Warbixintii maareeyaha Dekada Muqdisho

Maareeyihii hore Dekeda Magaalada Muqdisho Sayid Cali Macalin Cabdulle ayaa ka warbixiyay waxqabadka mudadii uu xilka hayay, iyadoo dhowaan lagu wado inuu wareejiyo xilka Dekeda oo Maareeye cusub loo magacaabay.

War saxaafadeed ka soo baxay Maareeyihii hore Sayid Cali ayuu uga hadlay waxqabadkiisa mudadii xilka loo magacaabay September 2010 ilaa July 2012, iyadoo uu ku soo bandhigay dhamaan waxyaabihii uu ku guuleystay ee horumarinta Dekeda Muqdisho.

Hadaba war saxaafadeedka Maareeyihii hore Sayid Cali Macalin oo uu ku faah faahinayo waxqabadkiisa ayaa sida u qornaa.

Ugu horeyn Dekedda Muqdisho oo ah Dekedda ugu weyn uguna tacab dhalinta badan Dekedaha dalka Soomaaliya waxaa la furay sanadkii 1977 ha yeeshee waxaa mabda’iyan dhismaheeda la soo bilaabay 1964-tii.

Sababta ugu weyn ee Dekedda Muqdisho loogu gartay in ay ahaato mid ay maraakiibtu ku soo xiran karto (Deepwater  port) waa iyadoo ku taala meel muhiim u ah isku socodka maraakiibta  (International Shipping Route ) waxayna dhacdaa Badweynta Hindiya oo isku xirta qaaradaha Africa iyo Asia taas oo faa’iidooyin Jiqoraafiyadeed leh (Geographical Advantage).

Dekedda Muqdisho waxaa lagu maalgeliyay aduun dhan USD 12.900.000 iyo EDF grant  dhan USD 12.500.000 iyadoo lacagtaas loo isticmaalay dhismooyin hirjebiyayaal (Break Water) iyo Afar marso(Berths) iyadoo dib loo balaariyay (expanded) laguna kordhiyay marso kale iyo Bakhaaro(Warehouses).

Dekedda Muqdisho waxay ku shaqeysaa sida Dekeddaha la midka ah ee caalamka Sharciga Dekedda (Port Acts) ee hoos ku faahfaahsan.

  1. Sharciga Lambar 02 ee soo baxay 1962 oo lagu abuuray Dekedda
  2. Sharci Lambar 70 ee soo baxay 1970
  3. Sharciga Lambar 01 ee soo baxay 1971
  4. Sharciga Lanbar 63 ee soo baxay 1990

Dhamaanba sharciyada kor ku xusan waxay waajibaad iyo awood (Mandate) u siinayaan Dekedda Muqdisho in ay ku maamusho ama ku maareyso dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin gaadiidka badda ee badecadaha keena ama ka qaada Dekedda sidii si hufan looga dejin lahaa ama lagu rari lahaa.

Sida ku cad sharciyada sare ku xusan Dekedda dakhliyada ka soo gala adeegyada ay qabato (Port Services) waxaa loogu talo galay in lagu wado howlaha joogtada ah ee  Dekedda.

Nidaam ahaan Dekedda Muqdisho waxay ku shaqeysaa habka loo yaqaan (Autonomous Agencies) dakhliga soo gala iyo kharajka baxa wuxuu ku qeexan yahay documentiga rasmiga ah  ee ay ku howlgasho Dekedda iyadoo la waafajinayo hab xisaabeed saxan.
Nasiib daro mudadii dalku ku jiray fowdada Dekeddu waxay ka mid noqotay meelihii ugu nuglaa waxayna xirneyd mudo dheer oo aan la adeegsan,waxaana halkaas ku lumay dhamaan qalabkii loo adeegsanayay  Saarista iyo Dejinta (Cargo handling equipment) mana jirin wax qalab ah oo yaalay Dekedda markii maamulkaan xilka la wareegayay Sebtember 2010 marka laga reebo laba Forklifts oo aad u dayacanaa .

