Calanka Soomaaliyeed oo ka dhexmuuqday London 2012 Olympic!

Calanka quruxda badan ee Soomaaliya ayaa si weyn uga dhex muuqday furitaanka tartanka Olombikada Aduunka oo ee lagu qabtay magaalada London ayadoo astaanta Calankeenana goobtaasi lagu garaacay.

Inkastoo astaanta calan ee dalalka ka qeybgalaya tartanka Olombikada Aduunka goobtaasi lagu garaacay hadana waxaa si gaar ah xusid u mudan iney tani ka dhigantahay sharaftii iyo heybadii aynu ku laheyn caalamka ee aan horey u burburinay ay soo laabatay maadaama 21 sano kadib aynu dib ugusoo laabanay fagaarayaasha Caalamka.

Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan waxey isha ku wada hayeen shaanshadaha caalamka gaar ahaan kanaallada Sportiga baahiya ayaga oo dhowrayey iney mar uun arkaan Calankeenna quruxda badan oo calammada caalamka fagaaraha furitaanka Olombikada Aduunka ee London kala muuqda,astaantii qarankeenana la garaacayo.

Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo uu dhiiragelinayo lana socdo orodahanka magaca iyo sumcadda Soomaaliya usoo hooyey ee Cabdi Bille Cabdi ayaa kasoo muuqday fagaaraha uu ka dhacayey hab maamuuska furitaanka tartanka Olombikada Caalamka waxaana xiliga ay socodka ku marayeen fagaaraha goobta looga garaacay astaanta calankeenna ayadoo telefishinnada caalamka oo idilna si toos ah looga daawanayey.

Waa mid muwaadin walba oo Soomaaliyeed dhaqaajineysa damiirkiisa marka uu Calankiisa ka arko shaanshado uu in mudo ah dalkiisu ka maqnaa shakina kuma jiro in dad badan oo aanay horey dareen gaar ah u geli jirin marka ay arkaan astaan dal calan oo loo istaagayo fagaare la mid ah fagaaraha furitaanka Olombikada ee London uu hada dareen galay kaasi oo lagu tilmaami karo iney ogaadeen iney kasoo jeedaan dal jira oo leh Dowlad.

Waxaa xusid mudan in baraha Internetka ee lagu kulmo sida Facebook iyo Twitter ay si aad ah durbadiiba ugu baaheen muuqaallada iyo sawirrada ka turjumaya halka ay heybadda iyo sharafta Calankeenna gaartay taasi oo ay dhamaanba dadku isugu hambalyeeynayeen.

 

______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 28, 2012. Filed under Ciyaaraha, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login