Barakacayaasha degmada Deyniile oo cabanaya

Gudoomiyaha Degmada Dayniile Daahir Xasan Xuseen oo saxaafada kula hadlay xarunta Degmada ayaa sheegay in dadka barakacayasha ah ee ku sugan degmadasi aysan helin wax gargaar ah mudooyinkii dambe.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay jiraan gargaar dadka lasoo gaarsiiyay laakiin wuxuu xusay in dadka barakacayaasha ah aysan ku filneyn waxyaabaha soo gaara,maadaama lagu gudo bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale wuxuu shegay in degmada Dayniiile aysan ku oolin goobo lagu kariyo raashiin oo dadka barakacayasha ay kasoo qaataan ,marka laga reebo hal jiko oo weyn oo uu sheegay inaysan dabooli karin waxyaabaha lagu kariyo dadka ku dhaqan Degmadaasi.

Daahir Xasan Xuseen,Gudoomiyaha Degmada Dayniile ayaa ugu baaqay hayadaha Samafalka iyo dadka wax heysta inay gargaar lagaaraan dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Degmada Deyniile.

Wuxuuna xusay in loo baahan yahay in la afuriyo dadka barakacayaasha lagana faa’ideysto bisha barakaysan ee Ramadaan.

Hadalka gudoomiyaha Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya iyadoo maalintii shalay maamulka Degmada Shibiska iyo kan Gobolka Banaadir ay eedeeyen hayadaha gargaarka islamarkaana ay sheegeen in hayaduhu ay raashiin gargaarka ku xareystaan bakhaaro dadkana ay ka baahan yihiin.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login