Waxqabadka Maamulka ee Mudadii uu shaqeynayay

Nasiib wanaag Dekeddu waxay soo iibsatay mudadii maamulkani  xilka hayay qalabka hoos ku faahfaahsan

  1. Wiish  (mobile Crane)                35 ton Capacity
  2. Forklift                                        15    ton
  3. 2 Forklifts                                     4.5 ton
  4. 1 Forklift                                       4:0 ton
  5. Power Generator                           450 Kv

Waxaana qalabkaas oo dhan ku baxday USD 300,000 Sidoo kale mudadii maamulkani shaqeynayay  waxaa qabsoomay

a) Waxaa la dhisay 530m oo ka mid ah dhulka u dhexeeya Bakhaarada iyo Break water-ka

b) Waxaa dayactir weyn lagu sameeyay gurigii hore ee Ex-Port Control Waxaana la dayactiray Kanaalada biyaha ka saara Dekedda

c) Waxaa dayactir lagu sameeyay barxadaha furan(Open air Storage) iyo Rukumada Maraakiibta lagu xiro (Polars)

d) Dib u hagaajinta Baalayaasha korontada ee Dekedda

e) Dib u howlgelin shaqaale dheeri ah iyadoo lagu saleynayo baahida Dekedda iyo Duruufaha dalka ka jira.

f) Iyadoo kaalmo laga helayo heyadaha deeqda bixiya ayaa waxaa la dhisay Dhismo cusub oo Port Control Tower oo casri ah

g) Maamulku wuxuu gacan weyn ka geystay isagoo gacan ka helaya hey’adaha Deeqda bixiya in Dekedda Muqdisho markii ugu horesay yeelato qalabka Caawiya maraakiibta ee Aids To Navigation

h) Maamulka Dekeddu wuxuu ku guuleystay in xaruntii hore ee Somalifruit oo Muddo dheer aan la isticmaalin oo burbur baaxad leh uu soo gaaray in uu Dayactir weyn uu ku sameeyay iyadoo markii ugu horeysay  la dajiyay Ergadii sharkii wadatashiga Soomaaliyeed horaantii bishii September  ee Sanadkii 2011,kaas oo guul ku dhamaaday.

Sidoo kale waxaa soo dhoweyn loogu sameeyay wafuudii qiimaha badneyd ee ka timid wadanka Turkiga, waxaa ilaa hada degan Gudiga madaxbanaan ee diyaarinta Distuurka iyo marti kale oo muhiim ah.
i) Iyadoo la fulinaayo baaqii madaxda sare ee dowladda ee aha in dhamaan hey’adaha dowladdu gurmad gargaar ah la gaaraan dadkii abaaruhu ka soo barakiciyeen gobolada dalka oo markaa ku sugnaa xeryo magaalada ku yaala wuxuuna maamulku bilaabay in uu gurmad la gaaro iyadoo ay ku qaadatay mudo lix bilood ah oo cunno diyaarsan(hot meal) la gaarsinayay Xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Muqdisho,taas oo run ahaantii  Wax weyn ka qabatay xaaladii markaa jirtay oo Emergency aheyd.

Dhinaca Shaqaalaha

Maamulka dekeddu wuxuu dib u habeyn tii ugu balaarneyd uu ku sameeyay Guud ahaan shaqaalaha dekedda iyadoo shaqaalaha hadda ka shaqeeya Dekedda ay tiradoodu dhan tahay  287 qofood oo ka kala howl gala qeybaha Kala duwan sida  Maareeynta,Qeybta xisaabaadka,qeybta Saarista/Dejinta, Qeybta Sheegashada,Qeybta G/Farsamada,Qeybta Waaxda Badda,Pilotage Mooring-man, G/Nadaafadda, Nabadgelyada, Joornayeeri, Port security.

Tababarada Shaqaalaha (Training )

Iyadoo la kaashanayo hey’adaha UN-ka ayaa waxaa tababar dibadda ah loogu diray qaar ka mid ah shaqaalaha Dekedda kuwaas oo soo dhameystay Seminaro si sare loogu qaado aqoontooda shaqada (Capacity building).

