa dhinacyo wanaagsan, guud ahaan yeeshay dhaliil badan oo ku saabsan dhinaca maamulka iyo cadaaladda bulshada; dimoqoraadiyadaas oo aan si mas’uuliyad ah loogu dhaqmin ayaa ugu danbeentii keentay FAWDO siyaasadeed oo aan muran ka taagneyn in sababteedu ahyed caqliyadda qabyaaladeed ee bulshada iyo dhaqanka siyaasinntii waagaas

Marxaladdaas oo u dhexeyday sanadihii 1960-1969-kii, waxaa dalka maamulayay xukuumado rayid ah, oo inkastoo ay horseed u ahaayeen hanaqaadkii dowladnimada Soomaaliya ay, hadana, in badan oo hogaamiyaashaas ka mid ah ay si muuqata ugu dhaqamayay qaraabo kiil, ku tagrifal hantida guud iyo, weliba, xad-gudub ku saleysnaa awood sheegasho

Waayahaas hanaanka dowladnimadu waxuu oglaa in dadku ay si xor ah uga hadlaan umuurahay siyaasadda iyo xukunka, islamarkaana ay sameysan karaan xisbiyo siyaasadeed iyo soo saarid wargeyso madaxbanaan; arrintaas oo loo baahnaa inay dawo iyo xal u horseedi mashaakilkii waqtigaas dalka ka jiray ayaa, nasiib daro, qeyb ka noqtay qaskii siyaasadeed kuna soo baxay MAKAROOFAN qabyaaladda loo adeegsado!

Waxay arrintu sii xumaan jirtay markii ay timaado doorashooyinka kuraasta baarlamaanka, tasoo xarumaha doorashada ay ka dhici jirtay duudsiin iyo ku tagrifal awoodda dowladeed; waxaa codad been abuur ah, sanduuqa doorashada, loogu shubi jiray ciddii ay mas’uuliinta sare ee dowladdu rabaan

Si ay ahaataba, isbadalkii dhacay 1967-dii, oo ay hogaanka dalka qabteen Allaha u naxariistee, Mudane Cabdirashiida Cali Sharmaarke oo nqoday madaxweyne iyo Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo isaguna noqday ra’iisul wassaare, waxaa ahmiyad kowaad la siiyay inla hagaajiyo xaaladda siyaasadeed iyo dhibaatooyinka bulshadeed ee ka dhashay maamul xumada iyo cadaalo daridii baahday waqtigaas

Ayaan daro, iyadoo rajadii laga qabay inla hagaajiyo xaaladda siyaasadeed ee dalka dhinacyad qaar horumar fiican laga sameeynayay, qaybo kalena ay dhutin ku jirto, ayaa 15-kii bisha Oktobar 1969-kii waxaa toogasho lagu dilay Madaxweyne Cabdurashiid Cali Sharmaarke; dhacdadaas murugada laheyd ayaa keentay in dalku galo qas ba’an iyo muran ku saabsan cidda qabaneysa xilka madaxtinimada dalka

Runtii, waxaa figrad laysku raaci karo ah in xaaladdii siyaasadeed ee waagaas jirtay, 1960-1969-kii, lagu tilmaamo inay aheyd ‘Dimoqaraadiyad Qabyaaladeed’ taasoo, marka loo fiirsadao, tusineysa sida ay qabaa’ilku ugu xusul duubayeen xukunka iyadoo runtii ay beeluhu, olole siyaasad, dhinaca abaabulka iyo rabitaan hogaanka dalka aad u kala hanweynaayeen

Hanti-wadaaggii Cilmiga

Si ay ahaataba, waxaa si lama filaan ah, iyo mar kaliya, kasoo dhaqaaqay xeryahooda ciidamada Xoogga Dalka. Waxay habeenkii taariikhdu aheyd Oktoobar 21, 1969 ay INQILAAB aan dhiig ku daadan kula wareegay xukunka dalka; iyadoo maalmahaas uu muran ku saabsan doorasho madaxweyne cusub ka jiro baarlamaanka dhexdiisa.

Sida jirta, labo maalmood ka dib waxaa warfaafinta lagu shaaciyay in taliyihii Xoogga dalka ee waqtigaas, Jeneral Maxamed Siyaad Bare, uu hogaaminayo kacdoon u curtay bulshada Soomaaliyeed oo ka tarjumaya doonista shacbiga ee ku aadan inla helo isbadal weyn oo dalka ka samatabixiya dhibaatada siyaasadeed iyo bulsho ee ka dhalatay maamul xumada iyo cadaalo daradii ay ku shaqynayeen xukuumadihii ra’iydka ahaa ee, ilaa iyo gobonimadii, dalka ka talinayay

