Waxaa cirka isku sii shareeraya Xiisadda u dhexeysa Shirkadda Xawaalladda Dahabshiil iyo Kooxaha jabsada Internet-yadda oo iyagu sheegtay inay kharibaad u geysteen Server-ka Dahabshiil Bank ee Bariga Dhexe.
Koox isku magacowday kuwa u dhaca Server-adda ‘A group claiming to be Anonymous’ ayaa hadal qoraal ah oo ay bisahn 25-dii u gudbisay Website-ka www.news.com.au ku sheegtay inay iyagu ka dambeeyeen Kharbudaada dhawaan loo geystay Sever-adda Xawaalladda Dahabshiil, inkastoo War-saxaafaeed Maamulka Dahabshiil soo saareen bishan July 22-da ku beeniyeen in la jabsaday Nidaamka Maaliyadeed ee Shirkadda.
War-saxaafadeeda Xawaalladda Dahabshiil oo loo qeybiyey Warbaahinta Maxalliga, ayaa waxa lagu xusay inay Maamulka Shirkadda xaqiijinaynaa in system-ka Dahabshiil ku shaqeeyaa yahay mid aammin ah wax dhibaato ahina aanay ka jirin, hantidii shirkadda iyo tii macaamiishuna xafidan tahay.
War-saxaafadeedka waxaa kale si kalsooni leh loogu wargeliyey guud ahaan Macaamiisha Xawaalladda Dahabshiil meel kasta oo ay joogaan in Xogta ‘Data’-da lagu baahiyey qaar ka mid ah Website-yadda yihiin kuwo aan sax ahayn.
Inkastoo Maamulka Sare ee Shirkadda Xawaalladda Dahabshiil beeniyeen arrintaasi, ayaa waxaa haddana Website-ka www.news.com.au ee laga leeyahay dalka Australia lagu soo daabacay bishan July 25-dii qoraal kale oo Update ahaa, kaasi oo ay Burcadda Internet-yadda jabsada ku sheegteen inay ka dambeeyeen dhaca loo geystay Server-ka Shirkadda Dahabshiil, waa sida ay ku doodeen Kooxdaasi.
Qowleysatadda dhaca u geysta Xogaha Serrver-adda, waxay ku eedeeyeen Dahabshiil Bank inay taageero dhaqaale u fidiyaan Kooxaha Argagixisadda, oo ay ka xuseen Kooxda Al-qaacida, Al-wafa iyo kuwo kale, waa sida ay ku xuseen qoraal lagu soo daabacay www.news.com.au.
Xigashadaasi ayaa lagu xusay in Wada-sheekeysi uu Weriye ka tirsan Website-kawww.news.com.au dhinaca Online Chat kula yeeshay xubno ka tirsan Kooxdaasi oo aan la shaacinin magacyadooda inay ku hanjabeen inay kharbaduudyo u geysan doonaan Xogaha Server-ka Dahabshiil Bank of Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.
Qowleysatada sheegatay inay dhac u geysteen Shirkadda Xawaalladda ee Dahabshiil, waxay muddo labo bilood ah u qabteen Maamulka Dahabshiil inay si rasmi ah u caddeeyaan Eedeymaha ay u soo jeediyeen.
‘Muddo labo bilood ah ayaa haysataan inaad Caddeymo Rasmi ka bixisaan Eedeynta, haddii kale, waxaad filan kartaan Kharbudaad loo geysto Isku-xirka Shirkadda ee Internetka Caalamka ‘Global Internet destruction’ ayaa laga soo xigtay Burcadda sheegatay inay jabsadeen Server-ka Dahabshil.
Hadalka Kooxdaasi ku soo daabaceen Website-ka aan soo xiganay, waxay kaloo ku eedeeyeen inay Shirkadda Dahabshiil isku tijaabinayso inay badbaadiso Ganacsigeeda, balse ay ku socdaan Waddo qaldan oo ku aadan arrimahaasi, ayey yiraahdeen Kooxdaasi.
‘Dahabshiil wax wey u beenin karaan sida ay iyagu jecel yihiin, laakiin, xaqiiqdu waxay tahay in la filan karo weerarka’ ayey Kooxdaasi ku yiraahdeen Wada-sheekeysiga Online Chat-ka uu la yeeshay Website-ka News.com.au.
Kooxdaasi ayaa horey u daabacday Kumanaan Xisaab Nambareed ‘Account numbers’, Magacyo iyo Faahfaahinno kale oo ay sheegteen inay ka soo dhaceen Server-ka Dahabshiil.
Qowleysatada waxay kaloo sheegteen mas’uuliyadda weeararo lagu soo jabsaday Dukumentiyo ku jiray Google Plus, oo lagu dhacay Nidaamyadda Bangiyo Caalami ah, oo ay ku jiraan Bangiga Barclay ee dalka Britain iyo Bangiga Ernst & Young ee dalka Maraykanka.
