W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka) - Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?
Waxeeyna igu tiri ayadoo ooyneeysa:” Wixii dhacay waa danbigayga. Anigaa rumeystay ninkaas beentiisa, anigaa galay tartan qaldan. Ma ogid waxa igu dhacay! Mana qiyaasi kartid. Anigoo maalin cad jooga, nin awoodiisa iyo maalkiisa hadii uu hami i gelshay soo aniga ma ahan qofta dilan oo is dagtay? Xaaskiisa waa i dhibtay, heer waxeey gaartay aan ka fadhiisan waayo, habeenkii ka seexan waayo, howl uun ii dirto ilaa aan daalay, waadna ogtahay meel aan ka aadi karo ma jiro, oo lacagta aan ku shaqeeyo aniga reer dhan oo shan cunug ka kooban ayaa lagu biilaa.
Sikastaba qisadayna waxay ahayd mid bilaabatay galab qurux badan oo aan kaligayga joogay guriga kuna soo laabtay axmed guriga mar uu ayada iyo caruurteeda ku soo hubsaday guriga walaasheed. Waxuu ii sheegay inuu i jecelyhay, igana rabo mustaqbal, iina guursanaayo, xaaskiisana uu shaqaale kale u raadinaayo si ay u fududaato in aan is guursano oo aniga guri ii dhiso. Waligay ninkaas maalinkaas ayaa igu horeeysay, ka hor ma jeclaan jirin fiiradiisa, laakiin hadane mid dareen igu dhalisay ayeey aheeyd. Jawaab la’aan ayuu farahiisa ila soo galay, waana ka cararay oo isku soo xiray qolkayga.
Malmihii ku soo xigay waxeey ahaayeen kuwa aad u xun, oo runtii ii diiday in aan tago meel uu joogo, oo gabadha la dhalatay asaga ayaan ka codsan jiray in ay raashinka u geeyso ayaga iyo caruutooda, si aan u arkin. Madaama aan ka cabsaday in fiiradiisa gaarka ah xaaskiisa ka shakiso. Sadax maalmood kadib ayuu iigu soo galay kushiinka xili danbe, oo isku kay dhejiyay, ma garanin waxa uu rabay, oo inta iska fujiyay soo aaday dhinaca albaabka, waxaa nagu soo gashay xaaskiisa oo dabcan maqleeysay hadalkiisa, xanaaqa haayay darteedna inta i kala tuurtay asigiina qaylo iyo caay iskugu dartay.
Waxuusa ku qanciyay anigoo maqlaayo inuusan dan iga laheeyn, oo ay ayada been istustay, gabar xun oo shaqaale ah oo uusan xataa la tunteen iska dhaaf inuu jeclaadee. Habeenkaas ma seexanin, waxaan jecleystay in la i waayo, oo dhulka i laqo aniga dhan maxyeelay waxaa ii cadaatay in danta uu iga laha aheeyd ila tumasho. Taas oo aan runtii hada sii fahmaayo madaama ay xaaskiisa uur laheeyd, dabeecad xumo iyo dagaal joogta ah oo qofkasta ee gurigaan ku nool dareemi karay ka dhaxeeyay.
Waxaa laga yabaa xataa inuu is lahaa ka maseersii oo ha kaa deeyso dhibka, nolosheenii lamaanana ha soo laabato ileen baahidiisa nimeed ayaa ku dhuntay walaceeda. Laakiin nasiib daro waagii ayaa ii baryay anigoo nool, aqoonin si aan gabadhii islaameed oo ninkeeda mooday in aan aniga ka kufsanaayay ula kulmi doono.
Subaxii markii la kala tagay, waa baxay oo adeeg ayaa doonay, waxaana imid ayadoo qaylineeyso oo leh: “ Ninka oo kaliya hadii aad iigu simi laheeyd waa fiicnaan laheeyd, laakiin hadane maalkaygii ayaad u timid, dahabkaas meeqo lacag ah ayuu joogaa ma taqaanaa? Taajir ayaaba tahay, ma aqaano waxa ku soo celshay waa malakulmawkaadii ayaan filaa? Naayaa ii sheeg meesha dahabkaygii aad gashatay..” Oo inta igu soo booday aniga iyo adeegii aan waday isku keen kor daadisay. waxaa yimid wiilka ilaaliyaha ah oo iga celshay, ahbiyayna, anigii ii dhaariyay, wax ay ku qanacdo waa la waayay oo aan aheeyn in ay aniga i disho. Waxeey wacday ninkeedii oo yimid asna asigoo kacsan, oo dhinaciisa iga caayay, waxeeyna shaqaalaha u ah ilaaliyayaasha u amartay in ay i dilaan ilaa aan u sheego meesha aan geeyay dahabkeedii. Axmad waa maqlayay, waxna kama dhihin, cabsi ku jirtay dartiis ayuu u beenshay waxkasta oo ii sheegaayay aniga.