Iyadoo dalku marxaladdaas cusub galay, mawjadda KACAAKUNA ay xooli ku socotay ayaa bishii Oktoobar 1970-kii, hal sano inqilaabkii ka dib, waxuu hogaanmiyaha Golahii Sare ee kacaanku Jeneraal Siyaad ku dhawaaqay in dalka laga hirgalindoon hanaanka Hanti-wadaagga Cilimiga, (Scientific Socialism) kasoo, sida uu sheegay, aan ka hor imaaneyn, lakiin, waafaqasan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida –waxaa la ogsoonyahay in tilaabadaas ay timid iyadoo wax DOOD QARAN ah, (National debate) ama la tashi dadka aqoonta leh aan laga sameyn

Mar kaliya dalka in lagu soo rogo hantiwadaagga Markisim-ka waxay keentaya in dhaliil weyn, oo aan si cad loola bareer karin, loo jeediyo madaxda Golahaha Sare ee Kacaanka, sababtoo ah fakarka Markisimka looguma talo galin bulsho, sida Soomaaliya oo kale, aan ka sameysneyn dabaqad ama aan aheyn mid ku hormarsan dhinaca wax soo saarka warshadaha; taasoo ay dheertahay in Soomaaliya, hiddo iyo dhaqan, tahay bulsho rumyesanyihiin Diinta Islaanimka

Waxaan la ogsoonahay ama si uun loo qiyaasi karaa saameynta ay yeelatay mashaakilkii laga dhaxlay hirgalinta Hantiwadaaggii lagu sheegay inuu cilmiyeysan yahay, iyo wajigii siyaasadeed ee uu yeeshay ‘Kacaankii Oktoober’ ee isna lagu tilmaamay, waayahaas, mid barkeysan!

Layskuma hayo in hogaanka iyo siyaasadihii KACAANKA ay abuureyn dhiibaatooyinkii siyaasadeed, bulshadeed iyo dhaqaale ee ugu danbeyntii horseeday dagaalkii Sookeye iyo burburkii ku dhacay qaranknimada Soomaaliya

Waxan u maleynayaa in suugaanyahaynka weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Ibrahim HADRAAWI uu ka hadlayay marxaladdaas siyaasadeed ee dalku galay markii uu lahaa, “U beeray wadiiq qaloocsan, waqtigu i tilmaamiwaayay”*(2) Wadadaas oo aheyd tan hantiwadaagga ee raggna u qaatay inay tahay mid cad, sidaa darted loona baahaanyahay in geediga lagu caraabiyo!

Dhinac kale, haddii waayahaas iyadoo aan dood qaran laga furin la qaatay mabda’ii Hantiwaagga Cilmiga, barnaamijyadiisna laga dhaqan galiyay dalka, taas macneheedu ma aheyn in bulshadu doortay hanaankaas, Soomaaliduna badankoodu noqdeen shuuciyeen!!

Geedi Socodka Federalism-ka

Shaki kuma jiro, waqtigan la joogo, in siyaasadda Soomaaliya ay tahay mid hagoogi saarantahay, iyadoo sida ay wax u socdaan iyo geediga ugu jirto  aysan u muuqan, xatta, ragga madaxda ka ah DKMG, arrintaas oo walwal iyo hubaal la’aan galineysa mustaqbalka siyaaasadeed ee dalka

Iyadoo taas ay jirto ayaa su’aalo badan iyo dood waqti dheer u baahan ay ka jiraan dhawr qodob oo ku saabsan DASTUURKA CUSUB ee markii la dhaqan galiyo aan la saadaalin karin qaabka siyaasadeed ee Soomaaliya yeelan doonto

Waxaa leysku hayaa, dood badana ay ka jirtaa, kana jiri doontaa, DANTA GUUD ee ummadda iyo qaranka Soomaaliya ugu jirta in Jamhuuriyaddii Soomaaliya, haddiiba la helo iyadoo mideysan, loo badalo hanaan FEDERAAL ah?!

Dad qaar ayaa waxay ku doodayaan in qaadashada nidaamka federaalka uu ka mid ahaa heshiiskii 2004-tii ay beelaha Soomaaliyeedu ku gaareyn shirkii muddada dheer socday ee magaalada IMBAGATI, Keynay, islamarkaana lagu dhisahy DKMG aheyd ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed madaxweynahay ka ahaa

Aragtida doodaas, waxaa muuqata, inaysan jawaab lagu qanci karo u aheyn su’aalaha dhabta ah ee ku saabasan Soomaaliya oo lagu soo rogo hanaan federaal ah iyo waaxyaha dalka oo ilaa heer noqon doona qaar, siyaasad ahaan, kala madax banana

Su’aalaha muhiimka ah ee shakiga galinaya in qaab federaal ah uusan xal u noqneyn mushkilada Soomaaliya waxaa ugu horeeya: haddii ay QABYAALADDU aheyd sabata ugu weyn ee abuurtay dhibaatooyinkii siyaasadeed iyo bulshadeed ee horseeday Colaaddii Sokeeye iyo burburkii qarnimada Soomaaliyeed, –qaadashada nidaamka federaalka ah sideebu xal ugu yahay dhibaatada iyadoo ay muuqato inuu assaaska u dhigaayo ama sharciyeynayo mamul goboleedyo qabiil ku saleysan?!

