Danjire Cadow Musharax u Taagan Samatabixinta Shacabka Soomaaliyeed…

Danjie Cabdulaahi Axmed Cadoow
Danjire Cadow Musharax u Taagan Samatabixinta Shacabka Soomaaliyeed, xiisana u yeelaya tartanka doorashada Madaxweyanaha Soomaaliya (Faallo )…Waxaa soo Gaaray Muqdisho Musharaxa ugu Tunka weyn Raga u Taagan 20ka Ogosto 2012 Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya Danjie Cabdulaahi Axmed Cadoow oo Hadal Heynta Doorashadiisu Saameyn weyn ku leedahay shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo ku dhawaqaya sanadkaan waa Sanadkii ina Cadoow, iyo waa musharax u qalma inuu Noqdo Madaxweyanha Soomaaliya Maadam 2 jeer oo Horwe loga qaaday faro cididood Sanadihii 2000 iyo 2004ta oo ay ku guuleyteen jagada Madaxweyanaha Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Alaha u Naxariistee Marxuum Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxaan xusid mudanin 2 goor ee laga badiyay danjire cadoow aan looga badin si sahal ah balse La isku Xakaaray aadna loo loolamay.
Musharaxa Ruugcadaaga ku ah Siyaasada Soomaaliya xilal kala duwana ka sooq abtay dowladihii Soomaaliya aya Markaan waxaa ka Goan inuu Nafta dul dhigo sidii uu ugu Guuleysan lahaa Jagadaan oo Taagerayaal Fara badan oo uu leeyahy u sii saadaalinayan inuu Markale isku soo Tagai doono Finalka kuan guuleysan doono Jagadaasi.
Danjiraha oo maanta Diyaar garow weyn looga sameeyay soo dhaweyntiisa Magaalada Muqdisho ayaa Rajo wanaagsan ka qaba inuu xilkaan Igmado 2012ka isagoo taageerayaashiisa ugu bishaareynaya in Rajadiisu 100% wanaagsan tahay.
Dooro dajiraha siina Codkaaga hadii aad tahay xildhibaanka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka ah waa mid ay ka Filyaan shacabka Soomaaliyeed inay codkooda siiyaan Xildhibaanada Soomalaiyyed Musharaxaan Cabdulaahi Axmed cadow oo ah siyaasiw aayo arah u ah Xaalada Soomaliya isla Markaana dhiig cusub u horseedi kara shacabka soomaaliyeed si ay uag Baxaan Dhibaatada la degtay 22kiis ano ee tagay.
Danjire Cadoow oo ka soo jeeda Gobolka Mudug waa siyaasi degan oo ka fiyoow Qabyaalada waxaan ka goan hadii uu ku guulesyto Jagadan in Umadda Soomaaliyeed uu ku Maamulo Cadaalad iyo sinaan.
Soo Rogaal celinta Cabdulaahi Axmed Cadoow ee Tartanka Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya waxa ay quus galisay ayaa la oran karaa Musharixiin is bidayay inay durbabab Tirsadaan dhibcaha codeynta Meel cidlo ahna ka qaataan Madaxweynenimada Soomaaliya waxaaan musharaxa Cadow uu xiiso Gaara u Yeelay Taratnka Codeynta Madaxweyanha Soomaaliya ee Xildhibaanada Cusub ay ku dooran dooanan Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa Diyaariyay
_________________________________________________________________
Share on Facebook
Other Interesting posts:

Posted by
Uurdoox
on July 27, 2012. Filed under
Warka Maanta.
You can follow any responses to this entry through the
RSS 2.0.
Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.
Socialize