Dukuumo laga jabsaday xaafada Islii

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Fowzi Maxamuud Yuusuf,waxaa xalay kooxo hubaysan ay dhac ugeesteen dukaamo dad Soomaali ah ay ku leeyihiin Magaalada Nairobi.

Dhaca dukaamadan ayaa ka dambeeyay kadib markii kooxo hubaysan ay xalay saqdii dhexe ay jabiyeen dukaamo labo ah kuwaasi oo kuyaala xaafada Clafornia oo ah xaafadaha Soomaalida ku badan tahay.

Kooxaha dhaca geestay ayaa waxa ay ku hubaysnaayeen bistoolado waxa ayna xalay saqdii Dhexe jabiyeen labo dukaan kuwaasi oo qaatay lacago yar oo looga dhaxtagay dukaamanka.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan Soomaali badan gaar ahaan xaafada Islii halkaasi oo ay ka sameesteen ganacsi badan oo bacaadlayaal iyo dukaamo ah.

Kooxaha dhaca geestay ayaa waxa ay ahaayeen burcad Kenyaati madoow ah kuwaasi oo meesha ka baxsaday markii ay geesteen falka dhaca ah.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.