Amaanka Muqdisho oo aad loo adkeeyay

Magaalada Muqdisho ayaa amaankeeda maanta aad loo adkeeyay, waxaana jira Ciidamo gaar ah oo jooga Wadooyinka, kuwaas oo baaraya dadka iyo gaadiidka, waxaana Xiran wadadii ka tagi jirtay KM4 ee tagi jirtay xarunta iskuul Buluusiya taas hoh mari jirtay Dekada magaalada Muqdisho.

Amaanka ayaa la adkeeyay waxaana baaritaanada ay ka socdaan ilaa saddex koontarool, sida Wadada Maka Al-Mukarama oo ay Ciidamada dadka ka dajinayaan gaadiidka baarayaana, waxaa sidoo kale baaritaan ka socdaa Isgoyska Dabka, halkaasoo haweenka saaran gaadiidka gooni loo baarayo, halka raggana la baarayo.

Ciidamada amaanka ayaa dhalinyaro gaadiidka kala dagay Kuwaas oo si gar ah u baaraya, waxaana goobta sadaxaad ee baaritaanka ka socdo ay tahay agagaarka Isgoyska Sayidka oo gawaarida yar yar iyo kuwa dadweynaha ee BL-ka si adag loogu baarayo, waxaana dadka lagu baarayaa xaruntii dam damiska ee Ciidamada Booliiska OTO OTO.

Sidoo kale marka laga reebo baaritaanadaas ayaa waxaa jira baaritaano ka socdo, wadada Afisyooni ee gasha iskuul Buliisiya oo ah goobta uu shirka ka socdo, waxaana la xiray sidoo kale wadada ka timaado Via Liberia ay ka leexaneyso Suuqa Beerta, siina mareysa Buundooyinka.

Saraakiisha ammaanka dowladda ayaa sheegaya in suura gal tahay in Al-Shabaab ay abaabulaan weeraro, hase ahaatee isku daygooda uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraradaas.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login