‘Waxaan weydiisanaynaa iyaga inay joojiyaan beenta, oo aad aqoonsataan taageeradiinna aad siisaan Argagixisadda Somaliaterror, iyo inaad si rasmi ahaan u beddeshaan Dabeecadihiinna’ ayey yiraahdeen Qowleysatada sheegtay inay jabsadeen Nidaamka Server-ka Dahabshiil.
Waxay intaasi sii raaciyeen ‘Waxaan u baahanahay Farriin rasmi ah oo idinka timaada, tanik waa baaq ficil ah oo aan ku kormeerayno Shirkadaha iyo Hay’adaha ee la shaqeeya Argagixsadda iyo dalalka sharta ah’, waa sida hadalka ay Kooxdaasi u dhigtay.
Kooxda sheegatay inay u dhaceen Xogta ‘data’-da Dahabshiil, waxaa kaloo uu News.com ka soo xigtay inay Dukumentiyadda lagu soo bandhigtay Website-ka Wikileaks uu muujinayo taageeradda tooska ee ay Shirkadda Dahabshiil ay u gudbisay Ururradda Al-qaacida, Alwafa iyo kuwo kale, waa sida ay ku doodeen Kooxdaasi oo faahfaahin dheer siisay Website-ka www.news.au
Qowleysatada, waxay kaloo sheegteen inay dhaceen Dukumentiyo, islamarkaana gubeen Saldhigyadda shaqo ee ay Dahabshiil ku leedahay gudaha dalalka Australia, Kenya, USA, UK, Sweden, Somalia iyo Dubai, waa sida laga soo xigtay Burcadda Internet-yadda ee daba dhigatay Shirkadda Dahabshiil Bank of Somalia.
Qowleysatadda waxay Qoraalkooda ku saxiixeen hadal xun oo ay ku yiraahdeen: ‘Waxaan nahay dad aan is-magacaabin, waxaan nahay Koox’.
Maamulka Dahabshil waxay horey u sheegeen inay ku raad-joogaan si ay u aqoonsadaan Kooxaha dhaca u geystay Server-kooda, waxayna beeniyeen in Kooxaha dhaca Server-adda ay ka dambeeyeen weerarkii lagu soo qaaday Nidaamyadda Bangiyadda ee Shirkadooda ‘Banking Systems’.
Afhayeen u hadlay Shirkadda Dahabshiil ayaa u sheegay News.com inay caadiyan si joogto ah u dhowrayaan Macaamiishooda, isla markaana ay muhiimadooda koowaad tahay badbaadinta iyo ilaalinta Hantida Macaamiishooda.
“Muhiimad aad u sarreyso ayaan meel kasta ka galnay, waxaana leenahay Siyaasad dhacdooyin iyo Heshiisyo oo lagu xaqiijinayo Xiriir la yeesheen Maamuladda dalalka ay ka midka yihiin France iyo UK’ ayuu yiri Afhayeenka Dahabshiil.
“Annaga marnaba Hawsheenna Ganacsi marnaba wax Baaritaan diiradda naguma saarin Eedeymaha lagu sheegayo inaan gacan siino Kooxaha Argagixisadda. Mana jiraan wax isku xiri kara Lacagaha aan Xawilno iyo Kooxaha Argagixsadda’ ayuu yiri Afhayeenka Dahabshiil oo u waramay News.com.au, wuxuuna xusay inay Shirkaddooda aad u ilaalinayso Hantida Macaamiisha, oo gacan ammaan ah ku jirta.
Si kastaba ha ahaatee, Muranka sii laba lixaadsanayo ee u dhexeeya Shirkadda Dahabshiil iyo Qowleysata sheegatay inay u dhacen Severka Shirkadaasi, ayaan la ogayn halka uu sal-dhigan doono, iyadoo Maamulka Dahabshiil sheegeen inay ku raad-joogaan Kooxaha Tuugadda Internet-ka ee khalkhalka geliyey Nidaamka Bangiyeed ee Shirkadda Dahabshiil.
.
F.G. Waxaan Akhristayaal idiin soo gudbinaynaa War-saxaafadeedka Shirkadda Xawaalladda Dahabshiil ka saartay Wararka Warbaahinta horey ugu shaaciyeen in Nidaamka Bangiyeed ee Shirkadda la jabsaday iyo Faahfaahinta ay Saxafiyadda Claire Connelly ku qortay www.news.com.au ka diyaarisay sheegashadda Kooxda Qowleysata ee jabsatay Server-ka Dahabshiil Bank of Somalia.
.
.
___________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize