Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho daladaha waxbarashada ee dalka Soomaaliya ka jira ayaa waxa ay kaga soo horjeesteen go’aan kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada dowladda KMG oo ku aadanaa in ardeyda dugsiga sare ay qaataan shahaadooyin ay soo saartay Wasaaradda taa oo qalqal ku keentay kumanaan arday ah oo dibada wax barasha u aadi laheed kuwaa oo ay xayirtay wasaarada waxbarashada oo diiday in ardayda ay qaataan shahaadooyinka dalladaha ay hoostagaan iskuulada ay dhigtaan.
Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiyaasha Dalladaha waxbarasho ayey gaashaan uga daruuray go,aanka wasaraada waxbaashada dowlada KMG oo ay ku joojineeysa shahaadooyinka ay bixiyaan dalladaha waxbarashada , iyagoo sheegay mudo 21 sano ah ay jireen dalladaha waxbarasho oo dadaal badana ay ku bixiyeen sidii wax loo bari lahaa ardeyda Soomaaliyeed, waxaana ay sheegeen in Shahaadada dowladda aan laga aqoonsaneen Caalamka manhaj mideysana aysan gacanta ku heyn dowladda oo ay arrintaana ay qeyb ka tahay dabin daabyada dowlada ay ku heeysa shacabka Soomaaliyeed.
Dalladaha waxbarashada ee ka howlgalla Soomaaliya ayaa dowlada KMG ku eedeeyay in ay u soo jeesatay in ay burburiyaan mustqabalka ardayda Soomaaliyeed iyagoo fulinayaa ajanda loo soo dhiibay oo lagu naafeeynaya waxbarashada Soomaaliya oo 10-kii sano u danbeeysay hormar weyn laga dareemayay.
Go,aankaan ay dowladda ku soo rogtay ardayda ayaa qalqal galiyay kumanaan arday oo wax barasha u aadeeysay dibadda oo ay dowlada xayirtay , iyadoo marmarsiya kaga dhiganeeysa in ay qaadan shahaadada wasaarada wax barashada oo aan caalamka laga aqoonsaneen.
Wasiirka waxbarashada ayaa horay loogu eedeyay in uu iibasaday deeqaha wax baraashada ee dowlada ay ka heshay dibadda.
Hadaba Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadatay go’aanka ay ku sameysay shahaadooyinka kadib markii Caalamka ay ku jahwareereen shahaadooyin kala duwan oo ay wataan Ardeyda u waxbarasho tagta dalka dibadiisa , waxaana dad badan isweydinayaan waxa dowladda xilligaan kala guurka ah ay qalqal u galineeysa mustaqbalka arday badan oo Soomaali ah , iyadoo arintaan ay saameeyn ku yeelatay kumanaan arday oo sanadkaan ka qalan jabisay iskuulada Magaalada Muqdisho.
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize