Wakiil ka socday Ururrada ardayda iyo ganacsadata Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka gaar ahaan Magaalada Minneapolis ayaa maanta gudoonsiyay Shahaado sharar safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameerika).
Cali Mahdi oo wakiil ka ahaa ganacsatada iyo ardayda Soomaaliyeed ee Magaalada Minneapolis ayaa sheegay in wax qabadka iyo kartida uu muujiyay safiirka ku muteestay shahada sharaftaasi .

“Waan idinkaga mahad celinayaa ardayda & ganacsatada reer Minneapolis sidaad ii sharafteen, waxaana idiin ballan qaadayaa inaan sii laba-laabo u shaqaynta ummada Soomaaliyeed oo ah waajib i saaran”, ayuu yiri danjiare Ameeriko.
Ugu danbeynti wakiilka ka socday ganacastada iyo ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa safiirka ku booriyay in uu wax qabadkiisa muuqda halkiisa ka sii wado.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login