Sida laga soo xigtay Ilyaas Muxudiin oo kamid ah Waxgaradka Gobolka Gedo ayaa sheegayo in ilaa iyo iminka Meydadka iyo dhaawacyada Khasaaraha uu kasoo gaaray Dagaalkii xalay ka dhacay Deeganka Yurkud oo katirsan Deeganada Gobolka Gedo ay ku xaniban yihiin Hooygoodii ay ku dhawacmeen
Dadkaasi ayaa sabab saday Madaafiic habeennimadii xalay ay is weydarsadeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab ka helaayo kuwa Kenya iyo Xoogaga Alshabaab oo dhinac ah, Sidoo kale wararka naga soo gaarayo Gobolkaasi ayaa sheegayo in Haraadiga Alshabaab ee Gobolkaasi ku sugan ay mamnuucen in Dhaawacyada iyo meydadka loo kala dugbiyo Isbitaalada Magaaladaasi waxaana lagu soo waramaaya in Ciidamada Dowlada iyaguna dhankooda ay ka mamnuucen in Gawaarida qaar aynan gali Karin Aaga ay gacanta ku haayan Ciidamada Dowlada
Si kastaba ha ahaatee Dhawacyada iyo Meydadka ay haleeshay madaafiicda ayaa wali ku xaniban Guryahooda halka qaar dhaawacyada ay ugu dhimanaayan Dhiig la’aan mana jirto Cid gaar ah oo iska xil saartay dhibaatada haysata Dhaawacyada iyo meydadka halkaasi ku xaniban
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login