Gaadiidleyda Muqdisho oo ka cabanaya isbaarooyin

Guddiga gaadiidleeyda Gobalka Banaadir ayaa ka cabanaya ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay dhac ugeestaan gaadiidka.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga gaadiidleeyda Gobalka Banaadir Maxamed Rashiid oo la hadlay warbaahita Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dad ku lebisan dareeska ciidamada dowladda ay ku dhacaan gaadiidka wadooyinka u kala baxa labada Shabeelle.

Wuxuu sheegay in wadada aada dhanka Gobalka Shabeelaha Dhexe laga bilaabo Isgooska Hiliwaa ay yaalaan sida uu sheegay in kabadan 10-isbaaro oo gaaadiidka lacago si sharci daro ah looga qaado.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga gaadiidleeyda Gobalka Banaadir Maxamed Rashiid ayaa sidoo kale sheegay in wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ay haatan xiran tahay kadib markii sida uu tilmaamay shacabka iyo gaadiidleyda ay xireen wadada islamarkaana gabi ahaanba aysan jirin wax shaqo ah.

Ugu dambeyn ayaa wuxuu baaq udiray Guddoomiye ku xigeenka Guddiga gaadiidleeyda Gobalka Banaadir Maxamed Rashiid saraakiisha ciidamada dowladda islamarkaana wuxuu ugu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabtaan ciidamada dhaca isbaarooyinka badan dhigtay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa inay geestaan dhac iyo sidoo kale falal baarasho ah oo ay kula kacaan gaadiidka iyo sidoo kale dadka rayidka ah.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login