Waxaa maanta Albaabada u furmay Shirka lagu Ansaxinaayo Dastuurka cusub ee uu yeelan Doono Dalka kadib markii Shirka uu hakad galay maalintii shalay sababa la xiriira amaanka awgiis
Waxaa maanta si aan horay looga baran loo adkeeyay amaanka Goobta Shirka uu ka dhacaayo, iyada oona lagu soo waramaaya in Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ay Codsadeen in si fiican loo adkeeyo amaankooda
Dhanka xiga waxaa cabasho kasoo yeereyso Ergada Mataleyso maamulka Somaliland oo iyagu ka cabanaayo dhaqaala la’aan waxa ayna carabaaben in Codkooda ay gaarsiiyen Xukuumada iyo waliba Gudiga loo xil saaray Shirka
Si kastaba ha ahaatee Shirka ayaa looga cabsi qabaa in ay isaga baxaan Odayaasha dhaqanka ee ka kala socda Somaliland,Puntland kuwaasoo Dood ka qaba Habka uu ku socdo Shirka Ansaxinta waxaana xusud mudan in arintaasi Xukuumada Somalia ay u xil saartay Guddi
Ugu danbeyntii Suldaan Xusein Aadan oo kamid ah Salaadinta Puntland Ayaa warbaahinta Markonews u sheegay in ay isaga bixi doonaan Shirka hadii aan wax laga qaban Qaabka uu ku socdo Shirka waxa uuna sheegay in aan dhag jalaq loosiin Codsiyadooda ay u gudbinaayan Dowlada
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize