War hada soo baxay ayaa wuxuu sheegayaa in wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/rixmaan Xoosh Jabriil in uu ku siijeedo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Wasiirka Dastuurka ayaa waxaa la sheegaya in uu halkaasi ku tagayo safar aanan horay loo sii shaacin oo ah mid deg ah, isla markaana saacadaha dhow uu ka duuli doono garoonka diayaaraha ee magaalada Muqdisho.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Wasiirka Dastuurka iyo deb u heshiisiinta uu ka qayb gali doono shir haatanba ka socda Madaxtooyada Garowe, kaasi oo la sheegay in looga hadlayo qilaaf soo kala dhexgalay maamulka madaxweyne Faroole iyo beelaha qaar isla markaana ku saleesan sida loo soo xulayo ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Waxaa la Sheegayaa in odoyaasha dhaqanka beelaha qaar ee daga deegaanada Puntland ay soo gudbiyeen liis ay ku qoran yihiin ergada ka qaybgalaysa shirka, halka sidoo kalana madaxtooyada Puntland ay soo saartay liis kale oo gaar oo iyana ka qaybgalaya shirka waxaana la sheegayaa in haatan taasi leesku fahmi la’yahay.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login