Shirka Ansixinta dastuurka oo soconaya muddo sagaal cisho ah ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen boqolaal ergo ah, madaxda dowladda iyo xubno ka socday beesha caalamka. Madaxda ugu sareysa dowladda ayaa khudbado xasaasi ah ka jeediyay shirka, iyagoo guul weyn ku tilmaamay shirkan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Dastuurka qabyo qoraalka afti qaran loo qaadayo, marka la xureeyo dalka oo dhan, isagoo xusay in Ergooyinka ay si KMg ah u ansixin doonaan.
Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay in Dastuurkan uu ka turjumayo mustaqbalka Soomaaliya, kaasoo xusay inuu ka mid ahaa qodobka ugu muhiimsan ee qorshaha qariirada nabada ee Road Map-ka ee tubta nabada Soomaaliya.
“Dastuurkan waxaa uu ka turjumayaa mustaqbalka umada Soomaaliyed, waa qodobka ugu muhiimsan ee Road Map-ka, Dastuurka waxaa ansixinaya ergooyinka, afar sano kadib waxaa afti u qaadaya shacabka marka la xoreeyo dalka oo dhan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Gaas.
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Agoustine Mahiga ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, isla markaana ay tahay farxad inay kulan ku qabtaan Muqdisho, isagoo xusay in labadii sano ee hore ay xaalada intan ka duwaneyn.
Mahiga ayaa u mahadceliyay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo suura geliyay ammaanka goobta shirka lagu qabanayo, isagoo soo qaatay Agosto sanadkii 2010, markii u horeysay oo uu Soomaaliya yimaado kulan Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynaha ay dhagahiisa ku soo dhacayeen dhawaqa hub kala duwan oo ilaa todobo nuuc ahaa.
Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in shakiyo kala duwan laga qabay Road Map-ka, balse haatan uu gabo gabo joogo, isagoo cadeeyay inuu ka soo bilowday Kampala Accord, waxaana uu u mahadceliyay dhinacyada Siyaasada Soomaaliya ee ka qeyb qaatay qorshahan.
Shariif Xasan ayaa sheegay inay farxad u tahay in maanta loo fadhiyo ansixinta dastuurka, taasoo uu xusay inay muujineyso sida looga soo gudbay marxaladihii kala duwanaa, waxaana uu u mahadceliyay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dalalka deriska deegaanada ay gacanta ku dhiteen.
“Marka ugu horeysa hadii dastuurka la ansixiyo Soomaaliya dhibaatada waa ka baxeysa, waa inaa is cafiyaan oo umada Soomaaliyed midnimadeeda iyo qaranimadeeda sidii lagu soo celin lahaa aan ku dadaalno”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka ayaa sheegay in maalin taariikhi u tahay oo la helay fursad weyn in maanta loo fariisto ansixinta Dastuurka, isagoo tibaaxay in wixii shalay ka horeeyay ay riyo ahaayeen.
“Maanta waxaa farxad ah inaan u fadhino Dastuurka, waa maalin taariikh ah, Dastuur la’aan dowlad lama ahaan karo, dastuurka wixii qaldan waxaa la rabaa inaad is garataan inaad calaamdeysaan, si baarlamaanka soo socda uu wax uga bedelo”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo u mahadceliyay dhamaan dhinacyadii ka qeyb qaatay qorshaha geedi socodka nabada.
Inkastoo shirka maanta ahaa mid furitaan kaliya, hadana qaabka shirka ayaa ahaa mid diyaar garow ballaaran ka muuqatay, waxaana berri la filayaa in la guda galo doodaha qodobada dastuurka oo dhinacyada ergooyinka ay ka munaaqashoon doonaan.
Ammaanka shirka ayaa ahaa mid si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ka qeyb galayaasha ay ahaayeen kuwo ku galayay kaararka aqoonsiga oo marsiinayay baaritaan suulka ah oo kaarka aqoonsiga ka soo baxayay, taasoo ah mid aan horay loo arag, qaabka abaabulka shirka uu ahaa.
____________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
ARRINATAAN WAXEY TAHAY ” ANNAGA AYAA KARSANEY RAASHIINKAAN, ANNAGAANA CUNEYNO” KKKKK.
WAA QORSHE AY HORE U SOO DEGSADEEN TFG, AMISOM, IYO UNPOS INEY KU SII NAGAADAAN OO AAY SII KORDHISTAAN WAQTIGOODA, KANA FAA’IIDEYSTAAN BUR BURKA IYO MUGDIGA AY KU JIRTO SIYAASADDA SOMALIA.
WAX MA GARATADA SOMALIYED WAXAAN U SHEEGAYAA HADDII AY FAHMI WAAYAAN ARRINTAAN INEY ISKA AAMUSAAN OO AY LA HAYSTEYAAL U AHAADAAN SEDDAXDAAN QOF EE TFG , UNPOS IYO AMISOM, HADDII KALENA AY U KACAAN XUQUUQDOODA SIYAASADEED SOONA DHACSADAAN SI WAAFAQSAN DIMOQRAADIYADDA , WAA HADDIIBA AY JIRTO WAX LA YIRAAHDO DIMOQRAADIYAD.