Dhiirigelinta Shaqaalaha (Incentives)

Iyadoo maamulkaan uu u arkayo in shaqaalaha Dekeddu yahay hantida ugu     muhiimsan ayuu wuxuu xooga saaray sidii niyadooda sare loogu qaado waxaana mudadii uu maamulku waday howsha uu u sameeyay qoondo dhiirigelin ah oo shaqaalaha guud ahaan ay qaataan bishiiba laba jeer oo ka dheeri ah gunada ay qaataan taas oo runtii niyadda shaqaalaha sare u qaaday .
Sidoo kale waxaa sare loo qaaday dhamaan gunooyinka shaqaaalaha Dekedda ee ka hooseeyay $100 iyadoo laga dhigay $100 meesha ugu hooseysa gunada laga qaato Dekedda bishiiba(Minimum basic wages) .

Dhinaca Amaanka (Security)
Dhinaca amaanka Dekedda oo ay gacanta ku hayaan hey’adaha amniga ku shaqada leh,maamulka Dekedda markii uu arkay baahida jirtay oo in la adkeeyo amaanka Dekedda gacan buuxdana lagu siiyo hey’adaha ku shaqada leh ayaa waxaa maamulku dhisay albaab cusub oo lagu kordhiyay kii hore ee Dekeddu laheyd kaas oo loo dhameystiray dhamaanba wixii ay u baahnaayeen ciidamada ka howlgalayay iridda cusub(New Gate).

Sidoo kale waxaa la dhisay albaab kale oo loo dhisay dhismaha xafiisyada Dekedda iyadoo loo dhamaystiray tisiilaadkii ciidamada amniga ay u bahan karaan .

Mamulka Dekeddu wuxuu laba gaari u iibiyay hay’adaha Amniga ee Booliiska Dekedda iyo Nabadsugidda Dekedda.

Kaalinta Ciyaaraha ee Dekedda (Sports)
Dekedda Muqdisho waxay kaalin firfircoon ka qaadataa Sportiga dalka iyadoo ay u dhisan yihiin naadiyada ciyaaraha kala duwan sida kubadda cagta iyo Kubadda kolayga(Basket Ball) iyo Kubada Gacanta (Hand ball)  iyadoo ay xusid mudan tahay guushii kooxda kubadda kolayga ee Dekedda ay ku qaadatay koobkii horyaalka 26aad wiilasha Seria A ,waxay kaloo kaalinta labaad ka gashay Kubadda gacanta (hand Ball).

Sidoo kale kooxda kubadda cagta ee Dekedaha waxay ku guuleysatay koob loo maaamuusayay marxuum Cabdulqaaadir yaxye
Guud ahaan Badeecadii soo degtay & Gadiidkii loo khidmeeyay.

Guud Ahaan Gaadiidkii iyo Badeecadii  ka soo degtay Dekedda Muqdisho intii maamulkaan shaqada hayay oo ka soo bilaabata Sebtember 2010 ilaa July 2012 waa  Sidan

1)Tirada Maraakiibta loo khidmeeyay waa         306 Markab        Mv

2)Tirada Doomaha loo khidmeeyay waa              572 Doonyood   Msv

Isu geyn Doomaha iyo maraakiibta         878  Msv/Mv

Guud ahaan Badeeecada la dejiyay mudadii maamulkaan uu shaqada hayay oo
Ka soo bilaabato Septeber 2010 ilaa July 2012 marka laga reebo containerada waa.

Total cargo handled at the Port (excluding Containers) waa 1,546,422 tonnes  oo isugu jira  G/cargo, Bulk- cargo& Liquid Cargo.
Dhakhliga Canshuuraha ee Wasaarada Maaliyada uga soo xarooday

Mudadii maamulku shaqada hayay waa sidan.
Bilihii  September, October, November, iyo December ee sanadkii 2010
Waxaa ka soo xarooday dakhli dhan                                                                       USD   6’445’763.00
Sanadkii 2011 waxaa ka soo xaroday dakhli dhan                                                USD 12’774’363.00
Bilaha  Janaury,February,March & April ee sanadka 2012                                USD  8’901’894.00
Bilaha May ,June iyo july ilaa hada Sanadka 2012                                              USD  4’382’719.00
————————————————————————————————-
Isu geyn dakhliga W/Maaliyada ee mudadii u dhexeysay
Sebtember 2010 ilaa July 2012   waa                                                                      USD 41’306’604.00

___________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 24, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.