Qodobada maanta laga doodayo shirka Dastuurka

Xarunta Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si habsami leh uga socda shirka ergada Ansixinta Dastuurka uu yelanayo dalka Soomaaliya.

Sida uu soo warinayo Wariyaheena Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ku sugan xarunta shirka ergada ansixinta Dastuurka,ergada ayaa waxaa loo aqrinaya qodoboda ku qoran Dastuurka.

Sidoo kale ergada ansixinta Dastuurka ayaa la sheegay in marka loo aqriyo Dastuurka kadib loo sameyn doono gudiyo gaar gaar ah oo eegaya qodobada maanta loo aqriyay.

Ergada ayaa la sheegay in marka ay sida gaar gaarka ah ay ukulmaan kadib warbaahinta ay la hadli doonaan islamarkaana ay shaacin doonaan qodobada maanta loo aqriyay iyo sida ay u arkaan dhankooda.

Maanta ayaa shirka wuxuu galay maalintii shanaad iyadoo maalinta sagaalaad lagu wado in sitoos ah loo ansixiyo Dastuurka qabyada ah.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on July 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.