Beri ma Fashilaad mise Final?

C/salan Xuseen Cumar (Joker)

Bari oo ah 25 Luulyo waxaa loo balansanyhay ansixinta dastuur aay Soomaaliya yeelato kaas oo marar badan dibu dhac ku yimd, sax waa arin muhiimad lehna xiisaheeda gaarka ah marka loo eego shacabka Soomaaliyeed rajooyinkooda ku aadan in aay galayaan  marxalad cusub taas oo u baahaneeyso in lala jaanqaado .

Laakin,  dhanka kale waa ‘Final ama Fashilaad’ ku timaada howshii aay wadeen saxiixayaasha Roadmap-ka kuwaas oo isku kali yeelay go’aan ka gaaridda arimaaha ku saabsan aayaha Soomaaliya iyo ka shaqeynta ka gudbida xiliga kala guurka kaas oo aay isha ku hayaaan beesha caalamka iyo waliba shacabka Soomaaliyeed oo noqday (Ninkii habartey arooso waaa adeerkeey).

Inkastoo laftigoodu aay dabino badan isu soo dhigeen hadane waxaa bari la sugayaa cida ciyaari doonta Finalka 20 Agoosto  iyadoo aaminsan in siyaasadii aay wadatay u meel martay  kuna faraxsan sida aay wax u socdaan rajo badana ka qabto hamigeeda siyaasadeed.

Halyeeyga is badbadalka badan kuna xeel dheer dabin u dhiga dadka aaay isku qabtaan siyaasada waa Shariif Xasan Sh. Aadane,  ayaa u muuqda kalkaan inuuba kusoo haray wareega 16-ka asigoo isugu soo aruuray hada inuu yahay dardar galiyaha arimaha RoadMap-ka taas oo ah jagadii ugu danbeeysay aay dhagahooda kumaqlaan shacabka Soomaaliyeed  taas oo jirta hadane waxoow shaki weyn ka qabaa musharaxnimadiisi la hadal haye waayahaan, sababtoo ah waxaa lasoo hormarin doonaa doorashada jagada gudoomiyaha Baarlamaanka  taas oo  hadii uu waayo uu rajo badan ka qabin in loo doorto madaxweynenimada dalka iyadoo aay ku hardamidoonaa madaxweynaha hada talada hayo Shariif Sh. Axmed oo muujiyay wax qabad dhanka dowlad nimada, Pro. C/raxmaan Baaadiyoow oo dardar cusub lasoo baxay kana mida aqoonyahanda Soomaaliyeed  iyo Ra’iisul Wasaarihii hore iyo waliba soo nooleeyihii hanaaanka dowladnimo Mr. Maxamed C/laahi Farmaajo,  kuwaas oo la dhihi karo waa kuwa ugu cad cad ee ku hardami doona jaagada madaxweyna naimda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale C/raxmaan Faroole madaxweynahay maamul gobaleedka Puntland  ayaa isna ku haray wareega 8aad, Mr. Faroole ayaa isagu ku hungoobay in uu meesha keeno ergaydii usoo magacaabay halka odayaasha kasoo jeeda belaha Puntland aay iyana soo xuleen ergadii uga qebgali laheyd ansixinta dastuurka  taas ayaana la oran karaa waxeey keentay dib udhaca ku yimid ansixinta dastuurka .

Dhanka kale madaxweynahay Galmudug Mr. Caalin iyo Hogaamiyaha ahluna C/qaadir Macalin Nuur oo aay aad isugu dhawyihiin Shariif Sh. Axmad ayaa laabadooduba waxeey ciyaarta ka yihiin calan wadayaal iyagoona ku wareersan qaabka wax u socdaan iyagoo mar waliba ansixiyo waxii la horkeeno.

 Sidoo kale albiitaraha ciyaarta Roadmap-ka Mr. Agustina Mahiga ayaa la’ cid uu qalad ka dhigo ama uu u dhigo isagoo mar waliba ku qanciyo ciyaartooyda in aay is dajiyaan wadahadalna wax ku xaliyaan asigoon cidna eedeen ama ganaaxin laftigiisu hadii uu fishilaad la’aan koobka si cadaalada u gudoonsiiyo cida xaqa u leh waxuu ka mid noqon doonaa dhexdhexaadiya yaasha qaramada midoobay ku tashato unna dirto meelaha aay ka taaganyihiin xasaradaha caalamigaa.

Ciyaarta oo wali si xiisa leh usocto ayaa bari waxaa loo balansanyahay in la ansixiyo Qabyo Qoraalka aay ansixiyeen saxiixa yaasha Roadmap-ka kaas oo la horgeyn rabo xubnaha  850-ka ah ee lagu heshiiyay in aay ansixiyaan dastuurka  hadii la ansixiyana waxaa wareegalaya 4-ta ku hari doono gudiga madaxa banana ee dastuurka oo ku hungoobay in uu ergada ka dhaadhiciyo in wax qaldan la horgeeyay oo aaysan soo samen gudigu balse la arki doonee cida usoo baxdo finalka saxiixayaasha Roadmap-ka iyo gudiga dastuur usamenta dalka Soomaaliya.

Dadka aan ku qanacsanen hanaan socdo iyo sida aay isugu gadameen saxiixayaasha Roadmap-ka ayaa ku eedeynaya madaxda sarsare ee dowlada in aay albaabadi ka xirteen  dhamaan dadkii hamiga kalahaa siyaasada Soomaaliya,  inkastoo saxiixayaasha laftigoodu uu ka dhexeeyo is riix riix siyaasadeed  iayagoo wada kulamo gaar gaar ah aa oo ayla leeyihiin odayaasha dhaqanka si mid waliba ugu qanciyo sida uu wax u arko amaba dantiisu ka muuqato.

Qoraa: C/salan Xuseen Cumar (Joker) | Salaanyare18@hotmail.com

___________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 24, 2012. Filed under Faalooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Beri ma Fashilaad mise Final?

  1. War hadusanba ku jirin mudane gaandi wa waxan surta gal ahayn

You must be logged in to post a comment Login