Ilaa 52 garsoore oo ka howlagalaya Gobalada dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu dhaariyay xaflad ka dhacday Magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo goobta lagu dhaarinayay garsoorayaasha ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in lama huraan ay tahay in garsoor uu yeesho dalka islamarkaana loo baahan yahay in garsoor uu dalka yeesho.
Wuxuu sheegay in garsoorka uu yahay mid muhiim u ah dalka marka loo eego shaqada dowladda islamarkaana sababta ka dambeysa in garsoor la magacaabo ay tahay baahi timid.
Munaasabadan maanta lagu dhaariyay Garsoorayaasha cusub ayaa waxa ay kusoo aadaysa xilli burburka dalka ka dhacay uu saameeyay garsoorayaasha dalka.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login