Wasiirka arimaha Gudaha Wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka odayaasha dhaqanka qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada ayaa ku sii Qul Qulaya xarunta iskuul Buluusiya oo daqiiqada soo socda.
Amaanka ayaa aad loo adkeeyay ergooyinka ayaa halkaas gaaraya, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in la ansixiyo dastuurka.
“Odayaasha dhaqanku waa bilaabeen soo xulista Baarlamaanka cusub, balantu waa 30-ka bisha in lasoo bandhigo liiska magacyada Xildhibaanada, 31-da bishana waxaa lagu wadaa in dhaariyo Baarlamaanka cusub” ayuu yiri wasiiru Dowlada dastuurka iyo dib u heshiisiinta Xassan Maxamed Jimcaale.
Sidoo kale shirka ansixinta dastuurka ayaa sadax jeer dib u dhacay, waxaana lagu wadaa in la Xulo baarlamaanka lana ansixiyo dastuurka maalmaha soo socda.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login