Sameyn gobolo ku saleysan qaab federal ah, waxay u baahantahay mas’uuliyad dheeraad ah iyo hanti badan oo lagu fuliyo dhismaha hay’ado maamul, sharciyeed, ammaan iyo hawl-wadeeno leh tabobar fiican iyo waayo aragnimo, -sidee muddo kooban arrimahaas loogu hormarin karaa iyadoo dhaqaale, inta badan, gobol ku saleysan loo adeegsanayo?!

Sidee leysu waafajinayaa ama loo dhisayaa sharciyada CANSHUURAHA federaalka, (Federalismo Fiscale) ha noqoto dowladda dhexe, kuwa gobolada, dagmooyinka iyo ilaa heer tuulo?!

Tan ugu daran ee aad leysu weydiiyo waa: dhismaha dowlad goboleedyada isgu imaanaya, kuna midoobaya hanaanka Federaalk iyo xuduudyada ay yeelan doonaa, -sidee loo qaabeynayaa ama soohdimada u dhexeeya gobolada loo calaamadeen doonaa?!

Intaas madaxa-wareer ku filan, waxaa kale oo aad u muuqnaya, iyadoon aan lagu darin tan Soomaali-land, in ififaalaha uu bixinayo xiriirka u dhexeeya Dowladda Dhexe ee KMG ah iyo maamul goboleedka Punt-land, markii dhincyo badan la fiiriyo, uusan marnaba tusaale fiican u aheyn hanaanka federaalka ee la doonayo in dalka laga dhaqan galiyo

Ugu danbeyntii, geedi socodka siyaasadda Soomaaliya waxuu u muuqdaa inuu gudcur iyo waddo madow hayo; taasoo aan la hubin qaabka iyo wajiga uu Dastuurka Cusub u yeeli doono siyaasadda dalka iyo midnimada bulshada

Waxay marxaladihii ay soo martay dowladnimada Soomaaliya, oo ilaa iyo gobonimadii, gabi-dhacleyn iyo marba dhinac u guur ku jirtay ay tusineysaa in QABYAALADDU, mar walba, ka xoog rooneyd ama ka saameyn weyneed FIKRADIHII iyo hanaankii siyaasadeed ee in dalka lagu hago loo qaatay, yaa hubaal ka jooga qadaadashada habka federaalka ah!!

 

Xassan Xayle | hassanhaile@hotmail.com

________________________________________________________________________
*(1) Maqaalkan waxaan qaybo ka mid ah kasoo qaaday baaritaan aan ku sameeyay Taariikhad Siyaasadda Soomaaliya
*(2) Erayadaas waxay ka mid yihiin heesta WACDARAHA ADUUNKA ee Hadraawi tiriyay horaadkii 70-meeyadii qarnigii 20-naad
________________________________________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 23, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Shalay Hantiwadaaggii Cilmiga, Maanta Hanaan Federaal ah!

  1. markaan hadalkayga ku bilaabo inaan wax ka iraahdo qoraalkaan kore.
    waxaa arkee ninkaan inow xukumadihii horo uu qaarna danbigii ay galeen uu ka tirtiray qaarna uu danbi inay galeen uu sheegay.
    marka ninkaan waa loo geedaa inuu qoraalka ujeeddo ow ka leeyahay oowna rabo inow u adeegsado eeedheh camal.
    maanta waxaa la joogaa wakhti waaqic ah oo qof walbo arkaayo waxa jiro,ama ay nool yihiin dadkii markaas noolaay ,
    waxaa iska cad in waqtigii 1960 -1968 dhibkii jiray dadki inay hada soo naqdeen oo hadda loo jeedo cadaalad daradii iyo wax isdabamarintii iyo Shacabkii oo jahawareer lagu ridaayo .
    Qofkii rabo inow wax ka ogaado waqtigaas waa waxa hada socdo oo kale.
    waxaa aad u jeclaan lahaay in Dadka soomaaliyeed ay fahmaan qiiyaanada socoto.
    soomaaliya wixii ka dhacay waxaa dhaliyey dadka hada saas u shaqaysanaaayo oo shacbka qabiil iskugu kicinaayo inay ka faaiidaystan oo dantooda ugu hir gasho.
    waxayna ka faa,iideen waqtigii hore dadka oo markaas aan kasayn siyaasada ay dadkaan ku shaqaystaan, soomaalina waxaan u sheegaa war dadkaan maskaxda yeysan idin ka qaldin.
    waxaan jeclaan lahaay in aan la qaldin dadka oo wixi la samynaayo ay u naqato wax cad oo dadka arki karaan,