25 July Muqdisho Dhagarqabe ayaa Diidan!

Qodobka 9aad ee dastuurka qabyo qoraalka magaalamadaxda Qaranka iyo ayaa ha danbe!

Maqaamka magaalo madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegida dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya.

25 july waa maalin taariikhda Somali  wax weeyn aay ka bedelmi doonto,waa maalin magaalo madaxdiisa Muqdisho ay noqoneeyso magaalo la mid ah magaalooyinka waaweeyn ee dalka,waa maalin damaca dhagarqabayaasha diidan caasimada Muqdisho u ah farxad iyo reyreeyn,waa maalin Shariif uu hormuud ka noqday dhagarqabayaasha diidan caasimada Muqdisho,waa maalin mugdi ah,waa maalin murugo ah,haddii 25 July la ansixiyo dastuurka qabyo qoraalka maqaamka Muqdisho waxaa eey  noqoneeysaa dhul reer uu leeyahay,waa maalin la diiday wadanoolaasho Somali,waa maalin ninkii ka caraaray uusan dib ugu soo noqon,waa maalin reerwalbow  magaaladaada u tasho ah,waa maalin Muqdisho lagu qasbayo in aay doonto dowlad goboleed, waxaana quman in canshuurta iyo daqliga ka yimaada magaalada Muqdisho lagu celiyo shacabka magaalada Muqdisho,akhristow waxaa  iyana dastuurka qabyo qoraalka ku jira wax ka bedelka dastuurka in  wax ka beddelka Mabaadi’da aasaasiga ah eeyan  wax ka bedeli karin labada aqal ee baarlamaanka waxna ku soo kordhin karin  Qodobka 199. Qoddobada wax ka badalka dastuurka ee lasoo jeediyay dhamaadka xilliga koowaad ee Baarlamanka Federaalka,haddii dastuurka wax laga bedeli karin 4 sanno ee soo socota sow hore ha u socon dibna ha u socon maaha.

Ku-simaha Iimaamka,Ugaaska iyo Malaaqa waxaa aay qeeyb ka noqonayaan dhagarqabayaasha hormuudka ka ah in caasimada Muqdisho maqaamkeeda la bedelo sida oo kale dhamaan Odayada ansixinta qeeybta ka qaatay ee Somaliyeed waxaan leenahay ogaada wadanoolaashada Muqdisho idinkaa diiday ee doonta raaca ,wasiir kuxigeenka wasaarada hawlaha guud ee Puntland ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ku sheegay in aysan qasab ahayn in magaalada Muqdisho ay noqoto Caasimada dalka Soomaaliya halka wasiirka dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibrii asagana  arimahaasi si adag kaga jawaabay isagoo ku tilmaamay in aan shaki lagein karin in caasimadda Soomaaliya ay muqdisho tahay balse waa hadal afka aanan dhaafsiisaneeyn oo weli aad ka arki karto in dastuurka sidiisii yahay.

Gudoomiyaha Hey’adda Culumada Soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in dastuurka qabyo qoraalka ee iminka garwadeenka ka yahay Mahiga iyo C/weli Gaas  uusan ahayn mid dani ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed ee Musimka ah Muqdishona ku tilmaamay hooygii somalida balse dastuurka qabyo qoraalku dafiray maqaamkii aay laheeyd,isagoo baaq u direy xukuumadda KMG.

 Akhristow dastuurka qabyo qoraalka marna si cad uma  qeexaayo mabaadiida aasaasiga ah ee dowlada iyo awood qaybsiga maamul goboledyada iyo dowlada dhexe, taasoo ah in dastuurka qabyo qoraalka ahi uu u muuqdo mid ka fog xaqiiqda la rabo in Soomaaliya laga hir galiyo dowlad tayaysan oo awood leh, waxgaradka,culumada aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maalmihii ugu danbeeyey si weyn uga soo horjeedey qabyo qoraalka dastuurka cusub ee la doonayo in lagu maamulo dalka Soomaaliya,waxaan waajib ah in caasimada Muqdisho 25 July waxii ka danbeeya dhagarqabayaasha diiday caasimada in sida ugu dhaqsiyada badan dib ugu noqdaan goboladii aay ka yimaadeen maadaama aay gaareen goolkii ama hadafkii ahaa caasimada Muqdisho ma ah caasimad.

