Waa Kuma Matt Bryden?

Warbixintii ay dhawaan soo saartay Kooxda Kormeerka Soomaaliya iyo Eritariya ee Qarammada Midoobay u qaabbilsan cunoqabataynta hubku waxay eedayn musuqmaasuq guudka u saartay madaxda Dawladda ku Meel Gaarka ee Soomaaliya, maamulka Puntland iyo Eritariya. Warbixintu waxay ka koobnayd eedo aan la dhayalsan karin oo dhiillo geliyay dadweynaha Soomaaliyeed ee ka dhursugayay nabad buuxda iyo xasillooni waarta. Waxay ku noqotay lama-filaan. Waxaa ka sii horreeyay warbixin taas la mid ahayd oo ka soo baxday Bangiga Adduunka sannadkii la soo dhaafay oo isla Kooxda Kormeerku diyaarinteeda kaalin ku lahayd. Labada warbixinneed ma lahayn caddaymo dheellitiran iyo tixraac toona, waxay se ka midaysnaayeen, eedda ka sokow, in nuxurkooda si hordhac ah warbaahinta loogu yaboohay ka hor inta ay si guud u soo shaacbixin.

Eedaha musuqmaasuqu dunida soo koraysa had iyo goor waa ay ka jiraan, waa na loo baahan yahay barnaamij joogto ah oo lagula dagaallamo musuqa, laakiin eedaha ay Kooxda Kormeerku baahisay waa kuwo xambaarsan ujeeddooyin gaar ahaaneed. Labada waxbixinnood oo ay tif iyo miriq ka ahaayeen gef iyo been, waxay dhimaal la tiigsadeen geeddi socodka nabadda Soomaaliya, gaar ahaan nabadda magaalada Muqdisho ka soo ifbaxday. Akhriskoodu wuxuu dhaliyay su’aalo badan oo ku aaddan eedaha suurogalnimada xaqiiqdooda, waxaa laga dheehan karay dhaleecayn, waxaa laga dhedhansan karay in diyaarintoodu ku saabsanayd dhooqaynta garaadka madaxda dawladda Soomaaliya.    

Warbixinnada Kooxda Kormeerka Soomaaliya iyo Eritariya u gudbiso QM oo ay warbaahinta iyo hay’aduhu soo xigtaan ayaa waxaa diyaariya Matt Bryden oo QM u qaabbilsan Geeska Afrika. Waxa uu hawshaas bilaabay horraantii sagaashameeyadii, waagaas oo uu xubin ka noqday hay’adihii gargaarka ee dalka yimid. Hawlo kala duduwan ayuu u qabtay hay’ado ku lug leh gargaarka Soomaaliya muddo labaatan gu’aad ah, muddadaas ayuu xiriir hoose la yeeshay hay’adaha, dawladaha iyo shaqsiyaad Geeska Afrika caan ka ah. Isla muddadaas waxaa la lunsaday balaayiin doolar oo loo qoondeeyay abaaraha iyo colaadda harqaamiyay Soomaaliya. Ma jiro urur isu xilsaaray baarista ama xisaabin lagu sameeyay lacagahaas tirada badan oo la lunsaday, xataa ma jirto warbixin guur-mar keliya ku samaysay, waxay ahayd un arrin la isla og yahay oo un afku juuqda u gabay.

Matt Bryden wuxuu u dhashay dalka Kanada, wuxuu qabaa haweenay u leh saddex carruur ah oo u dhalatay gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ee maamulka la magac baxay Soomaalilaan ka arrimiyo, dhammaan na ku wada nool dalka Kiinya. Maadaama uu qabo haweenay u dhalatay qabiil u ololeeya kala goynta dalka ayuu si hagar la’aan ah ugu loollamay ambabbixinta ujeeddadaas. Shir kasta oo arrimaha Soomaaliya lagu falanqeeyo, wuxuu si bareer ah ugu hawlan yahay kala goynta ama waxyeellada qarannimada dalka. Wuxuu astaan u noqday been abuur, musuqmaasuq iyo in uu jeer walba madaxda Soomaaliyeed ku eedeeyo in ay ku jiraan goondhaba iyo goolaaftan. Qandaraasleyaasha–ama shaqaalaha–QM u qaabbilsan Afrika ee musuqmaasuqa ku caan baxay ayuu Matt Bryden xawli ku dhaafay oo uu musuqmaasuqaas gaarsiiyay heer aan hore loo arag oo aan gabbasho lahayn, waxay horseedday in laga eryay dalalka loo xilsaaray oo uu cago dhigan karin Soomaaliya iyo Eritariya mid na. Shaqadiisu waxay ku koobantay ka been abuurka dalalkaas uu burburintooda u heellan yahay ama soo saaridda waxbixineedyo warbaahinta marinhabaabiya ama buunbuuninta maamulka Soomaalilaan keliya.

