DKMGS oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wado Gedo

Saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay inay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada Dowlada ee ku sugan Gedo iyo Jubbooyinka.

Aadan Shire Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowlada ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ugu magac dareen howlgalada dib u xoreynta Gobolada Jubooyinka,meel wanaagsan ay marayaan sida uu shaaciyay.

Wuxuu sharaxaad ka bixiyay dagaalo shalay ka dhacay deegaano ka kala tirsan Badhaadhe iyo Baardheere isagoo sheegay inay gaareen deegaano dhowr ah oo horay Alshabaab ay ujoogeen.

Aadan Shire Rufle, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan Alshabaab ilaa ay ka saarayaan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Dhanka kale Sarkalkaan ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa sheegay inay dhawaan gaari doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ,oo ay wadaan diyaar garow ku aadan gaaritaanka Kismaayo.

Magaalo xeebeedka Kismaayo waxaa gacanta ku haya Ururka Alshabaab,waxaana Alshabaab ay sheegeen inay difaaci doonaan weerar kastaa oo kaga yimaada Dhanka Dowlada kuna aadan qabashada Kismaayo.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.