Dr. Ali A. Hirabe                                                   Hirabe_a@hotmail.com

____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 24, 2012. Filed under Opinion / Fikrad, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

11 Responses to 25 July Muqdisho Dhagarqabe ayaa Diidan!

  1. xayawaan hiraabe afka baliga isku qabo qabiiliista oo weliba kan ugu liita aad tahay qabiilna meel kuma gaareysid xamarna ma noqoneyso sidii hore ee riyada maalmeedka iska daa

  2. ninkaan hada yaa is dhahaayo magaaluu ku dhashtay(xamar) qabyaalada dilootay.war meeshu dartuus gaalo soo dhoob dhoobtaa yaalo in dan soomaliyeed maaha. subhanallaah

  3. ASCW

    TO: BURCI HAJI

    TORONTO WAA RUNTAA INTA AAD KA SHEEGTAY, LAKIIN WAXA AAD TORONTO IGU
    DIIDAY MAXAY TAHAY SABABTU? INAAN KU AQAAN WAXAA KUU DALIIL AH SAXIIBADAA WAXAA KA MID AH DR.MUNYE, MAXAMED IBRAHIM, AVE HOSH OO AAD ISUGU WANAAGSAN TIHIIN, AVE DOLI, WAA KAAGA BADIN KARAA LAAKIIN SALADII SUBAX AYAA SOO DHOW, WAA IN SUNAYASHA LA SII TUKADO WAQTI BADAN MA JIRO. WAXAA HADALKAAGA KA MID AHAA FAROOLE WAA DOORATEEN EE SAKIIN MAXAAD KU DIIDAY, FAROOLE ISAGA AYAA IS DOORTAY, HADII AAN HAA LOO ORAN PUNTLAND BUR BUR AYAY QARKA U SAARNEED,LAKIIN SAKIIN MAXKAMADDII HAGUE AYAA SUGAYSA MARKA RABBI AAN U WEYDIINO INUU KASAMATA BIXIYO, ADIGANA WAXAAD IGU DHAARATO MEESHA MA YAALAN, MAXAA JIRA KUMA CAYIN.

  4. Toronto somali ma laha,waa wadan xoog leh oo kala danbeeyn ka jirto,waxba aniga ha i handadin,Sakiin waa somali wadani haddii la doorto madaxweeyne maxaad ku diidee,Faroole waad ogoshahay maxaa Sakiin ugu diidee,nin dhintay ayaad tahay weli Garowe ayaad joogtaa waryaa Toronto ha ceebeen,haddii aan kaa soo horbaxo waa la arkaa waxii aad tahay.waa inoo Toronto isarageena.

  5. Ku: Burci Xaaji

    Ramadan Karim, dad kuma cabsiinayo ee waa bil barakaysan oo qadarin
    mudan in lays cafiyo oo la isku buradaayano wey wanaagsanaan lahayd,
    marka hore Muqdisho ma oran caasimad maha iyo ma noqon karto afkeyga lagama hayo, ee waxaan ka jawaabay waa baxysaan oo doontii ayaad racaysaan, iyo Soomali ayaa la kala dirayaa oo la kala fogeynayaa, ayaa laba waxyaalood oo meel wada gala ahayn. Midda aad Burci Garoowe aad ka shegtay anaa ka xaal siiyay waad aragteen Puntland side u dhisantay iyo heerka ay gaartay maha mid aan ku amaanayo. Cimiladana Carabta dadbaa ku nool lakiin diyaarba uma nihin in dulmigii aad ogeyd dadkii galay inaan qabilno, adiga ahaan Burci sidaad Toronto ila joogtay ayaan waxaan xan ku maqlay, inaad Xamar aad u ololeyneyso Sharif Sakin lakiin waxba ha hungoobin Sharif Sakin oo madaxweyne noqda waxay ka dhigantahay anoo aabahay wiil u dhalay?
    May Allah mercy on us and except our dua.

  6. KU:dhagdheer
    Bisha Ramaaan ma la hadlo iyaa mise dadka ayaad ka nixinee,DR.Hirabe waxii aas ka hadlay run waaye maxaa wacay Muqdisho nin lagu dilay iyo qabiil leeysku dilay ma loo bedeli karo,siayaasada barta,haddii la diido Muqdisho keenana magaalo la mid ah ?? majirtaa magaalo la midha Muqdisho ?? runtii maya waa ye,cimilo ahaa,degeen ahaan biyaheeda ,iyo badeeda ,dhul aan dhoobeey aheeyn intee na geeyneeysiin Garowe maya maya biyaha Garowe Qaraar waaye,Bad ma laha dhulkana biniaadamka ma lagu duugi karo,waa kulushahay ,somaliyeey sheega meel xamar ka fiican ??

  7. RAMADAN kARIM

    Ma illowdeen in bil Ramadan ay tahay? Hiraabe kala daa Xamar dib laysugu imaan maayo oo doontii raaca, iyo ohinta caawa ka soo yeertay laba ayay kala tahay, idinkaa diiday walaaltinimadii iyo wada noolanshihii, annaga waa tagnay oo sidaad jeceshihiin Rabbi ha idinka aqbalo, lakiin away dadkii Xamar lahaa ee oran jiray xaarkii abkoygeeyan xaar ku darooyaa miyaad asteen? Wiilka se leh Xamar Hawiyaa leh Hawiyahee leh Xamar?