Sir iyo caad ma saarna ujeeddooyinkiisa ku aaddan dalalka Geeska Afrika oo kama uu xishoodo in uu ku tiraabo ereyo liddi ku ah Soomaaliya, Eritariya iyo maamulka Puntland. Hagardaamooyinka ninkaasu gaystay ayaa dhaawacay xeerarkii iyo meeqaamkii Qarammada Midoobay lagu tixgelin jirey, tusaale ahaan markii uu yiri; “Sii socoshada colaadda Soomaaliya waxaa ay faa`iido ugu jirtaa Soomaalilaan, oo raadineysa madaxbannaani iyo aqoonsi”. Burburinta xubin QM ka tirsan waxay liddi ku tahay xeerarkeeda. Yeelkeede, siyaasad xumidiisa awgeed shirqoolka khiyaanadiisa cadowtooyo wixii uu libtooyo u maleegay Soomaaliya kama miro dhalin. Dhammaan wufuudda iyo madaxda Afrika way ka dheregsan yihiin godobta Matt Bryden ka galo qaaradda. Sidaas daraaddeed halgankii uu u soo galay kala goynta dalka oo uu u cuskaday jagada uu u hayo QM wuu ku guuldarraystay oo qolo dhageey-jalaq uma siin.

Haddii ay Soomaaliya kala go’ayso, goobta ay ku kala go’ayso, qaabka ay u kala go’ayso iyo weli ba xeerarka ay ku kala go’ayso, dhammaan waxay u taal Soomaaliya. Bil matalan, ugu horrayn waa in baarlamaan Soomaaliyeed oo fadhiya oo kalsooni buuxda ka haysta bulshoweynta Soomaaliyeed afti u qaado burburinta dalka uu u xilsaartay hoggaaminta iyo jiritaankiisa. Taas oo haddii ay dhacdo ay muhiim tahay in ay hoosta ka xariiqaan sababo milge ahaan lama huraan ka dhiga kala goynta dalka, sida; midab, af, dhaqan, isir, diin, iwm. Dabadeed dalalka dunida (oo badankood karaahiyaystay dhaqdhaqaaqyo kala goyntooda u heeggan [haa, annaga keliya ayay nagu cusub tahay ee dalal badan bay ka jiraan kooxo u taagan kala goynta dalkooda]) laga iibiyo in dunida uu ku soo biiro dal u dhisan qabiil Soomaaliyeed.

Ma shaki baa ku jira haddii hal qabiil dal loo aqoonsado in qabiillo kale la soo godlan doonaan aragtidaas? In ay qabiillada kala go’ay dhexdooda ka tolan doonto? In hammigaasu ku faafo dunida saddexaad (Itoobiya keliya waxaa ka jira lix kooxood oo u hanweyn)? Qabiil qaran ma noqdaa? Maya ayay ila tahay. Qaar baa se ka hadalkeeda ku diirsada oo nolol maalmeedku ugu baxaa.

Laba tobanlihii Soomaaliya burburku ka jiray dhaaxaa loo halgamay kala goynteeda, dhaaxaa maal iyo maskax lagu beerdarreeyay, dhaaxaaa wax lala harin, dhaaxaa lagu dhaayaday ba’eeda, dhaaxaa calooshiis u shaqayste loo soo kiraystay, dhaaxaa habar kasta la beerlaxawsaday, dhaaxaa meel wal ba lala istaagay Soomaaliya ma jirto, dhaaxaa lagu hungoobay!

Waa suurogal in qabiil weyraxay soo kiraysto danaysteyaal ama calooshood u shaqaysteyaal u ololeeya danahooda gaarka ah, xataa haddii ay lid ku yihiin danta guud ee Soomaaliyeed, sida Peter J. Pham iyo qaar kale oo hore. Hase ahaatee Matt Bryden kama quusan dangalooyinka; ujeeddadiisa gurracan ee ku aaddan Soomaaliya iyo ku dhamaajoodka qarbudaaddaas adduunweynuhu qaaddacay meelmarinteeda.

Qofkii yaqaan Matt Bryden waa ogsoon yahay halganka ninkaasu ugu jiro burburka Soomaaliya. Asagu na waa ogsoon yahay laab la kaca Soomaalida iyo sida loo daaro. (Asaga oo gebi ahaan dafirsan xaqiiqda dalka ayuu qaatay baasaboor Soomaalilaan ah oo ay jirin qolo dunida aqoonsan ee aan ka ahayn qabiilka xaaskiisu ka soojeeddo.) Godobteeda se waxaa uu si buuxda ugu aanoobi doonaa goorta ay garashada Soomaaliyeed gilgilato ee dadku baraarugo ee u dhiirrado garwaaqsi ee aqoonsado cadowgiisa ee ka foojignaado dabinka, taas oo ayadu na saadaal dheer. Inta ka horraysa Matt Bryden, iyo qaar kale oo la soo kiraystay, ka filo warbixinno been abuur ah iyo cadaawad hufan.

S. Shire | Dantaguud@hotmail.com

________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 23, 2012. Filed under Faalooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.