Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyey amniga degmadaasi xilli shalay uu ka dhacay qarax miino.
Guddoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Maxamed Maxamuud Xaadoole oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in amniga degmada Balcad uu yahay mid wanaagsan.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in qarax shalay ka dhacay degmada uu ahaa miino ku qaraxday meel aan cidina joogin, waxaana uu sheegay in aysan ka dhalan khasaare ah.
Ugu damyntii Guddoomiyaha degmada Balcad Cusmaan Maxamed Maxamuud Xaadoole waxa uu dadka degmadaasi ku dhaqan ugu baaqay in ay amniga kala shaqeeyaan sidii Ciidamada Dowladdu si ay u xaqiijiyaan amniga guud ee degmada Balcad.
Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhowaan gashay gacanta Ciidamada Dowladda iyo AMISOM kadib markii ay kala wareegeen Al shabaab.
Share on Facebook
![]() |
Socialize