  8. maareeye darod

    caasumad xamar in ay sii ahaato waxaa diidaaya dadka maalin iyo habeen xamar xasuuqa kawado 20 sano. waxaa diidaaya xamar in ay caasimad sii ahaato kuwii dilay wiilkii 20 sano kahor inta laga soo qaxiyay gurigiisa asagoo wadaninimo ku jirta uu xamar ku soo noqday oo asagoo gurigiisa dayactiranaya xabada lagu boobay wiilkaas oo tarsan been u sheegay oo ku yiri xamar waa nabad eh imaw. xamar hiraabe iyo qabiilisteyaal lamid ah ayaa caasumad u diiday iyo kuwa dhahaya xamar anagaa leh oo dadka guryahooda xoog ku dagan. anaga hadaan darod nahay waxaan balan ku qaadaynaa in aan xamar labada lugood u siibno oo caasumad dambe noqon si somali dambe luugu qalan waana arin aan wax badan kasoo shaqeeynay oo aan isku raacsanahay hargeysa xataa dadka laguma qalan laheen sida xamar lagu sameeyo

  9. Dr.HIrabe guuleeyso waa dhamaatay wadanoolansho Muqdisho waxaa leh Hawiye cid diidikartaa ma jirto,bal Garowe geeya caasimada haddii Faroole uu ogolaanayo,Garowe hal jufo ayaa degen ,ciise maxud aan aragno waxa aay wadaan,waa taa Xoosh iyo wasiirka ganacsiga baryaaya Faroole si loo ansixiyo dastuurka qabyo qoraalka ah,Hawiye tashada kow waa in kuwa asixiyay in caasimada laga bedelo Muqdisho doonta saara,dalxiil dalxiil dalkiisa gee daarood ismaaciil doonta saar weli ma iloobin,Dr.Hirabe shiribkaasi waa kaa maqnaa.mahadsanid

  10. DR Hirabe salaan iga gudoon.
    Waxaa rabaa inaan Su,aal waydiyo shacabka soomaaliyeed oo dulman .
    ma garan wayseen oo iska qaban wayseen kuwaan dhibka idin abuuraayo.
    hada waxaa la maraa 21 yeers oo wali la garan la, yahay ujeedkooda
    Majeerteen?

    DR Hirabe GUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUL

  11. Ma waxaa loogu tala galay in soomaaliya ay ku jirto jahawareer iyo dagaal sokeeye sida loo galay Afrikada kale.?
    Madaw waa madaw meel kasta ay joogaan.
    waxaad arkaysaa waddamada Afrikaanka ah inay aysan horumar la taaban karo aysan garayn ,sida dawladaha chine ,india , iyo wadamada gaaray meelaha ay gaareen reer yurub .
    u fiirso yaman waxay u qaybsan tahay sida hadda larabo in soomaaliya loo qaybiyo waligeedna ma heshiiyaan ,yeman markii ay rabaan inay waxsuubsadaan waxaa laysku kiciyaa 2 gobol shayuuq ka taliyaan,waligeed waxaa isku kacaaya laba qabiil oo dhaqaalihii iyo horumarkii ay samaysteen dib u dhigaayaan, taasna waa miday wadamada caalamka ay rabaan in soomaaliiya laga dhigo si aysan waligeed horumar la tiigsan karo u gaarin,

    Soomaaliya waxaa loogu tala galay in marwalba ay isku dagaalaan qabiil qabiil oo wadamada shisheeyana ay mid kasta hub hoos ka siiyaan say dhaqaalahoodii u dumiyaan oo soomaaliya waligeed u ahaato mid xoolo u taliyaan iyo reer baadiye iska dabawareegaya.
    Soomaalya waxay noqonaysaa meel qolo walba loo soo kala dhuunto oo hub lakala siiyo say u noqdaan kuwo isku taagan oo ay u noqoto qabiil fiirsanaayo qabiil kale inta aduunku ka dhamaanaayo,meesha aduunku marayo meeshii ugu saraysay xag dhaqaale iyo horumar ,
    FiRo GAAR AH
    Soomaaliya inay saas noqoto waxaa ka masuul ahaa dawlado arkay inay soomaaliya meelsare gaarayso.
    dawladahaas waxay yiraahdeen Soomaaliya hadaan laga qaban aduunka ay noqonayso wadan afrikaan ah oo wada muslim ah oo soo gaarayaa aduunka ay ayaka suubsadeen,
    waxaa is waafaqay oo soomaaliya dumiyey cadowgii soomaaliya iyo dad dan gaara wata oo raba inay ayaka wadanka u taliyaan , markaasna ayaka ayaa wadanka lagu dumiyey, walina ayaka ayaa sirtii iyo dhibaatadii wada , waxaan oran karaa dadka soomaaliya wuxuu gacanta u galay waxaan ka naxayn oo dano gaara wata oo qabiilkii uu ku noqday kansar kansarkana ma baxo ilaa uu la dhinto,wadankii Soomaaliya ka dhexeeyeyna waxaa hor boodaayo oo shacabkii qabil kala geliyey kuwaas say dantooda u helaan,