Markaan ayaan xaqiiqsaday in aan dilanahay. Maxaayeelay dahabka ay igu sheegatay ma qaadadin, qof iga bixin karane ma jiro, oo waalidkay waa dad faqri ah, oo waxa aan aniga ugu shaqeeyo cidaan ka dhigta biil bishii dhan. Aabahayna waaba nin iska xanuunsan, oo dhaawac dagaalkaan soo gaarsiiyay ka dhigay cuuryaan maadaama uusan heeysanin wax daaweeya, oo xanuunkiisa iskala noolyahay. Asbuuc ayeey nimankaas qoray baadkiisa igu garaacaayeen, ayadane inta imaato igu qososho baxeysay, mararka qaarna inta soo waddo Axmad ku laheeyd: “ Naagaha tuugada ah nimanka mooda in ay dumarka kale la qiima yihiin damiirkooda maxaa ka qaldan? Sidee ku dhacee in adigoo gabar xor ah qabo, in aad hamisid mid shaqaale ah?”
Amran kibirka ay igu heeysay, jir dil iyo bahdil buuxda ayeey iigu dartay. Xataa waxaa u timid hooyaday oo ku kor ooysay, inta ku qososhay ayeeyna ka tagtay, oo warkeeda ma maqlin daqiiqad , maxaayeelay waxa ay igu sheeganeysaba waxba kama jiraan. Dahabkeedaa ma arkin, ee maseer ayaa haayo, jaceylka ay ayada ninka qumayga ay la nooshahay ka weeysay in qof kale qaato ayeey diidantahay…” Niyada ayaan is iri: Tolow indha adkaa gabadha nin aan jecleen guursatay hadane ninkaas dartiis gabar kale u cadaabeeyso soo Illaah arki maayo danbigeeda, oo kama aargoosan doono? Tan kale ninkaan baas ee la ilaalinaayo soo ma ahan kan maalin uun taga? Soo ma ahan ninka raaca gabar oo jecelahay kor iyo hoosba? Alla doqonsanaa!» Waxeeyn tiri ayadoo sii waddo sheekadii: « Laakiin adiga walaaleey maxaa ii badbaadisay? Yaa bixinaayo lacagtaan la igu daaweeynaayo? Xataa hadii aan reeysto xagaan ka keenaa dahabkii ay igu heeystay dumaashidaa, soo la igama rabo in aan baxsho hadii kale sidaan ayeey ii dileeysaa mar kale…. In aan dhinto ayaa ii fiicneed oo foolxumadaan ka tago… ma aqaano waxa nafta iga bixin asbuucaas oo dhan, laakiin waa hubaa gacan baniiadam in ay i disho maahane malkulmawd iima naxariisan doono oo nafta igama qaadaayo!” Ooyinta ay ooyneeysay iyo mida aan aniga iyo ninkayga wada ooynay, tayda ayaa badneed eray kama so bixin ilaa ilin ayaa ka daadaneeysay maahane.
Ninkayga ayaana ku yiri: “ Dahab kuuma qabsan karto, isbtaalkaan iyo daawooyinkaana cid kaama rabto bixintooda, anagaa bixineeyno, ee is jir, kana yeel dhaqaatiirta waxkasta oo ay kuu sheegaan.. muhiimada waa caafimaadkaaga walaal!” Sadexdii bilood ay isbitaalka jiiftay kadib iyo dhibaatadii badneed ayaan ugu sooo galay ayadoo kaligeed ah oo ay u shidantahay hees ay ku luuqeeyso hada Fartuun Birimo oo miraheeda ay ka mid yihiin: “Anoo noole kuu jecel. Haddaad raacday naag kale., Nafta aad wadaagteen. Waa naruuro beeshee, Aan is nabad gelyeynee, Maxaad iigu soo noqonee amaad iigu naaloonee, Nuxurkaaga iga guur.!” Waxaana ku iri: “ Iyaah! Sheeko aa ii dhaaftay, yaa waaye ninka sidaan loogu hanjabaayo?” Waxeeyna ii dhiibtay warqad ayadoo qosleeyso……………………
Aqriste la soco qaybta sideedaad ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!” .
Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji emailkaan:
samsam_1989@hotmail.com – 20/07/2012
W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)
__________________________________________________
Share on Facebook
British Somalis going back for a future
Dhaca Gawaarida oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.. ...
Xil-doon Mise xoolo-doon - Xurma-doon Mise Xal-doo...
Number 9-ka Qaranka Isbeyn Torres oo ku Guuleysta...
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u diraya hambal...
Sheekh Shariif oo si kulul uga jawaabay hadalkii W...
Gaashaaanle sare Maxamed Xusen "Xabsiga dhexe...
We, Somalis Deserve this Man's Service
Biljinka oo qabqabtay rag Shabab ay uga shakiyeen
Caruur Muqdisho shuban dartii u geeriyooday
Cali Dheere ' Hey'adda ugu sareysa dalka waa AMISO...
Sakeriye iyo Cabdiweli u Gargaar Waa Laba Wiil oo ...
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
| Site Admin |
| Qaranimo on Facebook |
| Entries RSS |
| Comments RSS |
|
| Copyright @ 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved! |

Asc dhamaan wlhi waa sheko cajiib ah masha allaah ifka thanks ramadaan kariim =====
waa sheeka xanuun badan ee noo soo dhamasytir ifrax adoo mahdsan